0615288068
12/12/2020
Badda Soomaaliyeed
ADD ARTICLE DESCRIPTION
Badda Soomaal waa bad oo bariga dalka Soomaal ku taal.
Quick Facts: Somali Sea Af Soomaali : Badda Soomaaliya, Meesha ...
Maqaalaha
The Somali Sea (Af Soomaali : Badda Soomaaliyeed, Af carabi: بحر الصومال: Seychellois Creole: La lanmer Somali) is a marginal sea between the eastern coast of Somalia and Seychelles. It shares borders with the entire coastlines of the Somali regional states of Galmudug, Hirshabelle, South West, Jubaland, part of Puntland as well as the Mahe island of Seychelles and other Seychellois islands such as La Digue and Curieuse.
Scope
The Somali Sea is bordered on the west by Somalia's eastern coastline, to the north by the Guardafui Channel which begins along the projection of Ras Hafun and its parallel of latitude, to the east by the eastern border of the tectonic Somali Plate or along 55th 28′E meridian east along Seychelles' Mahe island, and bordered to the south by Somalia's equidistant line maritime border.
History
The Somali Sea has been referred to by numerous names throughout history, including "Azania Sea" and "Erythraean Sea". The southern flanks facing the Mozambique Channel was historically referred to as "Zanj Sea".
The 2000s and 2010s were turbulent decades for the fisherman who makes a living along the coast of the Somali Sea. This was because of the illegal fishing activities of foreign fishing trawlers and fishing vessels who stole on average $300 million worth of fish each year according to a UN report. The participation of Somali Admiral Farah Omar Ahmed with his coast guard boats in the coastal region during the years between 2012 and 2014 were a major factor in dislodging Al-Shabaab from the Jubaland region. Admiral Ufurow, a commander of the Somali Navy was assigned to deal with the dumping of toxic waste as well as illegal fishing by foreign nations that was occurring in the Somali Sea. The subsequent commander Olujog, who was inaugurated in 2018, was tasked with preventing trade by al-Shabaab, and disrupting their economic viability by securing the coastline.
As of the 2010s, there have been increasing reports of Gulf Arab states such as the UAE and Qatar being engaged in a power struggle for access to ports in the Somali Sea. Due to insurance costs against piracy, navigation through Somali Sea waters by trading and commercial vessels have some of the highest costs in the world. In 2014, Somalia's government sued Kenya for violating its maritime borders and engaging what is purports to be illegal drilling activities in the Exclusive economic zone of Somalia; the next year, Mogadishu took the case to the International Court of Justice.
Islands
The Somali Sea contains the following islands:
Coëtivy Island (Seychelles)
La Digue (Seychelles)
Curieuse (Seychelles)
Jasiirada Chovaye
Jasiirada Chula
Jasiirada Koyama
Mahé, Seychelles
Gallery
The Somali Sea at the bottom
Milky sea effect off the coast of Somalia in the Somali Sea.
Ecology
The central region of the Somali Sea has a 250 kilometer stretch of a luminous phenomenon whereby large areas of seawater appears to glow brightly enough at night to be seen by satellites which some scientists have attributed to bioluminescent bacteria or dinoflagellates, causing the sea to uniformly display a light blue glow at night.
References
ABOUT THIS ARTICLE
View edit history
Updated 125 days ago
View talk page
Discuss improvements to this article
READ MORE
Aagga Dhaqaalaha Soomaaliya
Aagga Dhaqaalaha ee Soomaaliya oo ah 830,389 km2 ee Badweynta Hindiya. waana masaafo dhan 200 mayl-badeed xarriiqa asaasiga ah, taasoo ku dherersan dhul-badeed lagu qiyaasay. Sida uu qabo xeelka tirsigiisu yahay L. 37 kaas oo soo baxay 1972, Aagga dhaqaale ee u madax bannaan.
Dowladii Darawiish
Dawlada Daraawiish waxay ahayd maamul Dhulbahante nooc gumeysi-diid ah oo jiray 1896kii ilaa 1920gii, dhulkii beelaha Dhulbahante, deegaano ka mid ah beelaha saxiix-la'aan, heshiis-la'aan ama balanqaad-la'aan ahaa dhanka gumeysiga, iyo meelaha ay ku dhaqan yihiin. Ismaamulkan waxaa aasaaskiisa lahaa bulshada Dhulbahante iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, oo ahaa hogaamiye diineed, abaanduulihii ciidamada Daraawiishta, hogaamiye bulsho iyo gabayaa caan ka ahaa geyiga Soomaaliyeed oo dhan. Diiriye Guure wuxuu ahaa boqorka Dhulbahante iyo boqorka Darawiish.
Xasan Laabsalah
Xasan Laabsalah is a Somali poet and songwriter.
Content is available under CC BY-SA 3.0 unless otherwise noted.
View article in browser
12/12/2020
Magacyada Soomaaliyeed
ADD ARTICLE DESCRIPTION
Magacyada Soomaaliyeed waa magacyada asal ahaan ama ab ka ab ka soo jeeda af Soomaaliga. Badiyaa magacyada waxay ku baxaan muuqaal ama arin markaas taagan. Tusaale, Caanood oo ah magac lab- xili barwaaqo ah oo caanuhu meel walba yaalaan ayaa la bixin karaa, Udgoon oo ah magac dhedig waxaa uu bixi karaa waayo carafta ama uduga subaga iyo waxyaabaha kale ee la carafsado hodan laga yahay. magacyo baa jira ee lagu doorbiday isku iirasho ahaan sii ay la noqdaan nimanka ugu caansanaa ee Qusuusi ahaa, ee dawladda Darwiish.
Maqaalkan Waa Agoon!
Bogan wuxuu leeyahay ugu yaraan mid ka mid ah dhaliilahan:
Qaabka qoraalka maqaalkan ma ahan mid habaysan oo waafaqsan habka wax qorista ee Soomaali Wikipedia.
Qoraalka bogani ma lahan caddaymo iyo tixraac lagu kalsoonaan karo.
Qoraalka waa mid kooban (yar); ama warbixin la fahmi karo ma lahan.
Micnaha guud ee warbixinta bogan waxay u janjeedhaa hal dhinac; qoraalku waa fikrada iyo aragtida hal qof.
Qoraalka bogan waxaa ku jira Af-Qalaad.
Hadii aad aqoon u leedahay fadlan Waxka bedal. Xasuuso qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.
Diiwaanka Sugnaanta Magacyada Soomaaliyeed
Magacyada Soomaaliyeed uma habaysna hab hikaad/hingaad iyo wax halbeeg ah oo ka jira magacyada Soomaaliyeed oo markaas laga tixraaci karo urur ama hay'ad dowladeed sida Hidaha iyo Tacliinta Sare ama xafiisaha tirakoobka, diiwaangelinta iyo sugnaanta ee dowlaha degmooyinka ama gobollada.
Diiwaanka Magacyada Soomaaliyeed
Hoos waxaa ah taxan magacyada wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed. Ma jirto meel si rasmi ah u ururisay magacyada Soomaaliyeed ee soo jireenka ah iyo macnahooda walow ay jiraan buugaag laga qoray magacyada hablaha iyo wiilasha Soomaaliyeed ee waayihii h**e lala bixi jiray ilaa hadana la adeegsado.
Waxaa diiwaanka magacyahada habalaha iyo inamada Soomaaliyeed loogu taxay hoos iyada oo magacyada hablaha la soo hormariyay. Tifaftir iyo saxitaan dheeraad ah ayay u baahanyihin iyo waliba balaarin cidii aqoon dheeraad ah u leh. Sidoo kale, magacyada la wadaago lab iyo dhedig qoraalkan laguma kala cadayn iyo waliba macnaha asal ahaan magaca walow qaar la garan karo oo bay'ada iyo nolosha dhaqanqdhaqaale ee miyiga laga dheehan karo.
Taxane magacyo oo halbeeg lahayn ayaa waxaa diyaariyay Maxamed Ibraahim waana xigashada ugu balaaran oo oo qodobkan Wikipedia raacay qabyta magachada sugan ee Af Soomaaliyeed.
MAGACYADA GABDHAHA SOOMAALIYEED
Magacyada gabdhaha waxay ku baxaan sida kuwa wiilasha oo kale muuqaal, munaasabad iyo iyada oo ay u dheeryihiin qurux iyo waxyaabaha kale ee lagu cabiro howlkarnimada ama gaarinimada ay gabari leedahay.
A
Abshiro, Abyan, Afraxo, Allamagan, Ammaan, Amran, Aragsan, Arraweello, Ardo, Arliyo, Ashkiro, Askaro, Asiili, Asli, Ayaan, Axado.
B
Baahila, Baar, Baaruud, Bakaad, Balqisa, Bariido, Barkhado, Barni, Barrey, Barwaaqo, Basro, Batuulo, Baxsan, Baylaha, Bayddan, Beegsan, Beerlula, Biciido, Bilan, Billaddaya, Bilkhayr, Bishaaro, Biyood, Bogaad, Boosteeya, Bullo, Buney, Butaaca, Buuxa.
C
Caanood, Cabban, Cadar, Caddey, Cajabo, Calaso, Canab, Canbaro, Carfoon, Carraabo, Carro, Cartama, Carwo, Casey, Cawilo, Cawo, Cawrala’, Caynabo, Ceebla’, Cibaado, Ciilla’, Ciiltira, Ciribbuuxa, Cosob, Cubtan, Cudbi, Cuddoon, Cugan, Culan, Culimmo, Cureeji, Cutiyo caza
D
Daado, Daaha, Daawad, Daggan, Dahabo, Dallaayad, Dallaayo, Dallays, Damac, Damman, Darmaan, Daruuro, Dawo, Dayaxo, Daynabo, Deeqa, Deggan, Degmo, Diiddan, Diimmoon, Diiran, Diraaco, Doonbiro, Duco, Duda, Duddo, Dugsiiya, Dugsoon.
=Qaybta Dh oo farac ka ah D
Dhaayo, Dhalaala, Dheeho, Dhiin, Dhiirran, Dhikilo Dhimbilo, Dhoofa, Dhool, Dhudi, Dhuuban, Dhuubo Dhuux.
F
Fahma, Falis, Falxado, Fanaxley, Farax, Fariido, Farxado, Farxiyo, Faynuus, Fiido, Filad, Filan, Filsan, Foojiga, Foos.fowsiyo,fartun fardowsa
G
Gaadsan, Gaarri, Gaarriyo, Gacaliso, Gacalo, Gaceedo, Gadiido, Gallado, Gargaara, Gaylamo, Geeddiyo, Geelo, Geenyo, Gefla’, Gobaad, Gobey, Gordan, Gu’dhalad, Guduudo, Guhaado, Guuleedo.
