18/01/2019
Sheekadii Dhoof iyo Dhaxal Caashaq Qaybtii 4aad
Liibaan isagoo xaaladdaas ku guda jira ayay Ladan jacayl ula timid oo Buuggiisa xisaabta inta maalin ka qaadday Warqad bashqadaysan u soo dhex gelisay, una soo raacisay sidii caadadeedu ahayd kuus lacag ah.
Markii iskuulka laga soo rawaxay ayay Ladan guddoonsiisay Liibaan buuggii oo uusan ku ogeyn wax Warqad ah, laakiin markii uu gurigiisii yimid oo Buuggii Miiskiisii yaraa saaray ayay warqaddii ka soo dhacday, markiiba inta dafay ayuu galka h**e ee bashqadda ereyo ku qornaa ka akhriyay magaciisa iyo magaca soo diraha, kadibna wuu daliiqay si uu u ogaado nuxurka ku dhex jira, wuxuuna ka akhriyay ereyadan:-
—Ku:- Liibaan Aadan
“Aboowe, marka h**e iga guddoon salaamaha la isu diro midda ugu qaalisan, san-kuneeflaha oo idil, inta Rag Dunida suran, ayaan kaa sahansadoo, kaa soo xushaye, si kastoo xaaladdaadu tahay, iyo sida aad ku sugan tahay, yaan kugu doortoo, kugu rabaa saafiyow, ee saacaddaan la joogo, sax u ogow inaan ku jeclahay, saani ii qaabiloo, shakiga ka siko idilkiis, anna saafi daacad ahoo, adiga ku sugeysaan ahaye….. taa la soco boowe, Jawaab saafi ahna, waan kaa sugayaaye, si xun wax u sheeg, iyo kuwa silciya Jacaylka, sifa-xun ku sheega, ka siko oo ka fogoow, qalbiga yeyna kaa sirin, jacaylkeenana silcinin.
Ka:- Walaashaa Ladan Jaamac.
Markii uu Liibaan akhrinta qoraalkii warqadda ay Ladan u soo dirtay intaa ku koobay cabbaar ayuu fakar ku fogaaday, wax uu sameeyo ayuu garan waayay, inta sacabada gacantiisa dhabanadiisa cusjiyay ayuu isla hadlay oo yiri “maxay kaa rabtaa Gabadhan, ma mid kale oo jacaylka la jila ayay weysay, aniga ma jacayl iyo afaarihiisa ayaan u soo jeedaa waxbarasho ayaan ku mashquulsanahee….. sidan ahay miyeysan u jeedin, maxay indhaha isu tiraysaa gabadhu, inaan isku darajo ahayn sow ma aragto, shaarkayga baftada ah ee Huudheyda ah uma jeeddo miyaa, surwaalka salka dambe ka karkaran ee aan Iskuulka ku dhigto maka indho saaban tahay, inaan dacaskii iibsan waayay moog miyay u qabtaa, gabadhan waxeedu jacayl k**a ehee shirqool bay ila damacsan tahay, wallee wax laga shakiyo wey tahay, waayo sal fudeydka ay igu soo gashay ayaanba ka yaabanahay, laakiin dhib malaha arrintan waan ka sal gaarayaa….”.
Liibaan markii uu intaas iskula hadlay warqaddii oo uu gacanta ku hayay ayuu miiska iska dul saaray, kadibna gogoshiisa isku kala fidiyay, fakarna guda galay, wuxuuna go’aansaday in uusan wax jawaab ah ka bixinin warqaddaas oo ilaa ay iyada kaga soo hadal qaadayso uusan juuq isaga u oran.
Insha allah lasoco qeybteda kale fadlan share dheh si asxbtda kale u arkaan mahadsandin