Isra dagan style

Isra dagan style Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Isra dagan style, Shopping centre, Mogadishu.

07/07/2023
DUCO DAR-DAARAN NABIYA!!!!Ducada aan maanta ka hadlaynaa waa duco Rasuulku calayhi salaatu wasalaam inagula dar daarmay,...
26/06/2023

DUCO DAR-DAARAN NABIYA!!!!

Ducada aan maanta ka hadlaynaa waa duco Rasuulku calayhi salaatu wasalaam inagula dar daarmay, kuna ducaysan jiray, Asaxaabtana kula dar-daarmi jiray iyo dhammaanba ummada.

Waa duco macnaheeda lagala soo dhex baxay Quraanka kariinka ah.

Ducadan barwaaqada iyo khayrka farahabaddanba aad ka heli doontaan waa:

يا ذا الجلال والإكرام

Yaa dul jalaali wal Ikraam

Haddaad doonayso guur, caafimaad, caruur, maal intaba ilaahay waa kugu siinayaa, waxaanad odhanaysaa" Yaa dul jalaali wal ikraam( ) halkaa madhan waxaad galinaysaa waxaad doonayso.

Ducadan waa magac ka mid ah magacyada Ilaahay. Ilaahayna subxaana watacaalaa isagaa sheegtay waxaanu yidhi:

تَبَارَكَ اسْمُ رَبِّكَ ذِي الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ

Macna Al- jalaala waa wax dusha tagay oon la gaadhi karayn, lidkiisuna waa waxa hoose een cidna qiimaynayn.

Jalaaladu waa qiimo culus oon la malayn karayn.

Wal Ikraam: Waa Ilaaha kariimka ah, qaniga ah, cibaadkiisa hadh iyo habeenba gaal iyo muslimba karamkiisa iyo deegsi nimadiisa ku arsaaqaya, siiyana caafimaadka, maalka, caruurta, iyo guurka, khayraad aad u baddana samada inooga soo dajiya.

Ilaahay waxa uu sheegtay in uu wayn yahay, qiimihiisuna aad u koreeyo, deeqsina yahay.

Ilaahay waxa uu xaq u yeeshay in qiimisa la qiro oon la caasiyin. ood ilaahay makaanadiisa iyo maqaamkiisa cisadiisa qirtid, ood ka soo baxdid cibaadaysatid, caabudidna.

Ilaaha wanaagsan in aad u mahad-naqdid oonad kufriyin nimcadaha uu ku siiyay, soona haddal qaadid ilaawina.
waa fastiirkii uu ku fasiray IBNU KASIIR magacan DUL JALAALI WAL IKRAAM.

Waa wax aad u wayn in Ilaahay la caabudo, lana dikriyo, waayo, Ilaaha samada iyo dhulka abuuray, een dhimanayn, iloobayn, seexanayna, waa in loo taagnaadaa oo makaanadiisa la qiraa.

dadka qaar waxay isku sheegaan saaxibo jalaalah boqortooyo, lakiin ilaahay jalaaladiisu way dhaaftay boqortooyo, qiimaha meesha ugu saraysa ayaa jalaalada la yidhaa.

badh ka mid ah dadka cilmiga saaxiibka u ah ayaa yidhi: Magacani waaba magaca ugu wayn magacyada ilaahay ee haddii lagu ducaysto ilaay ducada aqbalo.

Nabigu calayhi salaatu wa salaam waxa uu yidhi:

عن أنس رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رسُولُ الله صلى الله عليه وسلم : «ألِظُّوا بـ (يَاذا الجَلاَلِ والإكْرامِ [صحيح]

Macnaha Aliddu waa in aad laasimtid ( badisid) carabkaagana bartid, waxaanu Nabigu leeyahay qabsada oo ha sii daynjna duljaali wal ikraam.

Magacani waa macag ilaahay Aqbalo ducadaada, lakiin shaydaanka xaasidka ahi wuu ina ilaawsiinayaa khayraadka, iyo nimcadaha ilaahay inoo fidiyay.