H
Habban, Habboon, Habsamaan, Hagarla’, Haldhaa, Halgan, Haweeyo, Heego, Hibaaq, Hibo, Hiddo, Hillaac, Hira, Hodan, Hodman, Hogol, Hoobaan, Hoodo, Hoombarro, Hufan, Huryo. Hinda . Hani ,Hana
I
Idil, Idilo, Idman, Iftiin, Iido, Iimaan, Ilays, Ilkaag, Ilroon, Ilwaad, Indhadeeq, Indhawroon, Ishaaro, Isir, Ismoog, Isniino, Istaahil. Igraan intisaar
J
Jalaqsan, Jamaad, Jawaahir, Jeegaan, Jimco, Jinnow, Johorad, Joogdheer juweriyo jamila
K
Kaaba, Kaad, Kaadsoon, Kaafiya, Kaaha, Karuur, Kinsi, Koos, Korraad, Kutubey. Kawsar .Kaamila .Kaaf.
Qaybta Kh oo farac ka ah K
Khadra, Khaladla’, Khayrto. Khadiija , khamiiso
L
Laaca, Ladan, Leexo, Libin, Luul.
M
Muniira , muntaas ,muna ,mugwayn,Maandeeq, Maano, Macey, Magool, Malabo, Markabo, Marwo, mayran, Miido, Milgo, Mullaaxo, Muraayo, Murriyo.
N
Naadiyo, Naado, Nafiso, Nagaad, Nagan, Naqo, Naruuro, Nasteexo, Nuuro, Nuurto. Nasra, Naruuro, Neda nesrin
O
Ogaal, Oriyo.
Q
Qaafo, Qaayaweyn, Qaladla’, Qalanjo, Qarad, Qoordheer, Qoran, Qorraxo, Qumman.
R
Raagsan, Raalliyo, Raaqiyo, Raaxo, Rako, Rakuubo, Raydhabo, Roobo, Roon, Rooxo, Rummaan, Ruun. Rooda ,Ramla,
S
Saado, Saafi, Saaqa, Sabaad, Sabtiyo, Sagal, Sahwiyo, Salaado, Saluugla’, Samawado, Sareedo, Sarreeyo, Saruuro, Saxansaxo, Saxarla’, Siman, Siraad, Sitey, Soohan, Subkan, Sulubo, Sureer, Suubban.
Qaybta Sh oo farac ka ah S
Shaadiro, Shacni, Shahmaad, Shamado, Shankarroon, Shaqlan, Shariifo, Sheegan, Shifo, Shoobo, Shukri, Shumey, Shuun.
T
Tagsan, Taliso, Tanaad, Tawllan, Tigaad, Timiro, Tiriig, Tisqaad, Toolmoon, Toosan, Tooxey, Tusmo.
U
Ubax, Ubbolacag, Udgoon, Ugaaso, Ugbaad, Ulasan, Umal.
W
Wacan, Wanaag, Warfog, Waris, Warla’, Warmoog, Warroon, Warsan, Wiilo.
X
Xaawo ,Xayaqd Xaadsan, Xaali, Xaddiyo, Xalwo, xamaro, Xamdi, Xareedo, Xiddo, Xiisaan, Xinbilo, Xirsiyo, Xorriyo, Xulbado, Xaysimo.
Y
Yurub, Yusur, Yuusa.
MAGACYADA WIILASHA SOOMAALIYEED
Magacyada Wiilasha waxay ku baxaan sida kuwa gabdhaha oo kale muuqaal, munaasabad iyo iyada oo ay u dheeryihiin halyeeynimo iyo waxyaabaha kale ee lagu cabiro raganimada.
A
Abadar, Aamin, Abshir, Absame, Abtidoon, Aflax, Afrax, Ashkir, Askari, Awsame, Ayaanle.
B
Baalle, Baasaweyne, Bacalwaan, Bakad, Barkhad, Barkhadle, Bashiir, Bariise, Barre, Beelwade, Beyle, Bile, Bicir, Biixi, Birmad, Bootaan, Bulxan, Bullaale, Buraale, Burhaan, Busuri, Buulle.Buux
C
Caagane, Caalin, Caaqil, Cadceed, Caddow, Calas, Calasow, Camuud, Canbar, Canshuur, Cartan, Carte, Caynaanshe, Caynab, Cawil, Cigaal, Cigale, Ciiltire, Cidey, Cige, Cilmi, Colaad, Cosoble, Culusow.
D
Daacad, Daahir, Dalmar, Dayax, Deer, Deeq, Digil, Diini, Diiriye, Dool, Ducaale, Durqun.
Dh
Dhalad, Dharaar, Dhiid, Dhinbiil, Dhuubow, Dhuxul.
F
Faandhe, Faarax, Fanaxle, Fiidow, Fiqi.
G
Gaaciye, Gaarane, Gaarhaye, Gabal, Gabax, Gaboose, Gacal, Gacayte, Gadiid, Galad, Garaad, Garaani, Gari, Geedi, Geelle, Geelqaad, Giirre, Guhaad, Gurxan, Guudle, Guuleed, Guure.
H
Hagar, Hanad, Hayaan, Haybe, Hareeri, Hiraabe, Hiraad, Hiraale, Horyaal, Hufane Huruuse.
I
Iidle, Ishaar.
J
Jaamac, Jaafi, Jalaqow, Janaalle, Janogalle, Jayte, Jimcaale.
K
Kaafi, Kaahiye, Kaliil, Karuure, Kaynaan, Keyse, Kotaale, Kulan, Kuluc.k**aal,
Kh
Khadar, Khayre.
L
Liibaan, Loogge, Looyaan.
M
Maalin, Magan, Migil, Mire, Mooge, Mowliid, Muudey.
N
Naaleeye, Nadiif, Nageeye, Nimcaale, Nuur, Nuure,
O
Odawaa, Odax, Oogle, Oomaar.
Q
Qaalib, Qaaje, Qayaad, Qorane, Qorax, Qowdhan.
R
Raage, Rooble. Riiraash
S
Sade, Sahal, Salaad, Samaale, Samatar, Samatalis, Samawade, Samokaab, Samow, Saruur,Shidde, Subagle, Subeer, Seeraar, Sugulle, Suudi.
Sh
Shaaciye, Sharmaake, Shariif, Shiino, Shire, Shooble, Shuuriye.
T
Taajir, Taakooy, Tahliil, Tarabi, Tareey, Tawakal, Tiifoow, Timir, Toosane, Tooxow. Tukaale
U
Ubaxle, Ugaas, Urur.
W
Waaberi, Wacays, Warfaa, Warsame, Wayrax, Weheliye.
X
Xaange, Xaashi, Xandulle, Xalane, Xareed, Xiis, Xildiid, Xirsi, Xukun, Xuuki. Xoosh
Y
Yaasiin, Yabaal, Yalaxow.
Xigasho
ABOUT THIS ARTICLE
View edit history
Updated 407 days ago
View talk page
Discuss improvements to this article
READ MORE
Garsoorka Soomaaliya
Ma jiro ilaa iyo hadda Garsoor hagaasan oo shaqeeya
Magac
MagacSharaxaad badan iyo faahfaahin magacyada, fadlan fiiri Jadwalka Magacyada.
Wakhti
Content is available under CC BY-SA 3.0 unless otherwise noted.
View article in browser
11/12/2020
Soomaaliya
ADD ARTICLE DESCRIPTION
Soomaaliya (Af Ingiriis : Somalia, Af Carabi: الصومال), sida rasmiga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Af Ingiriis : Federal Republic of Somalia) (waxaa h**e loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii h**e ee Hantiwadaaga), oo sii dhaxal ahaana loo yaqaano Soomaal waa Dowlad iyo wadan dhacda Faanka Afrika ama Foolalka Afrika ee kasii socda Marinka Gardafuul. Wuxuu ka kooban yahay maamul goboleedyo sidha Puntland, Somaliland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle Koonfur Galbeed iwm. markaa laga reebo oo ka kooban Sool, degmada Fiqifuliye iyo gobolkaas intiisa kale dhanka bariga, iyo degmada Cayn ee dhul muransan ah. Waxaa ka xiga bariga marinka Gardafuul iyo Seyshelles, iyo Soqotra iyo badda Soomaal, koofuurna Kenya. Waxaa ku nool dad Faanyahan ah, iyo dadka Dhul-hoos Bari Kushiitik ah.
Quick Facts: Luqadaha rasmiga ah, Afafka qalaad ...
Waxaa dawlada Soomaaliya ka h**eeyay dawladda Darwiish oo ciidanka oo hoogaamin jiray iyo waliba abaanduul guud ka ahaa Ismaaciil Mire. Juquraafi ahaan woqooyi galbeed waxaa ka xiga Jabuuti, iyo Kiinya Koofur galbeed, iyo Gacanka Cadmeed woqooyiga iyo Marinka Gardafuul bariga iyo Itoobiya galbeedka. Waxay leedahay xad badeedka ugu dheer qaaradda Afrika. Waxaa kala duwan qaabka dhulka kuwaas oo kala ah Buuro, Dul iyo Bannaan. Cimiladeeda oo ah lama degaan kulul dhamaan sanadka iyada oo ay jiraan xoogaa dabaylo xilliyeed iyo roobab aan joogto ahayn.
Soomaaliya xilliyadii h**e waxay ahayd meelaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah ee ka dhexeeyay dawladihii h**e ee caalamka. Xilli ay ahaayeen Badmareenada iyo ganacsatada Soomaaliyeed kuwo dhoofiya Luubaanta iyo Malmalsha taasoo ka dhignayd kuwo u soo saari jiray Masartii h**e, Fiiniqiyiintii, Maysuuniyiintii iyo Baabil taasoo isku xiri jirtay dhammaan gaadiidka Awrta ama Geela ganacsiga Soomaaliyeed waxay la wadaageen Soomaalida xiriir ganacsi. Sida ay la tahay in badan oo taariikhyahano ah iyo kuwa dhiga taariikhda, waxay cadeeyeen Soomaaliya in ay tahay meesha lagu tilmaamay dhukii Buntiga ee h**e taasoo la lahayd xiriir wanaagsan Faraaciintii Masar gaar ahaan xilligii Fircoon "saaxuurac" ee ka midka ahaa boqoradii Masar casrigii Dawladdii h**e, iyo boqortooyadii "Xatshabsuut" ee ka mid aheeyd boqoradii qoyskii reer masar ee sideed iyo tobanaad casrigii dawladda cusub. Waxaa loo malaynayaa arrinkaas dhismeyaasha Ahraamta iyo Macbadyo iyo dhismeyaal ee lagu dhisay Garanayt iyo Shiil Cad taasoo loo malaynayo waqtigeeda isla xililligaas una dhigma kuwa la midka ah ee dhismeyaashii msar. sidoo kale xilliyadii h**e, waxaa tartamayay dawlado kuwaasoo isku dayay in ay xiriir la yeeshaan dadyoow deganaa dhuka Soomaaliyeed sida jasiiradda xaafuun raas casayr iyo Malaw iyo Mareeg iyo dariskooda Boqrtooyadii Saba iyo Arshek iyo Boqortooyadii Aksam ee ku salaysan ganacsi iyo qaybo ka mid ah boqoro ka jiray Hindiya iyo Giriiga iyo Roomaanka.
