Samak Seafood Company

Samak Seafood Company The Leading Fishing Company In Somalia

10/06/2023

2013 waxaa la sameeyay dib-u-eegistii ugu horraysay oo baahsan iyo sidii loo cabbiri lahaa kalluumaysiga shisheeye ee biyaha Soomaaliya. waxaana lagu qiyaasay in maraakiibta shisheeye ee xilligan ay kalluumaystaan in ka badan 132,000 mt sannadkiiba xilli-badeedka, taasoo ugu yaraan saddex goor ka badan xaddiga heer-nololeedka ee jillaabashada maxalliga ah.
waxaan lagu qiyaasnay maraakiibta shisheeye inay jillaabteen in ka badan 3 million mt oo kalluun ah 2013 ilaa 1981.

Iran iyo Yemen ayaa noqday kuwa ugu ballaaran ee ka kalluumaysta biyaha Soomaaliya, waxayna shabakadaha maraakiibtoodu bartilmaameed ka dhigteen noocyada Tunada ee ku xawaareeya socdaalka ugu sarreeya iyo kaluumaysiga xeebleyda. Waxaa kaloo ka mid ah marakiibta raxanta ah iyo maraakiibta fidsan ee qaaradaha Yurub iyo Aasiya ka yimid oo si baahsan ugu sugan biyaha Soomaaliya, kuwaasoo bartilmaameedkoodu yahay; nocyada muhiimka ah ee skipjack, yellow fin tuna, billfishes, iyo libaax- badeedka.

Raxanno maraakiib yar yar ah iyo kuwa kallumaysiga ee waaweynba wey ka buuxaan xudduudaha ka baxsan biyaha Soomaaliya EEZ, halka kuwa kalena la siiyey ruqsado ay kaga kalluumaystaan gudaha aagga dhaqaalaha ee u gaarka ah Soomaaliya ( EEZ).

Intii lagu jiray sannadihii 1990-yadii kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU) wuxuu noqday cudur-daar in looga dhigto
burcad-badeed weeraraysa marakiibta shisheeye. Intaas waxaa dheer, taabbagelinta horumarinta kalluumaysiga Soomaaliya waxaa hortaagan xad-gudubyada maraakiibta shisheeye ee ka jillaabta Soomaaliya (IUU) Maadaama maraakiibta shisheeye lagu eedeeyey inay kiraystaan dabley hubaysan oo rasaas ku fura Soomaalida, kuna sayraan/weeraraan biyo kulul Soomaalida, burburiyaan doonyaha kalluumaysiga yar-yar, qiimahana ku jebiyaan/raqiisiyaan ganacsiga jillaabashada suuqyada maxalliga ah, iyagoo waxyeelleeya goobaha deegaanka kallumaysatada.

Intaas waxaa soo raaca, xad-gudubyada baahsan ee aan xogta laga haynin, kalluumaysiga shisheeye ee aan nidaamka lahayn, ha ahaato sharci-darro ama yeysan ahaanine, waxay abuurtay caro dadweyne, Tabaruse waa halkeedii .

Maraakiibta gunta hoose ka jillaabta oo ay kamid yihiin kuwa kuuriya waxay si baahsan uga kalluumaystaan qiyaastii 75% sannadka oo dhan, waxayna bartilmaameedsadaan moolka hoose ee biyaha oo ay ka xaalufiyaan kalluunka. Maraakiibta gunta hoose beegsata waxay dabar-gooyaan noocyada kalluunka, iyagoo deegaankana waxyeello weyn gaarsiiya, hoosna u dhiga kala duwanaanshaha bay’adda, islamarkaana yareeya tirda kalluunka biyaha ku jira.

Waxa lagu qiyaasay dhulka laga xaalufiyey in ka badan 6000 mt oo kalluun ah sannad kasta, laakiin waxa laga yaaba in ay dhimashada kalluunku intaas ka sarrayso marka loo eego jillaabashada. Intaas waxaa dheer in tirada maraakiibta ah ee gunta hoose ka jillaabata ay ka badan yihiin kuwa la sahamiyay, islamarkaana ay leeyihiin saamayn aan wanaagsanayn oo ay maraakiibtaasi gaystaan, taasoo aad uga ballaaran xogta aynu heli karno.

REFERENCE
Secure Fisheries

18/02/2023

Muuqaal soo koobaya Xaalada qatarta leh ee uu kusuganyahy Kheyraadka Badda Soomaaliya 🌊

Somali Blue economic is under IUU Fishing practices.
27/01/2023

Somali Blue economic is under IUU Fishing practices.



Address

Mogadishu-Shangani
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Samak Seafood Company posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category