Abdirisak Abdullahi Ali

Abdirisak Abdullahi Ali Page kaan waa page loogu talagalay arimaha bulshada

12 ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa xagaagan u safan doona xulalkooda Koobka Adduunka.Amad Diallo - Ivory Co...
02/06/2026

12 ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa xagaagan u safan doona xulalkooda Koobka Adduunka.

Amad Diallo - Ivory Coast 🇨🇮
Senne Lammens - Belgium 🇧🇪
Matheus Cunha - Brazil 🇧🇷
Casemiro - Brazil 🇧🇷
Licha Martinez - Argentina 🇦🇷
Bruno Fernandes - Portugal 🇵🇹
Diogo Dalot - Portugal 🇵🇹
Altay Bayindir - Turkey 🇹🇷
Kobbie Mainoo - England 🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿
Nous Mazaroui - Morocco 🇲🇦
Manuel Ugarte - Uruguay 🇺🇾
Tyler Fletcher - Scotland 🏴󠁧󠁢󠁳󠁣󠁴󠁿

Nasiib wacan waxaa rajaynaa iyagoo form fiican wataan inay soo laabtaan.

23/01/2026

Ciyaal comments iyo wiilkaan xayawanada xananeeyo maxa kalaqabsaday. ゚viralシviralシfypシ゚viralシalシ

19/10/2025

Harry maguire oo kala diray loserpool

Xiddigii h**e ee 🔴🔵 Scott McTominay iyo Kevin De Bruyne ayaa dib ugu midoobi doona Napoli 🤝
12/06/2025

Xiddigii h**e ee 🔴🔵 Scott McTominay iyo Kevin De Bruyne ayaa dib ugu midoobi doona Napoli 🤝

20/03/2024
Waxay uga tagi jirtay ilmaheda yar Eey daacad u ah xiliyada ay goobaha dhaw aadayso, sida jimicsiga iyo goobaha dhaw mar...
29/04/2023

Waxay uga tagi jirtay ilmaheda yar Eey daacad u ah xiliyada ay goobaha dhaw aadayso, sida jimicsiga iyo goobaha dhaw marka ay kasoo dukaamaysanayso.

Maalin maalmaha kamid ah ayay aaday suuqa, oo ay Eygii uga tagtay canugeda yar, waxayna soo laabagay qolkii oo wada dhiig ah, markiiba waxay raadisay cunugii oo waxay aragtay dharkiisii oo jar jaran, xafaayadiisii oo meel gaar ah taal iyadoo dhiigu qariyay.

Dubra waxaa sariirta hoosteeda kasoo baxay Egyii oo markaas soo dhameestay cunista hilib fresh ah, taas oo aad moodo inuu aad ugu soo raaxeestay, waxay markiiba qaadatay ul' wayn oo waxay nafta ka jartay Eygii mudada daacada u'ahaa!!!

Iyadoo isleh ilmahaagii bal cad kamid ah inuu reebay eeg, ayay sariirta dhankeeda kale ku aragtay cunugeedii oo qaawan, dhoolla cadaynaya misna caafimaad qaba, iyo raqda Mas wayn oo halkaa lagu cunay, Eygii ay dishay ee daacada u ahaa ayaa badbaadiyay ilmaheda yar, kaas oo ladagaalamay Mas nuuca Jabisada loo yaqaan, oo uu halkaas Eygii ku dilay, kuna cunay qaar kamid ah Maskii☠️

Bal qiyaas sidaan dadka qaar u xukumno innagoo waxba hubsan, oo aan ku eedeeno wax aysan sameen. FADLAN HUBSO INTAADAN RUUX AMA XAWAYAAN DANBI DUSHA KA SAARIN.

22/03/2023

Caawa waxaa inoo dhalantay bisha barakeysan ee Ramadan.

Sidaas darteeda waxaa loo baahan yahay qeyrkeeda in aan ka faaideysano hadii uu Alle na waafajiyo.

Waxaa loo baahan yahay in aad iska ilaaliso waxyaabaha soonkaaga dhibaato ku keeni kara waqtigaagana kaaga lumin kara waxyaabaha aanan munaasibka aheyn sida...

◾Turub
◾Laadhuu
◾Daawasha Filmaanta
◾Beenta
◾Xanta, iyo wax walboo uusan Alle raali ka aheyn.

Taas badelkeeda ku dadaal in aad waxyaabaha wanaagsan aad uga faaideysto waqtigaaga sida

◾Qur'aan aqris badan
◾Salaad badan
◾Istiqfaar badan
◾Towbad badan
◾In aad riximka xiriiriso
◾Samafalka waalidka
◾Hadii aad aboodo in aad afuriso qof aan afurka aboodin si aad u hesho ajarkiisa mid la eg adigoon ajarkaaga lagaa nusqaamineynin.

Malag ayaa samada ka dhawaaqaya oo dhahaya..

"يا باغي الخير أقبل , ويا باغي الشر أقصر"

Bishaan inta lagu guda jiro habeen walbo Alle Swt addoomo ayuu naarta ka xoreeyaa fadligaas aadka u weyn ayaa ku sugan, sidoo kale waxaa kaloo ku dhex jiro habeenadaas hal habeen oo kun bilood ka kheyr badan marka aan ka faaideysano oona ku dadaalno walaal.

Ramadan-kaan midka xigga in aad gaari doonto ma hubtid marka fursadaan hadda kuhor taalo ka faaideysto walaal.

Markale Ramadan Mubarak🙏

Follow page Abdirizak Abdullahi Ali

06/03/2023

Caawa waa habeenka 15ka bisha Shacbaan. Laga bilaabo salaadda Maqrib illaa iyo salaadda Subax inta laga gaadhayo wuxuu ALLAAH, soo dajiyaa raxmad waxa uuna danbi-dhaaf ballaadhan u sameeyaa addoomadiisa.

Rasuulkeena scw wuxuu yidhi “ALLAAH addoomadiisa inta uu daalacdo habeenka 15 ka Shacbaan ayaa uu u wada danbi dhaafaa illaa laba qof mooyaane;

1- Qof ILLAAHEY cibaadadiisa cid kale la wadaajiya.

2- Qof cuqdad iyo xumaan caloosha ugu hayo qof kale oo walaalkii ah

Qofkii qof kale qalbiga wax ugu hayoow, caawa iska caafi.
Aynu is cafino walaalayaal cafis iyo saamax.
ILLAAHEY kuwii uu u dambi dhaafo ha innaga yeelo dhammaanteen.
Aammiin Aammiin Aammiin.

Happy teachers day Hampalyo 21 November oo ku beegan maalinta macaliniinta aduunka. Macalinku waa tilmaame, toosiye, tab...
21/11/2022

Happy teachers day Hampalyo 21 November oo ku beegan maalinta macaliniinta aduunka. Macalinku waa tilmaame, toosiye, tabantaabiye; waa taraqa lagu shido xaabada la rabo inay iftiin dhaliso, iyo tooshka lagu qabto meesha mugdiga ah. Waxaan ka qeybgalay xaflada maalinta macalimiinta oo kadhaceysey school daaris oo kuyaalo dagmada dharkenley daaris school wuxuu idiinhaayaa waxbarasho lacag la'aan ah.

Address

Mogadishu

Telephone

252615037388

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirisak Abdullahi Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share