Geeska Africa sanadka 1898
Markii ay ka soo if baxday diinta islaamka meel ku beegan xeebaha Soomaaliya Badda cas waxay soo qaateen ganacsatada iyo badmareenada soomaaliyeed ee aadi jiray Jasiirad la mooda carbeed diinta Islaamka taasoo ka dhalatay macaamilka ay la lahaayeen carabta Muslimka ah. Hijrooyinkii ay sameeyeen dad saxaabada ka mid ah meelo badan oo dunida muslimka ah qarniyadii h**e ee diinta islaamku faafaysay ayaa waxay sahashay in ay soomaalidu qaadato diinta islaamka si nabad ah macalimiin Soomaaliyeedna ayna barayeen dadka, waxaa ka dhismay dhulka Soomaaliyeed dawlado iyo magaalooyin islaami ah sida magaalooyinka Muqdisho, Baraawe, Mareeg iyo Marka, taasoo ahayad qayb ka mid ah ilbaxnimadii Soomaalida. Waxaa loo yaqiin magaalada muqdisho "Magaaladii Islaamka" Waxaa la joogay ganacsiga dahabka ee ku taal Bariga Afrika qarniyo badan. iyo Casriyadii dhexe, Boqotooyooyin Soomaaliyeed baa la wareegay wadooyinkii ganacsiga sida Ajuraan taasoo xukumaysay dhulka intii u dhexaysay qarniyadii laba iyo tobanaad ilaa todoba iyo tobanaad ciise dabadii taasoo alliftay hindisaha cilmiga dareeraha dheqdheqaaqa iyo dhismeyaasha darbi difaaca, Sidoo kale saldanadii Cadal taasoo imaam Axmed gureey waa ciidankii ugu h**eeyay afrika ee adeegsada Madfac dagaalkii lagula jiray xabashida intii u dhexaysay sanadihii 1529 ilaa 1543, sidoo kale qoyskii Goonroon taasoo xukumi jirtay magaalada Laamu ee xiriirka la lahayd saldanada cumaan ee iyana hoos imaan jirtay Cusmaaniyiinta kaasoo ka qaadi jiray Jizyo suldaan axmed yuusuf, suldaankii afaraad ee Ajuuraan kaasoo xukumayay intii u dhexaysay 1848 ilaa 1878. Qarnigii sagaal iyo tobanaad kadib kulankii Baarliin 1884, boqortooyooyinka yurub waxay u soo direen cidmadooda Baragiga Afrika Si ay dhulkaas caalamka istiraatiijiga u ah u qabsadaan taasoo kaliftay in Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, aasaasihii dawladdii daraawiishta in uu ciidamo soomaali ah ka soo usruusado geeska afrika oo dhan waxay ahayd inta taariikhda la ogyahay is hortaag kii ugu weynaa ee lagu sameeyo Isticmaarka.baraawe
Waxaa u suurta gashay Soomaalida ugu horayn ka hortagga Soomaalida. dawladii daraawiishta waxay iska caabiyeen Ingiriiska afar mar oo isxigta waxaana lagu qasbay in ay dib ugu gurato dhanka xeebaha. waxay jabtay daraawiishta 1920 kadib adeegsigii Ingiriiska uu adeegsaday diyaaradaha intii dagaalka lagu jiray duqaynta "taleex" caasimadda ciidankii daraawiishta iyo dhamaan dhulkii daraawiishta waxaa la wareegay ciidmadii gumaysiga Ingiriiska. Sidoo kale Talyaaniga wuxuu la kulmay iska caabin kaga imaanaysay salaadiin Soomaaliyeed mana uwada suurta galin in uu wada qabsado qaybo ka mid ah dalka ee hadda loo yaqaan Dawladda Soomaaliya marka laga reebo xilligii fajiistaha dabayaaqadii sanadkii 1927 waxayna haysteen ilaa 1941 kaasoo lagu bedelay xukunkii ciidmada ee Ingiriiska. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu sii ahaaday mustacmarad Ingiriis ah halka koofurta Soomaaliya isku bedeshay dawlad madax bannaan laakiin ay la socoto wasaayad ilaa laga gaaro midayntii labada gobol 1960 kuma midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Soomaaliya waxay xubin ka noqotay Jaamacada Carabta sanadii 1974. sidoo kale Soomaaliya waxay xiriir fiican la samaysatay dadlalk afrika, waxay ka mid ahayd dawladihii aasaasay Midowga Afrika, waxay taageeri jirtay ANC ee Koonfur Afrika kana soo herjeeday nidaamkii Apartheid ee cunsuriga ahaa waxay kaloo taageertay Soomaaliya dagaalyanada Eratareya intii ay ku jirtay Eretariyiinta dagaalkii looga soo horjeeday Itoobiya. Iyadoo ka mid ah Dawladaha Islaamiga hadana Soomaaliya waxay ahayd aasaasayaashii Ururka Iskaashiga Islaamka sidoo kale waxay xubin ka ahayd Qaramada Midoobay. Soomaaliya iyadoo dhibaato kala kulantay Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya iyo deganaasho la'an ku baahday gudaha, waxay ku guulaysatay abuurista Suuq xor ah kana sareeya inbadan ee nidaamayada dhaqaale ee Afrika kale sida ay sheegtay daraasad ay sameeysay qaramada midobay.
Taariikh
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan, eeg Taariikhda Soomaaliya.
Saddex Calan, Mogadishu 1959: *Calanka Soomaalida *Calanka Itaalyaaniga *Calanka United Nations Trusteeship
Casrigii wixii ka h**eeyay taariikhda
Qorista sawir dhagxaan h**e weedho carabi ah.
Dadka waxay yimaadeen dhulka Soomaaliyeed Casrigii dhagxaanta, taasoo loo celinayo sawirada lagy hardhay darbiyada godoka woqooyiga Soomaaliya sanadihii 9000 CH. gododkaas waxaa ugu caansan "Laas Geel" oo ku taal meel u dhow Hargaysa taasoo lagu arkay darbiyada mid ka mid ah kuwii ugu h**eeyay ee waxa darbiyada lagu sawiray ah qaaradda afrika. sidoo kale awaxaa la helay qoraallo ku hoos qoran sawirada ama darbiyada si guud laakiin Culimada Raadraaca uma suuta galin in ay aqoonsadaan sumadaha luqadaas ama qoraalladaas marka laga reebo. Intii lagu jiray Casrigii dhagaxa waxaa soo baxay ilabaxnimo ka jirtay meela ku dhowdhow magaalada hargaysa.
Sidoo kale waxaa la helay waxa ku tusaya meel qabuuro lagu sameeyay Janaaso ee geeska afrika taasoo laga helay Soomaaliya taasoo loo malaynayo taariikhdeeda afar kun sano CH. Sidoo kale waxaa qalab laga soo saaray meesha "Galiilow" ee taariikhiga ah woqooyiga Soomaaliya taasoo ah isku xiraha Bari iyo Galbeed intii lagu jiray qarniyadii ugu h**eeyay ee dadka dhulka ugu soo h**eeyay.
Qarniyadii h**e iyo xilligii qadiimiga ahaa
Baydka pyramidical dhismayaasha, mausoleums, magaalooyinkii baabba'ay, oo derbiyadeeda dhagax, sida Wall Wargaade, waa caddayn ilbaxnimada duug ah in hal mar soo halgamay ee Jasiiradda Soomaali. Ilbaxnimadani waxay ku raaxaysatay xidhiidh ganacsi oo ay la lahayd Masar qadiimiga ah iyo Mycenaean Giriig ilaa qarnigii labaad ee sano ka hor, iyagoo taageeraya fikirka ah in Soomaaliya ama gobollada ku dhow ay ahaayeen meesha Dhulkii h**e ee Punt . Puntites waxay ka ganacsan jireen malmal, udgoon, dahab, alwaax, lo'di gaaban, fool maroodi iyo frankincense oo ay la galeen Masriyiintii, Fenisiyiinta, Baabuloonkii, Hindiya, Shiinaha iyo Roomaaniya iyagoo adeegsanaya dekedohooda ganacsi. Safarkii Masaarida u diray Boqortooyada 18-aad ee Boqortooyada Hatshepsut ayaa lagu duubay macbudyada ku yaal Deir el-Bahari, xilligii boqornimadii Boqorka Puntite Parahu iyo boqoradda Ati. Sanadkii 2015kii, falanqayn gaar ah oo ku saabsan tuugadii h**e ee duullaanka Punt ee loo keenay Masar hadiyado ayaa muujinaya in muunadani ay u badan tahay inay ka soo jeedaan dhul ku yaal bariga Soomaaliya iyo dariiqa Eritrea iyo Ethiopia.
The Land of Punt ( Masri : pwnt ; akhrinta kale ee loo yaqaan ' Egiptological akhrin' Pwene ( t ) , ku dhawaaqida / pu: nt /) waxay ahayd boqortooyo qadiim ah. Lammaane uu ganacsi ee Masar, waxaa lagu yaqaan soo saarka iyo dhoofinta dahabka, beduliyum Beeyada, blackwood, haabniim, foolka maroodiga iyo xayawaanka duurjoogta ah. Gobolka waxaa lagu yaqaanaa diiwaannada qadiimiga ah ee Masaarida ee socodsiinta ganacsiga. Waa macquul inay u dhigantaa Opone geeska Afrika, oo markii dambe loo yaqaanay Gariiggii h**e, halka qaar ka mid ah culimada Baybalka ay ku tilmaameen dhulka kitaabiga ah ee Put ama Havilah .
soomaliya qayb ka mid ah uu ahaa Soomaali magaalo-goboleedyada in ku hawlan shabakad ganacsi faa'iido badan xira Soomaali baayacmushtariyaasha la Foynike, Ptolemic Masar, Greece, Parthian Faaris, Saba, Nabataea iyo Boqortooyada Roomaanka . Badmaaxiinta Soomaaliyeed ayaa adeegsaday markabkii h**e ee badda Soomaaliya ee loo yaqaan ' sariirta' si ay xamuulkooda u qaadaan.
Biloowgii casrigii cusbaa boobkii afrika
Sanabka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee ku yaala farasmagaalka Muqdisho, Soomaaliya.
Aasaasayaasha Daraawiish waxaa ka mid ahaa Aadan Seed Magan, Maxamuud Dheri, Aw Obsiiye Seed Magan, Aw Cabbaas Xuseen Muse, iyo Sayyidka.
