07/03/2023
Ogaysiis! ๐ฃ
Dhowaan Muqdisho waxa ay martigalinaysaa bandhigga buugga Dagaalkii Raanjariska (The Battle of Mogadishu). Buuggan wuxuu soo bandhigayaa muddadii uu Maraykanka goobayay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, dareenkii uu dagaalka ka qabay, sidii uu u qorsheeyay xeeladaha dagaalka, caqabadihii ka hor imanayay, maalin kasta, iyo sidii uu u wajahayay. Sidoo kale, buuggan wuxuu xanbaarsan yahay, una iftiiminayaa dhacdooyin kale oo badan, oo uu qoraha buuggan goobjoog u ahaa.
Qoraaga buuggu waa Dr. Maxamuud Cabdi Cilmi oo ahaa xoghayntii gaarka ahayd ee Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid intii uu Maraykanku baadigoobkiisa ku jiray.
Maalinta Khamiista, 09 March, 2023 ayaa lagu soo bandhigi doonaa Jazeera Hotel, 3:30pm galabnimo.
Kasooqeybgal wanaagsan.