Abdi rahman

Abdi rahman abdi rahman somali a

Permanently closed.
30/04/2026
MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO KA QEYB GALAY CALEEMO-SAARKA UGAAS CABDIRISAAQ UGAAS CABDULLAAHI UGAAS XAASHI UGAAS FARACAD...
25/04/2026

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO KA QEYB GALAY CALEEMO-SAARKA UGAAS CABDIRISAAQ UGAAS CABDULLAAHI UGAAS XAASHI UGAAS FARACADDE

Muqdisho, Abriil 25, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad dhaqan oo lagu caleemo-saarayay Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, taasi oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hambalyo, bogaadin iyo duco u diray Ugaas Cabdirisaaq, isaga oo u rajeeyay in hoggaamintiisa dhaqn uu xoogga ku saaro kaalinta muhiimka ah ee dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta nabadda, xalinta khilaafaadka iyo adkeynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

"Sida munaasabaddani u kulmisay guud ahaan haldoorka bulshada soomaaliyeed, waxa ay tusaale u tahay in dadkeennu ay ka mideysanyihiin wada-dhalashada, diinta suubban, dhaqanka wanaagsan iyo isirka soomaalinimo, waxaana ahmiyad gaar ah siinaynaa wada shaqeynta hoggaanka dhaqanka, maadaama ay laf dhabar u yihiin dib u heshiisiinta, dowlad dhiska iyo xasilloonida dalka".

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyay Boqorada, Ugaasyada, Imaanyada, Malaaqyada iyo hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee Munaasabadda kasoo qayb galay in ay waqtigooda u huraan mideynta bulshada iyo ilaalinta qiyamka suuban ee ummadda soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan, barwaaqo ah oo mideysan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka

Kulama adag oo ka soo baxay isku aadka wareega 16-ka tartanka Champions.Kooxehee u gudbi kara 8
27/02/2026

Kulama adag oo ka soo baxay isku aadka wareega 16-ka tartanka Champions.

Kooxehee u gudbi kara 8

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdi rahman posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share