Ay sii hayo xilliga wasaayada Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya laakiin ay la socoto ilaalin caalami ah ee adag taasoo shuruud looga dhigay in Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya la siiyo xorriyad buuxda taban sano gudahood; halka uu sii ahaanayo Dhulka Biritishka ee Soomaaliya maxmiyad Ingiriis ah ilaa laga gaaro 1960.
Iyadoo ay jirtay haysashada Talyaaniga Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya kana haysata ogolaasho qaramada midoobay, laakiin xilligaas wasaayada waxay siisay soomaalida khibaradihii loo baahnaa iyo bisayl siyaasadeed iyo awood isxukun waana tusaale aya waayeen reer woqooyiga kuwaas oo markii dambe la midoobay koofurta. Iyadoo ay isku dayeen masuuliyiinta mustacmaradaha Ingiriiska bartamihii soddomeeyadii qarnigii tagay wax ka qabashada xaaladda horumarin la'aneed ee ka jirtay mustacmaradaha Ingiriiska ee Afrika, masuuliyiinta Ingriiska dhammaan isku dayadaas waxay ku dhamaatay fashil waxay sii ahaadeen mustacmaradaha Ingiriiska guud ahaan qaybta woqooyi ee Soomaaliya gaar ahaan kuwo isku mid ah marka laga hadlayo Siyaasadda Dhaqaalaha Bulshada taasoo noqon kartay mid saamayn jirta ku leh in badan oo caqabado ah taasoo soo if baxday markii la gaaray isku darka dalka oo hal maamul leh.
Waxaas oo dhan iyadoo ay dhaceen, Ingriisku wuxuu ku dhaqaaqay in uu culays ka soo saaro xulufadii kula jirtay dagaalkii labaad ee aduunka in la siiyo meel gaar ah waa mid ka mid ah meelaha daaqsinka leh ee muhimka ah waxayna ahayd maxmiyad ay u saxiixday boqortooyada Ingiriiska lana saxiixatay Abasiiniya intii u dhexaysay sanadihii 1884 iyo 1886, ee gobolka Soomaali Galbeed oo ay degto Soomaalida Waxayna ka mid ahayd heshiisyo kale ay saxiixday Ingiriiska 1897 kaasoo dhigaya in lagu wareejiyo Itoobiya boqorkii Mililiq labaad taasoo oo uga badashay ciidamada Ingiriiska in laga caawiyo soo afjaridda iska caabinta kaga imaanaysa qabiillo Soomaaliyeed billoowgii Dagaalkii Labaad ee Aduunka. Iyadoo ay jirtay in Ingiriisku ku daray shuruud ah in qabiilada reer guuraaga ah ee Soomaalida siiso isxukun laakiin Itoobiya isla markiiba waa ay qabsatay meelahaas، Ingriiska wuxuu u soo bandhigay Itoobiya sanadii 1956 in uu ka iibsado dhulkii dhulkii uu horay ugu wareejiyay laakiin dhandhiggaas waxaa lagala horyimid diidmo ah in aysan aqbali karin Itoobiya. Habkaas oo kale, Ingiriisku wuxuu ku wareejiyay NFD (Af-Ingiriis: Northern Frontier District) taasoo ay degaan Soomaalida Kiinya waxayna dhegaha ka furaysatay aftidii horay looga qaaday gobolkaas taasoo cadaynaysay ku biirista Jamhuuriyadda Soomaaliya ee cusub.
Sanadii 1958, waxaa la sameeyay Jabuuti ee dariska ah, taasoo loo yaqiinay magaca ah Dhulka Faransiiska ee Soomaaliya waqtigaas, afti meesha ay aadayaan ah in ay Soomaaliya inteeda kale ku biiraan ama faransiiska uu sii hayo, natiijadiina waxay nqotay in uu faransiiska sii hayo uuna ilaaliyo. waxaana taa ugu wacnaa cafarta oo sidaa doonaysay, taasoo ah dadka ugu badan Jabuuti in ay sii hoos joogaan faransiiska waxaa sidaas oo kale dalbaday carabta iyo kuwii reer yurub ee deganaa dhulkaas ee la yimid isticmaarka. Laakiin inta kale ee asal ahaan soomaalida ah waxay rabeen midnimo soomaaliyeed si loo mideeyo dhulweynaha Soomaaliyeed ee lakala qaybiyay waxaana ugu cadcadaa "Maxamuud Xarbi" Raysulwasaare gudoomiye ku xigeenka golaga xukunka Soomaalida Faransa. waana Soomaali qabiilka Ciisaha, laakiin maxamuud xarbi waa la dilay aftida ka dib laba sano ka dibib burburkii diyaarad. Waxay Jabuuti ka qaadatay madax banaani Faransiiska sanadkii 1977 Xasan Guuleed Abtidoon, wuxuu ahaa Soomaali ay taageeraysay Faransiiska, Madaxweynihii ugu h**eeyay ee jabuuti kaasoo xukumayay 1977 ilaa 1991.
Juun sanadii 1960 waxaa si rasmi ah loogu dhowaaqay Dhulka Biritishka ee Soomaaliya madax banaani ay siisay Boqortooyada Ingiriiska waxaa iyana shan maalmood ka dib qaatay madax banaanida Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya, isla maamintaas waxaa si rasmi ah loogu dhowaaqay dhismaha dawlada Soomaaliyeed oo mid ah labada qaybood ee Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaa taa ka h**eeyay samaynta duduudaha taasoo ay sameeyeen Talyaaniga iyo Ingiriiska. Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Raysulwasaaraha Soomaaliya xilligii Ingiriisku haysatay ee u dhaxaysay 1956 iyo ilaa sanadkii 1960, Xukuumaddii ugu horaysay ee qaran soomaaliyeed (ku meel gaar), Aadan Cabdulle Cusmaan (aadan cadde) madaxweynihii ugu h**eeyay wuxuuna C/rashiid Cali Sharmarke Raysulwasaare u doortay, kaasoo dib dambe noqday madaxweyne intii u dhaxaysay sanadii 1967 ilaa 1969. labaatankii luuliyo sanadii 1961 waxaa la qoray Dastuur Soomaaliyeed ee cusub kaasoo uu shacabka u codeeyay wuxuu ahaa nuqulkii ugu h**eeyay ee dastuurka mid la qoray sanadii 1960.
Dawladdii Hantiwaddaaga
Abdi Bile, ee ciyaaryahanka ugu caansan
Waxaa sii socday dagaal beeleedyada iyo isfahan darrida u dhaxeyasa jufooyinka Soomaalida biloowgii midowga taasoo ka dhalatay raadidkii isticmaarka arrintaas oo jirtay xitaa intii uu jiray isticmaarka. sandii 1967 wuxuu noqday Maxamed Xaaji IBraahin "Cigaal" Raysulwasaare waana xil uu u doortay C/rashiid Cali Sharmarke kaasoo kiligaas ahaa madaxweynaha dalka. Cigaal wuxuu dib ka noqday madaxweynaha Somaliland ee dhacda woqooyi galbeed Soomaaliya taasoo isku magacaawday dawlad madaxbanaan mana helin wax aqoonsi ah.
Kadib dilkii Madaxweyne Cabdirashiid 1969 waxaa xukunka dalka la wareegay talis ciidan awoodii kula wareegay Inqilaab Ciidan saraakiisha kala ah Janaraal Salaad Gabayre Kadiye iyo Sarreeye Guuto Maxamed Siyaad Barre iyo taliyaha ciidanka booliska Jaamac Qoorsheel waxaa xukunka la wareegay Siyaad Barre halka uu noqday Qoorsheel raysulwasaare. Wuxuu sameeyay ciidanka Hantiwadaag barnaamijyo baahsan ee la howlgaliyay kooxo kuwaasoo u dhaqaaqay la dagaalanka wax qoris la'anta dalka waxaana si muuqada u kordhay wax qorista iyo aqrinta laba bilaabo 5% ilaa 55% bilowgii sideetameeyadii qarnigii tagay. Isqabqabsi dabadii waxaa la toogtay Gabayre.
Kalitalis Dawladdii Malatariga Soomaaliya luuliyo sanadii 1976 dhistay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (Af-Ingiriis: Somali Revolutionary Socialist Party) kaasoo xukunka haystay laga soo bilaabo markii la sameeyay ilaa uu dhaco taliskii malatariga diseembar sanadii 1990 Jannaayo 1991, kaasoo ay awood u sheegteen Jabhadda Dimoqraadiga Badbaadinta Soomaaliyeed (Af-Ingiriis: SSDF) iyo Golaha Midnimada Soomaaliyeed (Af-Ingiriis: United Somali Congress) iyo Dhaq Dhaqaaqa Wadaniga Soomaliyeed (Af-Ingiriis: SNM) Dhaq Dhaqaaqa Wadaniga Soomaliyeed (Af-Ingiriis: Somali Patriotic Movement) marka lagu daro jabahadaha mucaaradka ah Dhaq Dhaqaaqa Dimoqraadiga Soomaliyeed (Af-Ingiriis: Somali Democratic Movement) iyo Isbahaysiga Dimoqraadiga Soomaaliyeed (Af-Ingiriis: Somali Democratic Alliance) ugu dambayn Kooxda Maanifesto (Af-Ingiriis: Somali Manifesto Group).
Sanadihii 1977 iyo 1978 Soomaaliya waxay duulaan ku qaaday Itoobiya iyadoo ku duulaysa magaca Xoraynta Soomaaligalbeed taasoo ciidamada Soomaaliya ku dadaalayeen in ay dib u mideeyaan dhulalkii Soomaalida oo ay u arkaysay in isticmaarku qaybiyay siiyayana qaybo ka mid ah dalal kale si aan qax ahayn. Biloowgii h**e, Soomaaliya waxay qaadatay dhabaha nabadda ah ee Diblumaasiyad dhamaan Itoobiya iyo Kiinya si loo helo xal nabad ah arrimaha la xiriira labada dhinac laakiin dadaalkii diblomaasiyadeed wuxuu ku dhamaaday fashil. Soomaaliya waxay samaysay islamarkaana u diyaar garoobaysa dagaal dhab ah iyadoo tijaabisay xal diblomaasiyadeed, dhisidda Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed (Af-Ingiriis: WSLF) ama Western Somali Liberation Front, waxay ku dadaashay in ay u dhaqaaqdo soo celinta gobolka Soomaali galbeed si awood ah. Soomaaliya waxay u dhaqantay si gooni ah iyadoo aan ula laaban mujtamaca dunida ee aan ogolayn dib u xadaynta xuduudaha taasuu ka tagay isticmaarka, halka uu diiday Midowga Sofiyet iyo Isbahaysiga Waarso in ay Soomaaliya caawiyaan, iskaba daa in ay caawiyaane waxay ku dhaqaaqeen arrin lid ku ah taasoo ah in ay taageereen Itoobiya. Isla goortaas wuxuu isku dayay Midowgii Sofiyetiga kaasoo ah midka siiya labada dhinac hubka in uu dhexdhexaadiyo si loo helo xabad joojin u dhaxeysa labada dawladood.
