29/05/2022
Rammaadah ee dhacday xiligii cumar binu khidaab iyo sida uu umaareeyay
Waxay ahayd abaar aad iyo aad u saameysay carrigii Xijaas, waxayna ka jirtay muddo 9 bilood ah oo ay samadii noqotay qiiq madoow oo laga waayey wax roob ah. Sababta magacan Rammaadah loogu magac daray ayaa ah sidaa darteeda yacni in samadii ay madoobaato oo ay noqoto sida qiiq oo kale.
Qabaa'ilkii deganaa hareeraha magaallada Madiina dhammaantood waxay soo wada galeen magaallada oo ay naf kasoo dooneen, markaasuu Cumarna u qeybiyey wixii hanti ahaa ee beytul maalka yaallay illaa uu beytul maalkii dhammaaday. Naf ahaantiisu Cumar wuxuu iska xarrimay inuu cuno wax dufan leh jeer uu Alle ka qaado Muslimiinta abaartaas. Horey waxuu cuni jiray kibis iyo saliid, hase ahaatee markii la gaaray abaartan Rammaadah waxuu go'aansaday inuusanba cunin wax dufan leh, waxuuna cuni jiray oo quud u ahayd kibis angagan iyo milix isagoon weliba ka dhargi jirin. Waxuuna gaaray heer midibkiisii uu madoobaaday oo jirkiisii baddelmay illaa looga yaabay itaal darri.
Heerkii ay abaartu gaadhay darteed waxuushtii baa soo muhatay dadkii magaallada deganaa. Waxaa dhacaday iyadoo abaartan lagu jiro in nin uu qashay neef ari ah oo u joogay, hase ahaatee waxaa fajaciso kunoqotay markii uu neefkii ka waayeey wax dhiig iyo dhecaan toona ah. Waxuuna arkay neefkii oo lafo gaduudan oo kaliya ah.
Habeen habeennada kamid ah iyadoo lagu jiro abaartan Rammaada buu Cumar ku wareegay magaalladii Madiina sidii horeyba caadada ugu ahayd si uu u ogaado raciyadiisa iyo xaaladda ay kusuganyahiin. Waxuu arki waayey qof qosalaya iyo dad kusheekeysanayo guryahooda sidii caadada u ahaan jirtay. Ma uusanna arag qof qof kale wax su'aalayo, ama labo isla hadleysa. Markaasuu dadka wax ka weydiiyey arrintaasi. Waxaana lagu yiri:" Ammiirkii Mu'miniintoow! Su'aashu way waydiiyeen, markaasay dadka waxba helin, say iska daayeen su'aasha, dadkuna waxay kusuganyahiin hammi iyo ciriiri oo ma awoodi karayaan inay sheekeystaan oo ay qoslaan''.
Intaa kadib Bilaal bin Al Xaarith Al Muzani baa Cumar u yimid oo ka idin dalbaday dabeetana waxuu usheegay inuu yahay ergaygii Rasuulka Alle SCW, waxuuna ku yiri:" Rasuulku SCW waxuu ku leeyahay:" Waxaan kugula ballamay kiis, maadanna gaarin arrintaas ee maxaa ku helay?
Waxuu yiri Cumar:" Oo goormaad aragtay Rasuulku SCW?
Waxuu yiri:" Xalay (riyo ahaan)''
Markaa buu Cumar dadkii u khudbeeyay oo arrintii usheegay. Kadibna waxuu warqad u qoray Abii Muusa Al Ashcari oo Basra masuul ka ahaa isagoo ku amraya in ummadda Nebi Muxammed SCW la badbaadiyo. Sidoo kale sidaasi si lamid ah ayuu Camr bin Al Caasna warqad u qoray. Markaasay labaduba soo direen raashiin aad u tiro badan.
Hantidii iyo safarkii uu Camr bin Al Caas soo diray waxay kasoo gudubtay badda oo ay kasoo degtay Jiddah, dabeetana waxay ugudubtay Makka oo misna Madiina ay uga sii gudubtay. Tanna waa aathaar sixadeedu iyo senedkeedub aad usuganyahay.
Kadib waxaa magaalladii Madiina yimid Abuu Cubeydah bin Jarraax oo sida 4000 oo rakuub oo raashiin ah, markaasuu Cumar amray in la dajiyo oo loo qeybiyo qabaa'ilka d**o Madiina iyo hareeraheeda. Kadib buu Cumar amray in Abuu Cubeydah beytul maalka laga siiyo 4000 oo Dirham, hase ahaatee wuu diiday inuu qaato, dabeetana Cumar ayaa ku qasbay jeer uu markii dambe aqblay.
Intaa kadib Cumar waxuu kaxeeyay dadkii oo dhan oo uu roob doonay isagoo kutawasulayo Nebiga SCW adeerkiis Cabbaas. Kadibna samadii baa roobeysay oo raxmad Alle baa soo degtay abaartii Rammaadana sidaa ayaa looga baxay kadib markii lagu jiray muddo sagaal bilood ah. Falillaahil xamdu wal manna.