14/09/2022
haddii aad u malayso inaad leedahay saaxiibbo timahaaga ka badan, akhri qoraalkan ay 𝗠𝗮𝗿𝘄𝗼ay, si aad u ogaato inaad abuu bidaar tahay
🍁Saaxiibka beenta ah: waligiis kuma dhahaayo cunto igu casuum 🙂
🌷Saaxiibka runta ahna: waxaa cuni rabtay ayuu kaa qaadanaa wax aa cunto xataa kuuma reebayo 😂
🍁Saaxiibka beenta ah: wuxuu kaa qaato wuu kuusoo celinaa 🙂
🌷Saaxiibka runta ahna: wuxuu kaa qaato si kasto haddaa yeeshid kuuma soo celinaayo 😂
🍁Saaxiibka beenta ah: haddaa kufdo ood dhulka ku dhacdo wuu kuu naxaa wuu ku istaajinaa 🙂
🌷Saaxiibka runta ahna: markaa dhacdo suu kuugu qosolo waa la yaabaa adaaba iska qosleysid markaa aragto suu u qoslaayo 😂😂
🍁Saaxiibka beenta ah: wax yar ayuu kula joogaa wuu kaa tagaa 🙂
🌷Saaxiibka runta ahna: suu kuula joogo iga tag ayaa ka waynee adaaba ka daalaayo joogistiisa iyo warkiisa 😂
🍁Saaxiibka beenta ah: wax yar ayuu kaa yaqaan oo uu kaa sheegi karaa 🙂
🌷Saaxiibka runta ahna: buug wuu kaa alifi karaa suu kuu yaqaano lee 😂
🍁Saaxiibka beenta ah: albaabkuu kuusoo garaacaa wuxuuna ku dhahaa masoo gali karaa markuu gurigiina soo gali rabo 🙂
🌷Saaxiibka runta ahna: saa iskaga joogto ayaa arkee asagoo ku kor taagan oo ku leh waa baahanahay jikadaa cunto ka doonanaa 😂
🍁Saaxiibka beenta ah: hadalkan wuu aqrinaa wuuna iska tagaa 🙂
🌷Saaxiibka runta ahna: hadalkana markuu aqriyo tag ayuu kugu dhahaa 😂