Ciidanka Soomaaliya waxaa u suurta gashay usbuucii ugu h**eeyay ee dagaalka in ay isku fidiyaan bartamaha iyo koofurta gobolka, dagaalka intii uu socday ciidamada Soomaaliya waxay gaareen guulo waaweyn kana adkaadeen ciidmada Itoobiya wixii ciidamada Itoobiya ka haray waxay isku uruursadeed deegaanka Sidaamo. Sibteembar sanadii 1977 Soomaaliya waxaa u suuragashay qabsashada 90% ee gobolka waxaa kaloo u suurtoowday qabsashada magaalooyin istiraatiiji muhiim ah, sida magaalada Jigjiga sidoo kale wuxuu go'doomiyay magaalada Diridhabe Kaasoo hakiyay isu socodkii tariinada ka imaanayay Jabuuti. Kadib go'doomintii magaalada Harar wuxuu Midowga Sofiyet usoo jeestay taageero malatari taasoo la xiriirrta arrinta ka soo cusboonaatay geeska afrika, waxaa la diyaariyay 18,000 ciidamo ka imaanaya Kuubaan 2,000 iyo Yementa Koofureed iyadoo lagu daray 1,500 khubaro ka imanaysa Midowga Sofiyet haystana diyaarado iyo taangiyo Sofiyet ah. Hor istaagaas awoodaas ballaaran ciidanka Soomaaliya waxaa lagu qasbay dib u gurasho iyo in uu codsi u dirsado Maraykanka. Iyadoo uu nidaamkii Jimmy Carter isu diyaariyay garab siinta Soomaaliya dagaalka intii uu socday Sofiyetku si degdeg ah bay u caawiyeen Itoobiya waxaana laga baqay in uu sii xumaado xiriirka. sidaa daraadeed Maraykanka faraha ayuu ka qaaday in uu Soomaaliya caawiyo waxaa dibudhac ku yimid isbahaysigii uu ku lahaa maraykanku Bariga Dhexe iyo Asia.
Biloowgii 1978, waxaa ku biloowday xukuumaddii Soomaaliya saamaynta luminta hanasho dhab ah arrimaha gobolka. Waxay sidoo kale muujiyeen inta badan shacabka Soomaaliyeed mid galay xaalad quus sababo la xiriira hoos imaanshaha ciidankii kali taliska waqti dheer iyadoo aan la gaaraynin wax horumar ah la taaban karo, waxaana arrinkaas xoojiyay dhamaadkii dagaalkii qaboobaa, waxay sidoo kale Itoobiya taageero siisay Jabhadihii ku kacsanaa Soomaaliya.
Sanadii 1990 waxaa la soo saaray sharci ka mamnuucaya gaar ahaan dadka degan Muqdisho in ay kulmaan saddex ama afar in kabadan. Waxaa dhammaan hareeyay hay'adaha dawladda shidaal yari sababtay joogsiga gaadiidka dadweynaha taasoo saamayn ku yeelatay danaha xukuumadda iyo qaybaha guud iyo kan gaarka ah. Waxaa ssidoo kale dhacday dhibaato la xiriirta Sicir Barar taasoo ay dhib ku qabeen gobolada kororka sicir bararka muuqda iyadoo ay shacabku awoodi waayeen helitaanka quutul daruuriga heer ay gaartay Baastadii talyaaniga ee caadiga ahayd xilligaas ilaa iyo Shan Doollar kiiladii. halka uu gaaray qaadka Jaadka kaasoo laga keeno Kiinya shan doollar Majintii. Waxaa qiime jab ku yimid shilinka Soomaaliga ilaa la gaaro heer shilimaadkii lagu daadiyo wadooyinka si ay kuwa haysta iskaga tuuraan halkii ay haysan lahaayeen taasoo u muuqatay in uusan lahayn wax faaiida ah ee la xusi karo. Waxaa sidoo kale soo if baxay Suuqa Madoow ee sarifka lacagaha qalaad taasoo ka dhalatay in aysan jirin socodsiinta lacagaha ee ku filan sarifka lacagaha qalaad taasoo ay bebersoto Shilinka Soomaaliga. Mugdigana wuxuu noqday mid ku baahay magaalada oo dhan marka la gaaro habeenkii taasina waxay ka timid dawladda oo iibisay dab dhaliyeyaashii korontada. Waxaa ajaanibta la dul dhigay waardiye adadag ilaa maa xilligii ay joogeen. Sidoo kale dawladda waxay soo saartay go'aano lagu hagaajinayo joojinta dal ka saarista, ama tahriibinta lacagaha ajnabiga ah. lama ogolayn adeegsiga lacagaha qalaad hab ka baxsan sharciga sida uu qabo marka laga reebo saddex hoteel oo ay maamusho dawladda. Waxaa sidoo kale mamnuuc aha sawir qaadis meelo badan iyadoo aysan muuqan wax cadayn kara in aan sawiro la qaadi karin ee ku saabsan safar iyo joogitaanka.
Ismaaciil Mire
Boodey, wuxuu ahaa faraskii Ismaaciil Mire.
Ismaaciil Mire, oo abaanduulkii guud ka ahaa dawladda Darwiish, wuxuu ka qaybgalay dagaalaha oo dhan ee Daraawiishta ka qayb galay. Wuxuu u talin jirey colkii Shiikhyaale. Goobaha uu ka qayb galay waxaa ka mid ah, cagaarweyne, iyo dagaalkii Jigjiga, iyo dagaalki Beledweyne, iyo dagaalkii Berbera, iyo dagaalkii Dul Madobe, iyo dagaalkii Jidbaale, iyo dagaalkii Afbakayle iyo meelo kale. Wuxuu kale ka horjeestay dagaalaha ee shirqool ka jiri jirey, oo ka mid ah Canjeel, Gurdumi iyo qaar kale. 1920kii, Ismaaciil Mire waxaa lagu xidhay xabsi.
Darwiishia iyo Qusuusi
Qarnigii 19ka ilaa tobanaadka 1920gii, Dalka Soomaalka waxaa hoogaaminjirey dawladda Daraawiishta, oo si kale loo yaqaano Darwiishia. Darwiishia dawladeeda waxaa loo yaqaan jirey qusuusi ama khusuusi, ee waxaa ka mid ahaa shakhsiyaddan:
Ismail Mire
Macalin Cagadhiig
Shire Canbool, oo Dhulbahante ahaa
Cartan Boos oo Jamac Siyad ahaa
Afqarshe, oo Adan-Naleeye ahaa
Dhowre, oo Baharsame ahaa
Obsiiye Magan oo Cali-Geri ahaa
Aw Jaamac Seed Magan oo Cali-Geri aaha
Oogle Magan oo Cali-Geri ahaa
Muse Waranle oo Reer-Hagar ahaa
Haji Firhad, fiqishini HabarGidir
Haji Sudi, Isaaq Aadan Madoobe
Seeraar Shawe oo Jamac Siyaad ahaa
Nur Xiddig oo Wacays Adan ahaa
Xirsi Jeedlade oo Qayaad ahaa
Haji Mursal Aw Saacid oo Dhulbahante ahaa
Duale Ileeye oo Jamac Siyaad ahaa
Cismaan Boos oo Cali-Geri ahaa
Jama Lugay oo Cali-Geri ahaa
Aw Cabbas oo Baharsame ahaa
Abbas Aw Muse, oo Baharsame ahaa
Hussein Ajuuraan, oo Dhulbahante ahaa (oo loo naanaystay Agararan)
Ahmed Tage, oo baharsame ahaa
Abshir Dhoore, majeerteen ahaa
Nur Hashi warsangeli ahaa
Ismail Khaire, warsangeli ahaa
Xooshdheere, ali geri ahaa
Farah Dacay, baharsame ahaa
Hirsi Akaal, marehan ahaa
Burburka Dawladdii Hantiwaddaaga
Waxaa dhacay sanadkii 1991 isbedel xididaystay nolosha siyaasadeed ee Soomaaliya. taasoo u suurta gashay ciidamo ka kooban beelaha dega waqooyiga iyo koofurta hubaysan oo taageera ka helaya Itoobiya in ay ridaan dawladdii Max'ed Siyaad Barre. Kulanno farabadan ee dhexmaray Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed SNM iyo odayaasha beelaha ree woqooyiga, waxa ku dhawaaqeen qaybta woqooyi ee Soomaaliya (Dhulka Biritishka ee Soomaaliya horay loo oranjiray) in ay goosteen goosasho hal dhinac ah Soomaaliya inteeda kale iskuna magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland (Ingiriis: Republic of Somaliland) May 1991. Ka sokoow go'itaanka ay Somaliland goosatay iyo deganaashaha ay haysato markii loo eego koofurta way waysay aqoonsi heer caalami ah xitaa haba ahaatee Itoobiya.
Jannaayo sanadkii 1991 Waxaa doortay "Cali Mahdi Max'ed" koox soomaali ah una doorteen in uu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah ee dalka ilaa laga gaaro shir qarameed kulmiyay dhammaan qaybaha ku lugta leh ee bishii xigtay Jamhuuriyadda Jabuuti si dalka madaxweyne loo doorto. Laakiin doorashadii "Cali Mahdi Maxamed" waxaa si weyn uga horyimid biloowgii h**e dhamaan Jen Maxamed Faarax Caydiid gudoomiyihii ururka USC iyo C/raxman Tuur hogaamiyihii SNM. مtaasoo dhalisay kala qaybsanaan xagga siyaasadda ah ee u dhaxaysay USC iyo SNM, isku dhacyadii u dhexeeyay USC waxay burbur xoogleh gaarsiisay magaalada Muqdisho iyo meelaha ku dhow dhow.
Dagaalkii sokeeye wuxuu sabay, kaasoo wali raadkiisu muuqdo, burbur ku yimaada wax soosaarka beeraha iyo gaarsiinta cuno koofurta Soomaaliya waana sabata ugu weyn ee ka dhalisaya dagaalka dalka taasoo meelaha xasaasiga ay tartan ugu jiraan beelaha waxaa kaloo dheeraad ah qabsashada iyo meelaha leh ilaha dhaqaale iyo daaqa. Jemes Bayshb oo ahaa safiirkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay xaaladdii ka taagnayd iyo dagaaladii sokeeye halkaas mid ah "biyo ku dagaalan iyo meelaha daaqsinka sidoo kale xoolaha waxaa horay la isu adeegsan jiran falaaro iyo Sayfaf hadda waxaa la isu adeegsadaa Boobe." Wuxuu sababay dagaalkii sokeeye in ay dhacdo Gaajo taasoo salfatay ku dhowaad 300,000 Soomaali taasoo ku qasabtay Golaha Amniga Qaramada Midoobay in uu soo saaro qaraar kaasoo tilmaamaya xabad joojin sanadkii 1992 iyo dirista ciidamo ammaanka ilaaliya ee heer caalami ah waxaa soomaaliya ku soo hormaray (UNOSOM I) badbaadinta xaaladda biniaadamnimo ee dalka. Waxay ahayd adeegsiga awood ciidan marka loo eego ciidmada ammaanka mid ku kooban isdifaacid naftooda ah taasoo fursad siisay beelaha dirirsanaa in ay sika sii wataan dagaaladoodii hubaysnaa.