Dhulkan aynu joogno gaal iyo muslinba nimcadaha ilaahay ayuun bay ku noolyihiin, Ilaahayna wuu iska wayneeyay in uu ciqaabo ku waa gaalada ah iyo muslinka caasinayaba, lakiin maalintaa qiyaame ayuun buu waryaala.

Magacan markaad ku ducaysanayso Waxaad leedahay" Ilaaha qiimaha iyo qaayaha baddanow, qiimihiisana cidi gaadhinow, kaligiina qiimo law, meel aad u saraysana saaranow, cidwalibana ka hoo-say sow, ilaaha deeqsinimadiisa cidwaliba gaadhayow, ilaahow isii waxaa ayaad odhanaysaa, sida: maal, guur caruur iyo wixii lamid ah.

kalmadan yaa dul jalaahi wal ikraam waa in aad ku cel-celisid ilaa aad helayso wixii aad doonaysay.

Nabiga ayaa arkay nin masjidka ka dheh leh" jaa dul jalaali wal ikraam" markaas ayuu ku yidhi: fadhiiso oo waxaad doonayso ku cel-celi.

Magacani waa mid barakada ilaahay ka hadlaya waxaaba la yidhaa barako. Nabiguna calayhi salaatu wa salaam waxa uu yidhi: badsada. Bal ka waran wax uu Nabigu ku yidhi badso? in uu qaali yahay ayaad garanaysaa.

Qisas ku saabsan digrigan.

Oday ayaa yidhi: inan kaygu wuxuu xaas ahaa sideed sano, ilaahay wax caruura ma-siin, maalintay bilaabeen ducaddan yagoon bil dhamaysan ayuu ilaahay gabadhiisii ku arsaaqay uur.

gabadh kale ayaa tidhi: walaahi todoba sanadood ayuuna ilaahay uur i siin markaa ayaan ku ducaystay aniga iyo adaygaygu ducadan, mudo sadex bilooda markaan wadnay ilaahay waana siiyay.

gabadh kale ayaa tidhi" walaahi markaan ducadaa ku ducaystay shan iyo toban cisho oo kalya ayuu ilaahay uur kii aan raadinayay i siiyay.

kuma cel-celinaysid oo kalya yaa dul jalaali wal ikraam laakiin markaad tidhaa: yaa dul jalaali wal ikraam waxaad racisaa waxaad doonayso

Gabadh kale ayaa waxay tidhi: waxaan xaas ahaa mudo lix iyo toban sano ah, laba jeer ayaan ku guul daraystay in ilmo la igu beero, markii danbe ayaa waxaan maqlay kal madan yaa dul jalaali wal ikraam, waanan ku ducaystay markaan wadnay mudo sadex iyo labaatan cisho ah aniga iyo adaygaygu ayuu ilaahay nagu arsaaqay uur.

Gabadh kale ayaa tidhi" waxaan in baddan ahaa bilaa shaqo, markaa ayaan ku ducaystay ducadan mudo bil gudaheeda ayuu ilaahay shaqo fiican igu siiyay.

Ducadani cajaa'ibka ay leedahay waxa ka mid ah markaaba dhakhso ayay u kacdaa.

Ha odhan waan tijaabinayaa. haddalka ilaahay iyo ka rasuulkuba waa xaqiiq tijaabana ma galaan.

ku ducayso waxaad u baahan tahayna

26/06/2023

Ilaahay ha nago daro kuwa naarta ka xoreeyo

Tiro kooban Waxaa idiin kaga keenay kabo Sneakers ah 👟 Asal Naayk ah ood jeclaan doontid tayadooda iyo quruxdooda made i...
16/12/2022

Tiro kooban Waxaa idiin kaga keenay kabo Sneakers ah 👟 Asal Naayk ah ood jeclaan doontid tayadooda iyo quruxdooda made in Vietnam
nagala soo xiriir 61 1514585
Waxaa sidoo kale diyaar ah Delivery dhamaan gobolada dalka.

16/12/2022

Address

Mogadishu

Telephone

+252611514585

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Isra dagan style posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share