Caawiye Online Bookshop

Caawiye Online Bookshop Get Notified About New Social Work Jobs In Somalia

Buugga “The Book You Wish Your Parents Had Read:” laguna soomaliyeeyay “ Muu Akhriyo Waalidkay “waxa uu ku saabsan yahay...
22/01/2024

Buugga “The Book You Wish Your Parents Had Read:” laguna soomaliyeeyay “ Muu Akhriyo Waalidkay “waxa uu ku saabsan yahay sida aynu xiriir hagaagsan oo macno leh aan ula yeelan lahayn carruurteena. waxa carqaladeeya xiriirka wanaagsan iyo waxa kor u qaadi kara intaba.!

Sida cilmi ahaan la isla qirsanyahay, waaya aragnimaduna tageerayso xiriirka ugu saamaynta badan waa kan dhexmara waalidka iyo ubad-kiisa; ha yeeshe qoysas badan, cilaaqaadka qaabkay u wajihi lahayeen waa uu ka khaldama ama khaldami kara; waxaana laga yaabaa inay gaarto ilaa heer ay adagtahay in dib loo hagaajiyo.

Buuggan oo ay qortay Philippa Perry ah oo ah dhakhtarad dhinaca cilmi nafsiga & dhimirka wuxuu ku baraya sida xiriir qoto dheer oo kalgacayl loola samaysto ilmaha iyo sida isku-xidhanaanshahaasi u siinayo fursad wanaagsan oo caafimaadka maskaxeed e, ubadka kobciya.

Buuggu wuxuu kaa caawinaya sida loo fahmo hanaan-kii korriinkaagu & siduu saamayn ugu yeelan karo nooca waalidnimadaadu noqonayso & saad u aqbali lahayd khaladaadka kaa dhici kara intaad ubadka barbaarinayso. Si kale haddaan u dhigo sidaad isku toosin lahayd.

Ku dhawaad ​​waalid kastaa wuu jecel yahay in ubadkiisa hagaagan, badankeen waxaa laga yaaba inaan waalid nahay intaan ahayna ay sugayso maalin un inay noqdaan, sida darteed waxaa innagu waajiba inaan masuuliyadda si xilkasnimo leh uga soo baxno,xilkasnimaduna waxay ka bilaabanaysa inaynu cilmi ahaan u fahamno nafsiyadda ubadka.

Books on personality development.100% waa bilaash.Nagala soo xiriir   0619079973
22/05/2023

Books on personality development.

100% waa bilaash.
Nagala soo xiriir 0619079973

Address

Banaadir
Mogadishu

Telephone

+252619079973

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caawiye Online Bookshop posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share