Ka jawaabidda colaada sii baahaysa iyo burburka xaaladda Biniadamnimo ee ka jirtay Soomaaliya Maraykanka wuxuu diyaariyay xulufo ciidan ah oo heer caalami ah taasoo ahayd ujeedadeeda nabad ku soo dabaalidda kooforta Soomaaliya iyo xal u helidda xaaladda bini'adamnimo ee halkaas iyo fududaynta gaarista gargaarka biniadamnimo ee qaramada midoobay iyo dalalka deeqda bixiya. Waxay galeen xoogagga xulufada taasoo loo yaqiinay magaca (Af-Ingiriis: Unified Task Force ama UNITAF) diseembar dhexdeedii sanadii 1992 ee howlgalkii "Rajo soo celinta" sida uu qabay qaraarkii qaramada midoobay ee tirsigiisu ahaa 794. Waxaa u suurta galay ciidmadii caalamka ka yimid in ay dib u soo celiyaan nidaamkii iyo yaraynya baahidii taasoo dhib u keentay dalka ilaa ay ka baxaan ciidmada maraykanka maajo sanadkii 1993 waxaa lagu bedelay (UNOSOM II) ee Afartii Maajo sida uu qabay qaraarkii ka soo baxay qaramada midoobay ee tirsigiisu ahaa 837 ee soo baxay 26 Marso isla sanadkaas.
Dhanka kale wuxuu u arkay Maxamed Faarax Caydiid ciidanka nabad ilaalinda ee caalamka in uu qatar ku yahay asiga iyo ciidankiisa wuxuuna siiyay amar maleeshiyo hubaysan in la weeraro saldhigyada ciidamada Pakistan ee ka howlgala Muqdisho taasoo ay ka dhalatay dhimashada 80 qof jinsiyada kala duwan ah ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta, wuuna socday dagaalka ay ka dhintaan 19 ciidan maraykan ah iyo laba kale oo Pakistan ah iyo mid kale ee Maaliisiya u dhashay oo dhammaantood ah ciidamada nabad ilaalinta sidoo kale waxaa jirtay 1,000 qof ee ka mid ah maleeshiyada Soomaalida hubaysnaa intii u dhaxaysay saddexdii iyo afratii ee bishoo Oktoobar 1993 kaasoo taariikhdu ugu magac dartay dagaalkii "Dagaalkii Muqdisho" taasoo ku qasabtay qaramada midoobay howlgal "Gaashaan mida" ciidan ka kooban Maraykanka Masar Pakistan saddexdii maarso sanadkii 1995, dabadeed Robert ogle ayaa ku dhawaaqay in aan dagaal toos ah lala gali doonin Maxamed Faarax Caydiid laakiin la baal siibi doono taasoo macnaheedu ahaa in laga horkeeno saaxiibadii ilaaa uu markii dambe lagu dilay dagaal ay iskaga horyimideen qaar ay xulufo ahaayeen 1996
Waxay diiradda saareen burcad badeeda soomaalida xeebaha Soomaaliya taasoo ka dhalatay burburka iyo maqnaashaha dawlad dhexe Kadib dagaalkii sokeeye, Dhibaatadaan waxay ka soo if baxday dekadaha ku yaal xeebaha Soomaaliya. Waxayna ka dhalatay ka dhiidhin ay ka dhiidhiyeen kalluumaysatada soomaaliyeed ee ka kalluumaysta xeebaha sida: Ayl, Kismaayo, Xarardheere, Mareeg iyagoo weerar ku qaaday maraakiibta ajnabiga ah ee ka kalluumaysata badda soomaaliya khayraadka kalluunka ee biyo goboleedka markii uu burburay taliskii dhexe ee Soomaaliya, Taasoo ay waayeen kalluumaysato badan waxa ay heli jireen. Sidoo kale, waxay tilmaameen qayb ka mid ah masuuliyiinta soomaalida howlaha burcad badeedka waxaa sii kiciyay Dhul Gariirkii Badweynata Hindiya taariikhdu marka ay ahayd 26 Diseembar ee sanadkii 2004, kaasoo sababay mowjadi Tsunami weyn burburisay in badan oo tuulooyinka ku yaal xeebaha iyo doomankoodii. Qaar ka mid ah waxay leeyihiin howlaha burcad badeednimada Soomaaliya waa "howlo dhaqaale ee la maalgashado" ee dalka, waana "mid kaabta" dhaqaalaha Puntland.
Waxaa la rumaysanyahay in la soo iibsaday qiyaastii 25,000 50,000, Adoon ee Baantuu ah, Musanbiig iyo Tansaaniya, intii u dhexaysay sanadihii 1800 ilaa 1890, dad soomaali ah suuqii Sansibaar. Bantuuga soomalida waa ka duwantahay, jir ahaan, dhaqan ahaan, way iska joogeen iyakoo kala daadsan dalka ilaa la soo gaaro qarnigii sagaal iyo tobanaad ilaa iyo hadda. waxaa la rumaysanyahay in tirada Baantuuga Soomaaliya uu gaarayso 900,000 qof ka hor dagaalkii sokeeye, waxaa laga yaabaa in ay isdhimeen, gaar ahaan maxaa yeelay 12,000 qaxooti ee ku sugan Maraykanka laga soo bilaabo 2003, sidoo kale tanzaaniya oo siisay dhalasho qaar ka mid ah waxay ku laabteen dhulkii awoowe yaashood.
Bartamihii sanadkii 2011 waxaa la waayay laba xilli raabaad ee isku xigay taasoo sababtay in ay dhacdo Abaar muddo 60 sano laga joogo. Waxaa isi soo tartay abaarta waxana ka dhashay in la waayo wax dalag ah xoolihii oo le'day sicir barar ku yimid biyaha shidaalka iyo cunada, waxay sabatay barakac wadareed ee koofur Soomaaliya taasoo keentay iska hor imaadyada hubaysan, xarumaha quudinta ee dawladaha dariska. bishii Juun ee snadkii 2011, Waxay ku dhawaaqday Qaramada Midoobay si rasmi ah in ay gaajo daran ka jirto koofurta Soomaaliya, wayna sii korortay ka dib markii ay hayireen kooxaha dagaalka waday si loo gaarsiiyo gargaar dadka halkaa ku tabaalaysan. dhanka kale, dawladda soomaaliya waxay dhistay hay'ad qaran ee gargaar, taasoo ka kooban wasiiro badan ku howlan fududayn saamaynta abaarta ay ku reebtay dadk,
WANAG
Un Tiroka - 706
Xubin
Qaramada Midoobay
CEN-SAD
Midowga Afrika
IGAD
Unionka Mediterraneanka
Comesa
Siyaasadda
Macluumaad dheeraad ah, eeg Siyaasadda Soomaaliya
Mahdi Gulaid
Siyaasadda soomaaliya waxay soo martay isbedbedel badan. Intii uu socday Dagaalkii sokeeye kaaso dhaliyay burbur farabadan dawladdii Hantiwadaag kadib 1990, Soomaalida waxaa loo sameeyay Dastuur, Federaal ah iyo Maamul Goboleed kuwaas oo ku yimid qaabab kala duwan, waxaa samaysamay Somaliland taasoo sheegatay in ay tahay dawlad madax banaan kana go'day Soomaaliya inteeda kale, shacabka Soomaaliyeed raalli k**a noqon goosashada Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya 1991. Waxaa sidoo kala samaysmay Puntland 1998 taasoo ay sameysteen beelaha dega Bari, Bugaal iyo woqooyiga Mudug, waxaa sidoo kale la sameeyay Galmudug 2010. Horraantii 2000 waxaa la soo dhisay dawlad ku meel gaar ah waxaana madaxweyne ka noqday. Dott Cabdiqaasim Salaad Xassan (TNG) waxaa ku xigtay dawladii Federaalka ku meelgaarka ahayd ee loo yaqiin (TFG) 2004 waxaana madaxweyne ka noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo dalka galisay burbur horle waxayna soo galisay dalka ciidamada Itoobiya. Midowga Maxk**adaha Islaamiga ayaa gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya isku fidiyay taasoo ka caraysiisay Itoobiya una aragtay fusad ay kula dagaalami karto ficilada ay sameeyeen. Markii meesha laga saaray Maxaakiimta ayaa waxaa soo baxay kooxo la magacbaxay Muqaawamo kana aas aasamay magaalada Muqdisho intii ay socotay muqaawamada waxaa barbar socday wadahadal UN-ka loo maray kaasoo uu garwadeen ka ahaa Axmed Walad Cabadlla keentayna in laga saaro Itoobiya dalka Soomaaliya bartamihii sanadkii 2009. Waxaa maxaakiimta ka farcamay kooxda Al-Shabaab taasoo dalka dhibaatadii ka jirtay sii murjisay, taasoo dagaal la gashay dawlad lagu soo dhisay dalka Jabuuti Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Axmed 2010-2011 dagaal ba'an ku dhexmaray magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda, Madaxweyne Shariif xoogaa rajo ah ayay soo celisay Dawladdiisii loogu magacdaray Midnimo Qaran dawladdaas oo muqdisho ka fogaysay qatartii Al-shabaab iyadoo gacan ka helaysa AMISOM wuxuu diyaariyay doorasho aad loogu riyaaqay, kaasoo xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana taa xigay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud taasoo ku guulaysatay isu soo dhoweyn Soomaalida dhexdeeda ah iyo dastuurka oo loo hogaansamo.
Qaanuunka
Deegaanada Sool, Sanaag & Cayn waa dhul muransan
Soomaaliya waxaa ka jira saddex nidaam qaanuun oo kala gadisan, waa: Qaanuunka madaniga, Shareecada Islaamka iyo xoogaa qawaaniin ah oo ay leeyihiin beelaha waana dhaqan soo jireen ah waxaana loo yaqaan Xeer.
