23/09/2024
Waan ku Salaamay Saaxiib
“Waxa aan kaaga digayaa in aad imtixaanka ku qabsada u aragto in uu kugu dabo dheeraaday oo aad u xanaaqdo, ama aad furdaaminta Rabbigaa raagsato oo aad quusato, aadna noqoto sida kuwa Ilaahay u caabuda habka labalabaynta iyo tuhunka leh, ee haddii ay kala kulmaan waxa ay jecel yihiin oo raalli gelinayana kaga raalli noqda, haddii ay kala kulmaan wax ay karhaan oo dhibana ka cadhooda!
Saaxiib; wax waliba waxa ay ku socdaan qadderka Rabbi, si xilliyaysan oo xaddidan oo aynaan innagu waxba ka garanaynna way u socdaan.
Haddii ay wiilashii agoonta ahaa la soo bixi lahaayeen kaydkii aabbohood uu uga dhintay ka hor inta aanay qaan gaadhin, hantidaasi way ka dayacmi lahayd oo kuma aanay intifaaceen!
Wax kasta oo inaga soo habsaama waxa uu leeyahay samo aynaan innagu dhaadaynin!”
Nabaadiino saaxiib.