08/02/2014
Talooyin guud
1:Hafurin albaab aadan xiri karin.
2:Gurigu ma ahan dhismaha guud,ee waa xaaska jooga.
3;Dhufays midka ugu adag waa xaas wanaagsan .
4;Bakhtiga waxaa soo raaca tobonaan tuko iyo eey, ee yuusan kusoo galin waxaana la mid ah qofka aan fiicnayn.
5;Caqliga inta kaa maqan waxay ku jirtaa walaalkaa ee la tasho.
6;Beentu waa kubad baraf ah, intaad been abaal marin ku heli lahayd halaguu jirdilo run darteen.
7:Haku mashquulin wax aadan haysan,yaadan waayin wax aad haysataye.
8:Irbadu dadka ayay wax u toshaa iyadoo dhar la aan ah.
9:Aamusku waa jawaab qurux badan ,oo aan qofkale sheegi karin.
10.Dabeecadaadu waa hantidaada ma guurtada ah.
11.Ilaahay baa shimbirkasta cunto siiya, mana dhoho ha dhaqdhaqaaqin.
12.Anaa mudul leh,ayaa fiican aabahay baa gurigaan wayn leh
13.Dadku waxay arki karaan dhaawaca dushaada ku yaal, laakin xanuunkuu kugu hayo adaa og.
14.Muhiim ma ahan isku ekaanta farahaaga, lakin muhiimku waa inay is caawiyaan.
15.Macaanka malab xaaraan ah, waxaa kaaga fiican kharaarka dacar xalaal ah.
16.Wax la iska dhowro waxaa ugu fiican hilibka dadka iyo xaqooda/
17.Wax lala yaabo waxaa ha nolosha bakhaylka, adduunku wuxuu ku noolyahay nolosha faqiirka, aakhirana waxaa la xasabiyaa hantiilayaasha.
18.Waxaad gacantaada ku goyn gartid, middi ha u raadsan.
19.qofkasta waa caaqil, ilaa uu hadlo.