Qaanuunka madaniga
Iyadoo uu ku dhacay burbur balaaran kaasoo hareeyay nidaamka cadaaladda Soomaaliya ka dib burburkii dawladdii Hantiwadaag laakiin waxaa la isku dayay dib u habaynta iyo dhisidda nidaamka garsoorka Soomaaliya iyo howlgalintiisa dhanka maamul goboleedyada Soomaaliya sida Somaliland iyo Puntland kuwaas oo leh xukun hoosaad, laakiin dawladda dhexe waxay diyaarisay bu'da nidaamka garsoorka cusub.
Iyadoo ay jirto kala duwanaasho siyaasadeed dhamaan meelahaas hadana waxay ku midaysanyihiin dhamaantood hal qaanuun kaasoo ah mid soo jiray ilaa iyo dawladdii Hantiwadaag isagoo qiraya:
Jirtaanka dastuur dabooli kara xukuno ku salaysan Shareecada Islaamka ama fiqiga iyo waxii ay culumada muslimiidta isku waafaqeen sidaa daraadeed xukunada ku salaysan diinta laguma dhaqmo marka laga reebo arrimaha madaniga sida Guurk,a Furriinka, Dhaxalka iyo arrimaha madaniga ah ee kale.
Dhowrista xuquuqul insaanka iyo dhammaan qaanuunada la xiriira. Sidoo kale dastuurka wuxuu damaanad qaadayaa madax bannaanida garsoorka waxaana ka masuul ah Guddiga Adeegga Garsoorka.
Dhismaha adeeg Garsoor oo ka kooban saddex qaybood waana: Maxk**adda Sare, Maxk**adda Racfaanka, iyo Maxk**adaha Gobolada.
In ay shaqeeyaan qawaaniintii la sameeyay ka hor Hantiwadaaga 1969.
qaanuunka madaniga ah wa mid soo jireen aha oo mudo dheer soo socday oo ilaa imka jira dhamaan dadka somlaiyeedna ayku dhaqmaan
somaalia waa waxaa lagu tilmaami karaa libaax waayay garab oo waraabayaal badani haleen
waxaa somalia ay iska difaaci kartaa cadawgeega marka ay usoo Hantiwadaag dad wax bartay oo aqoon sare leh oo laga ilaaliyo ubaxa soo kacaaya qabyaalada
Shareecada
Beeraha Somalia
Shareecada Islaamka waxay ka gashay kaalin lama huraan ah nolosha mujtamaca Soomaaliyeed, waxayba ahayd shareecada tiirka aasaaska ah ee laga tusaale qaato qawaaniinta marka la qorayo dastuur ee ka mid ah dastuurodii h**e kuwaas oo la sameeyay intii ay jirtay nolosha ku salaysan siyaasadda, sidaa daraadeed howl kasta waxay ku salaysnayd shareecada gaar ahaan howlaha madaniga ah sida guurka, furriinka, dhaxalka iyo waxyaabaha la xiriira qoyska; laakiin arrimahaas waxbaa iska bedelay dagaalkii sokeeye dabadii iyadoo ay soo baxeen maxk**ado shareecada islaamka taasoo ku faaftay magaalooyin farabadan iyo deegaano ka mid ah Soomaaliya.
Waxay noqotay kaalinta maxaakimta islaamiga taasoo aan horay looga baran:
Soo rogista xukunno arrimo kala gadisan; Madani iyo Ciqaab.
Abaabulka maleeshiyo iyo ciidamo u xilsaaran qabashada dambiilayaasha iyo joojinta waxyaabaha qaanuunka ka baxsan.
Haynta maxaabiista ilaa uu xukun kaga dhaco inta laga xukumayo.
Samaysanka maxaakimta shareecada kuwaas oo muuqda wax fudud laakiin sida dhabta ah waxay ka samaysanyihiin nidaam maamul kana kooban gudoomiyaha maxk**adda ku xigeenka gudoomiyaha iyo afar qaalli. kuma koobna holaha ciidanka soo gudbinta warbixinno taasoo ah arrinta ugu muhiimsan ee ka kaabaysa xukunada ee ka soo baxa maxk**adaha waxayba u gudbaan xallinta khilaafaadka inta ayasan u gudbin saldhigyada maxaakimta waxaa dheeraad ah dabagalka dambiilayaasha iyo kuwa qaanuunka ku xadgudba kadib maxk**adaha ayaa loo dhiibayaa ee ku shaqada leh dambiyada fudud si ay u sii hayaan. Sidoo kale maxaakimta shareecda waxay sameeyeen dhisidda guddi dhaqaale madaxa bannaan soona uruuriya canshuurta lagu soo rogay ganacsiga iyo guud ahaan goobaha ganacsiga iyo meel kasta oo ganacsi ah.
Marso 2009 Xukuumaddii ku meelgaarka ahayd waxay ku dhawaaqday in Shareecada Islaamka tahay halka laga qaato sharciga iyo soo saarista xukunada iyo qawaaniinta dalka.
Xeerka
Geed qurac ah kaasoo la fariisto marka loo fadhiyo arrin dhaqan.
Qarniyo badan Soomaalidu waxay adeegsan jireen nidaam sharci ama qaanuun kaasoo ku tiirsan dhaqanka iyo xeerarka jufooyinka sharciyadaasa ama qaanuunkaasa waxay Soomaalidu u taqiinay magaca "Xeer"; waa waxa sida dastuurka oo kale ah ama wax u dhow cahdi kala gadisan qaanuun ahaan mana jirto wakaalad ama hay'ad ama jiho ka msul ah taasoo cadaynaysa waxa uu yahay qaynuunka la raacayo marka uu jiro xukun maxk**adeed, taasoo mar kasta loolala laabanayo maxk**adda xeer beegtida ama golaha jufada si loo xadido xukunka ku haboon iyo sidii loo fulin lahaa.
Habka maamul
Wuxuu ku salaysanyahay qodobka 49aad ee dastuurka Soomaaliya. Gobol gooni isu taagi karaa ma jiri karo, inta uu Gobol kale uu kuu biirayo, Dowladda Federaalka Somalia ayaa maamulaysa waxaana waajib ku ah gobalkaas inuu ku biiro gobol kale ama dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalka mudo labo sano gudahood.
Magaalooyin
Quick Facts: Lam, Magaalada ...
Intii uusan dhicin dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, waxay u qaybsanayd maamul ahaan 18 Gobol, bulburkii kadib waxaa soo baxay maamulo beeleedyo; waxay Soomaaliya ahayd ka hor 1969 intii uusan dhicin inqilaabkii dawladdii rayadka ahayd 8 Gobol oo kaliya, Hantiwadaaga wuxuu ka dhigay 18 gobol kuwaas oo kala ah:
1 Awdal
2 Bakool
3 Banaadir
4 Bari
5 Baay
6 Galguduud
7 Gedo
8 Hiiraan
9 Jubbada Dhexe
10 Jubbada Hoose
11 Mudug
12 Nugaal
13 Sanaag
14 Shabeellaha Dhexe
15 Shabeellaha Hoose
16 Sool
17 Togdheer
18 Woqooyi Galbeed
Waxaa samaysamay maamul beeleedyo ka dhashay dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya waxaana ka mid ah:
Waqooyiga Soomaaliya oo ku dhawaaqan madax banaani hal dhinac ah: Somaliland taasoo ka dhigan saddex gobol sida Awdal, Woqooyi Galbeed, Togdheer iyo Qaybo ka mid ah Sool iyo Sanaag oo ay kula dagaalameen Puntland.
Sidaa daraadeed Somaliland waxay gobolladii usii qaybisay: Awdal, Cayn, Gabiley, Hawd, Maroodi Jeex, Oodwayne Salal iyo Saraar.
Waxaa sidaas oo kale Puntland samaysay Gobollo iyadoo kaga dayatay Somaliland Kuwaas oo kala ah: Bari, Gardafuuy, Haylan, Karkaar, Mudug iyo Nugaal. Ka sokoow in ay samaysay Puntland hadana waxay aqoonsantahay Dastuurka Soomaaliya kaasoo dhigaya Soomaaliya in ay tahay 18 Gobol kaasoo waxba k**a jiraan ka dhigaya gobollada ay magacaawday.
Habka maamul gobolleedyada
Maamul goboleedyada Soomaaliyeed
Maab la weyneyn karo
Habka Federaalka ee lagu muransanyahay Soomaaliya wuxuu dalka u qaybiyay sidaan soo socota:
Soomaaliya wuxuu federaalka u qaybiyay.
Puntland
Galmudug
Somaliland
Khaatumo state
Jubaland
Koonfur Galbeed Soomaaliya
Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe
Qodobka 49aad ee Dastuurka Soomaaliya wuxuu qorayaa 2 gobol iyo wixii ka badan baa samayn kara Maamul ka tirsan Dawladda Soomaaliya, waxay durbadiiba ka dhalatay caqabad ku aadan xuduudaha maamullada.
Juqraafiga iyo cimilada
Muuqaalka buurta Cal Madow ee Sanaag, Soomaaliya.
Soomaaliya waxay dhacdaa bariga fog ee qaaradda afrika taasoo u muuqaal eg qaabka ay u samaysanyahay geeska wayiyisha kaasoo ku badan qaaradda afrika sidaa daraadeed waxaa loogu magacdaray geeska afrika. waxay soomaaliya ku fidsantahay inta u dhaxeysa loolka 10 waqooyi dhigta 49 bari. wuxuu gaarayaa bedka Soomaaliya 637,657 kiiloomitir iskuwareeg ah waxaa ka mid ah 10,320 kiiloomitir iskuwareeg ah waxay biyaha ka hayaan ilaa 1.6% ee bedeka guud ee dalka waxay waxyar uun ka yartahay gobolka Texas ee maraykanka. Sidoo kale waxay Soomaaliya leedahay xuduud barri ah oo dhererkeedu gaaraya 2,340 km ee kala berta dhammaan Jabuuti masaafo dhan 58 kiiloometer, Itoobiya masaafo dhan 1,600 kiiloomiter iyo Kiinya masaafo dhan 682 km, sidaa daraadeed Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer guud ahaan qaaradda Afrika, iyadoo gaareesya xeebta Soomaaliya dhererkeeda 3,025 kiiloomitir; dhul badeedka Soomaaliya wuxuu gaarayaa ilaa 200 Mayl Bad gudaha Badweynta Hindiya.
More information: Bilaha, Janaayo ...
Caafimaadka
Astaanta isbitaalka guud ee qardho Qardho.
Waxaa lagua tiriyaa dhibatada caafimaadka la xiriirta ee dhalmada Soomaaliya kuwa ugu muhimsan caqabadaha iyo dhibaatada ee horyaala ururada caafimaadka ka shaqeeya Soomaaliya sida UNICEF. waxaana caqabadahaas ugu waaweyn kororka saamiga dhimashada ee haweenka xilliga dhalmada sidoo kale koroka saamiga dhimashada caruurta dhawaan dhaladka ah sababo badan awgeed waxaana ka mid ah engaga neef mareenka iyo malaariyada.
Waxbarashada
dhismaha Jaamacada Muqdisho.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta waa hay'adda kaliya ee rasmiga Soomaaliya u qaabishan habaynta socodsiinta waxbarashada dalka, waxay ka faaiidaysaa wasaaradda saami dhan 15% guud ahaan bixinata miisaaniyadda dawladda taasoo loogu talo galay tacliinta. Tacliintu Waxay noqotay mid muhiim u aha dawlad goboleedyada ama Soomaaliya ha ahaatee ama maamul goboleedyada leh madax banaanida gaarka ah, sanadkii 2006 waxay noqotay Puntland meesha labaad ee Soomaaliya marka laga yimaado Somaliland, taasoo ka dhigtay tacliinta aasaasiga ah mid lacag la'an ah halka ay macalimiinta ka qaatada gunadooda bisha maamulka si toos ah. Sanadii 2007 waxaa batay tirada dugsiyada hoose ee soomaaliya 600 dugsi intii uusan dhicin dagaalkii sokeeye ila iyo 1,172 dugsi iyadoo uu kordhay qadar saami dhan 28% wadarta guud ee tirada ardada heerka hoose.
Dhaqaalaha
Asigoo socda dagaalkii sokeeye Soomaaliya waxaa u suuro gashay dhisidda dhaqaale soo koraya sanadihii u dambeeyay kuna tiirsan xoolha nool shirakada xawilaada lacagta iyo shirkadaha isgaarsiinta; daraasad uu ku sameeyay Bankiga Aduunka sanadkii 2003 dhaqaalaha Soomaaliya waxay muujinaysaa koritaanka qaybaha gaarka ah qaab la arki karo gaar ahaan Ganacsiga iyo Xawilaadaha lacagta iyo adeega aasaasiga ah sidaa daraadeed waxay gaartay in ay ku hormarto qaybaha muhimka ah sida xoolaha beeraha iyo kalluumaysiga, sida ay muujisay daraasadda ay soo saartay qaramada midoobay sanadkii 2007 koritaanka qaybaha adeegyada aqoonyahanka Anthroboloji Spencer Heath McCallum ku saleeyay shuruucda beelaha soomaaliyeed "Xeer" asaas ahaan kaasoo suura galiyay beeyad ku wanaagsan dhaqaalaha si looga wada faaiideysto una wanaagsanaato danaha mashaariic dhaqaale.
Kalluun gasacadaysan taasoo leh summadda "Laasqoray" ee ganacsi taasoo lagu sameeyo magaalada Laasqoray ee ku taal xeebta Soomaaliya.
Qaybta Beeraha waxaa lagu tiriyaa qaybaha ugu muhiimsan ee xagga dhaqaalaha ee dalka iyadoo ah marka lagu daro xoolaha 40% wax soo saarka dadka ee soomaaliya kaasoo ah 65% guud ahaan waxyaabaha ka soo xarooda dhoofinta; marka dhinac la iska dhigo wax soo saarka beeraha iyo hilibka la qalay ama asigoo nool taasoo ay dhoofiso Soomaaliya waxay kale oo ay dhoofisaa kaluunka, dhuxusha, mooska, liinta, Galleyda, masago dhammaantood waa wax soo saarka gudaha. Arrinta ku saabsan dhoofinta xoolaha waxay soomaaliya dhoofisay 3 malyan oo xoolo nool ah sanadii 1999 waxaana laga dhoofiyay dekadaha Boosaaso iyo berbera waxaa la dhoofiyay 95% guud ahaan orgida 52% iyo Wanan kuwaas oo laga dhoofiyay Bari afrika guud ahaan. Waxay dhoofisaa Somaliland sanadkiiba ku dhawaad 180 malyan tan oo xoolo ah marka lagu daro ilaa 480 malyan oo tan wax soo saarka beeraha. Sidaa daraadeed Soomaaliya waxay ku jirtaa suuqgeeyaha ugu weyn luubaan iyo malmasha guud ahaan aduunka.
waxaa jira tiro badan shirkadaha duulimaadyada gaarka ah taasoo taasoo hogaaminayasa dagaal xagga dhimista sicirka si ay u hesho tiro badan oo duulumaadyo ah si shirkadaha kale meesha uga saarto.
Laakiin qaybta warshadaha waxaa ka jirta dhibaato la xiriirta dagaalkii sokeeye oo ku dhisan gasacaynta iyo diyaarinta wax soosaarka beeraha si looga dhigo wax la dhoofin karo, qaybta warshadaha ma dhaafsana 10% wax soo saarka guud ee gudha. Marka laga tago ku tiirsanaanta wax soo saarka beeraha waxaa biloowday qayba ka mid ah wax soo saarka warshadaha horumar ay sameeynayaan, tusaale ahaan waxaa jira shirkado taasoo hogaanka u haysa dagaal ah dhimista sicirka si ay u hesho duulimaadyo badan taasoo meesha ka saaraysa shirkadaha tabarta daran. Waxaa kaloo jira qaybo howlo tasoo korriin laga dareemaya taasoo ah mid ay ku tiirsanyihiin shacabka Soomaaliyeed ee dibadda jira sida shirkadaha taleefoonada mobilada iyo xarumaha idaacadaha gaarka loo leeyahay Maqayadaha internetka waxaa sidoo kale jira Koka koola ee caalami ah taasoo ku tusaysa taasoo ay ku kalsoon yihiin shirkadaha caalamiga ah marka la eego maalgashiga ee hadda Soomaaliya.
Sidaas daraadeed waxaa lagu tiriyaa shikadaha xawilaadda qaybaha ugu badan ganacsiga ee hadda jira, kuwaas oo sameeya ku shubista in ku dhow 2 Bilyan doollar sanadkiiba dalka gudihiisa iyagoo soo mariya xawilaadaha dibadda ee soomaalida dibadda waxaana lagu tiriyaa shirkadaha aadka ugu dhaqdhaqaa badan qaybtaan shirkadahaan ma sameeyaan qaadista lacagta si xawilladaha khaashka ah waxaa ku xiran shirkaadaas shirkadda "Dahabshiil" oo xarunteedu tahay Hargaysa kuwaasoo ay ka shaqeeyaan in ka badan 1,000 soomaali waxay leedahay 40 laanmo dhamaan caalamka waxaa ka mid ah laanta Dubay iyo London.
Sida ay muujiyeen shirkado maraykan iyo shiine ah si isku mid ah inuu jiro dano muuqda ee ku saabsan macdanta ku jurta soomaaliya gaar ahaan soo saarista shidaalka waxaana taa cadeeyay shirkadda lagu magacaabo Range Resources ee maraykanka ah jiritaanka kayd badan oo shidaal ah dhulks maamul goboleedka Puntland lagu qiyaasan shan ilaa toban bilyan oo fuusto ee saliidda ceeriinka ah.
Isgaarsiinta iyo warbaahinta
Xarunta Shirkada Isgaariinta Hormuud ee muqdisho.
Waxaa sii kordhayay tobankii sano ee u danbaysay tiro badan Wargaysyada xarumaha Idaacadaha iyo Talefishinada kuwaas oo aan ku ekayn oo kaliya caasimadda, laakiin u gudbay magaalooyinka waaweyn. kuwaas oo qabsaday warbaahinta.
kuma eka oo kaliya warbaahinta waxyba gaartay isgaarsiinta xarigga dhulka iyo midda xarig la' iyadoo ay korotay adeegsedeyaasha Internetka shan sano gudaheed intii u dhaxeeysay 2002 iyo 2007 qiyaastii 44,900% iyadoo gaartay heerkii ugu sareeyay koritaanka afrika abid. Iyadoo ay ka wada hadlayaan shirkadaha guud ee ka shaqeeya Macluumaadka Teknolojiyadda suuq ka kooban nus malyan adeegsade internet. waxaa hadda laga helaa Soomaaliya 22 Bixiyaha Adeegga Internet waxaa dheeraad ah ilaa 234 Maqaayad Internet oo dalka ku faafsan taasoo sanadkiiba ku guulaysatay gaarsiinta 15.6%. waxaana hadda la suurta-galiyay isgaarsiin Internet ah dhanka Dayax Gacmeedka gaar ahaan meelaha fogfog taas oo aan lahayn Khad taleefan ama shabkad xarig la' ah. Waxay ka mid ah Qaramada Midoobay ama Heeyadaha aan dawliga ahayn Hay'adaha maaliyadda gaar ahaan shirkadaha xawila lacagta iyo maqaayadaha internetka waa kuwa ugu badan adeesiga shabakadda caarcaarada Internetka ee dalka. Waxaa lagu tiriyaa qaybta Isgaarsiinta Talefonka ee internetka kuwa ugu badanq qayb ahaan koritaanka marka loo eego dhamaan qaaradda isla goobta iyadoo koraysa tirada Talefon Guri kuwaasoo sanadkii gaari kara 12.5% (hadda waxaa la helaa 100,000 khad talefon guri) markii la barbar dhigo dawladaha kale ee dhaca geeska afrika gaar ahaan bariga afrika si guud kuwaas oo dhib ku qaba xiridda khadka talefonka guriga sabab ka dhalatay burburin ulakac ah sicir barar ku yimid fiilooyinka maarta ah ee loo adeegsado galinta taleefonada dhulka. Waxaa xusid mudan gaarsiinta khad dhulka ah ee kuwa cusub ah ee cusub waxay qaadanaysaa saddex maalmood oo kaliya Soomaaliya laakiin waxay gaari kartaa sanado dheer dalka dariska la ah ee lagu magacaabo Kiinya.
Waxaa lagu tilmaamaa qaybta isgaarsiinta ee xariga dhulka ah dalka waa qaybaha ugu wanaagsan marka loo eego qaarada Afrika kuwaas oo ay bixiyaan shirkado badan soona gudbiya adeeg heer sare ah waxaa ka mid ah la hadalka dibadda adigoo bixinaya 10 doollar oo kaliya, waxaa taa dheer Isgaarsiin xarig la' tasoo ay korortay koror aad u weyn tirada haysata ee shirkadaha adeega bixinta taleefonada xarig la' kaasoo gaaray 627,000 adeegsade.
Ciidanka
waa ciidan soomaaliyeed oo maraya garoonka diyaaradaha
Waxaa burbur ku yimid ciidmada qalabka sida ee soomaaliya dagaalkii sokeeya inta aan la gaarin taasoo dalka ka dhigtay in uusan jirin ciidan nidaamsan sida lawada ogyahay xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ayaa biloowaday dib u dhiska ciidamada qalabka sida taasoo gaarsiisay 10,000 qof. Waxaana masuul ka ah wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Sido kale waxay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga in ay dib u yagleeli doonto ciidamada badda kuwaas oo hadda ka kooban 500 qof ee qay
Address
Mogadishu
252
Website
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Abdullahi said shire posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.