Kismaayo Books

Kismaayo Books Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kismaayo Books, Book shop, Kismaayo, Kismayo.

Buuggaan waxaa qoray Axmad Amiin oo reer masar ah. Waa qoraa qarnigii h**e joogay kana mid ah haldoorka maktabadda carbe...
04/04/2023

Buuggaan waxaa qoray Axmad Amiin oo reer masar ah. Waa qoraa qarnigii h**e joogay kana mid ah haldoorka maktabadda carbeed kusoo kor dhiyay buugaag wax ku ool ah. Buugaan waxaa soo afnoqoy Qoraa
Cabdijaliil muhindis. Buugga waxa uu ka sheekeyn anshaxa wanaagsan iyo habdhaqanka tolmoon.

Ka dalbo: Kismaayo Books

Dhammaan buuggaagtaan waxaad ka heleysaa Kismaayo Books.Kala xiriir:Whatsappka:0614209820.
29/01/2023

Dhammaan buuggaagtaan waxaad ka heleysaa Kismaayo Books.

Kala xiriir:
Whatsappka:
0614209820.

Buugga "Hantida Qaramada" iyo fikradda uu xambaarsan yahay ba waa tuujintii garaad ee ugu muhiimsanayd ee Adam Smith. Sm...
29/01/2023

Buugga "Hantida Qaramada" iyo fikradda uu xambaarsan yahay ba waa tuujintii garaad ee ugu muhiimsanayd ee Adam Smith. Smith waa dhaqaalayahan iyo mufakar arrimaha anshaxa, fikirka, dhaqanka, dhaqaalaha, sharciga, dawladnimada, maamulka, suugaanta iyo siyaasadda, oo ka soo jeeda waddanka Scotland. Buuggani wuxu ka mid yahay qoraalladii ugu horreeyay ee laga qoro "sababaha horumariya hantida qaramada" maantana waa buugga aasaaska u ah dhaqaalaha dunidan casriga ah. Inkasta oo soo bixitaankiisii koowaad ay adkaatay in la fahmo, misna laga soo bilaabo xilligii Kacaankii Warshadaha, wuxu buuggu si la taaban karo qaanuun iyo habraac ugu noqday kalaxadaynta shaqaalaha, tayada waxsoosaarka iyo suuqa xorta ah. Buuggan waxa markii kowaad la daabacay 9 March, 1776kii xilliyadii lagu jiray Cahdigii Iftiinka reer Scotland iyo Cahdigii Kacdoonka Beeraha ee reer Scotland.


Ka Dalbo Kismaayo Books

WhatsApp Number :0614209820

Dhiganaha: Labo Isma Saarin: Xusuus Reeb ( Isdultaag Kooban )"Wiilyahow madluun baan ahaa, maalin iyo leyle Ma inaan col...
11/01/2023

Dhiganaha: Labo Isma Saarin: Xusuus Reeb ( Isdultaag Kooban )

"Wiilyahow madluun baan ahaa, maalin iyo leyle

Ma inaan colaad maamulaa dani i moodsiisay

Dadku mowdka waa iska ogyahoo, maalik baw qoraye

Meydkiyo raqdoodii, miyaa lagu dul maansooday

Sidii wax aan Muslin ahayn, miyaa muxibbo loo laayay.

Madfaca iyo rasaastii miyaa meel walbaba gaaray " ~ Abwaan Khaliif Sheekh Maxamuud.

Buugga " Labo Isma Saarin: Xusuus Reeb " ayaan soo gababeeyay maanta. Sanadkan curtay ayaan ku ibba furay. Dhiganahan waxaan dhihi karnaa waa buugga keliya ee sida waafiga uga hadlay, u falanqeeyay, u lafaguray una taxliiliyay halgankii hubeysnaa ee jabhaddii xormimo-doonka ee SSDF.

Ugu horrayn magaca buugga waxaa la dhahaa " Labo Isma Saarin " oo laga keenay murtida Soomaaliyeed ee dhahaysa " Wax kasta isa saaray balse labo togoogo isma saarin " oo loo jeedo filashada ifafaalo wanaagsan balse kusoo dhammaaday fashil iyo niyad jab, taasoo noqotay " Lamood noqonso weyday ", oo ula jeeday filashadii aan ka qabay jabhadda meysan noqon sidii aan ku naawilayay.

Buuggu waxa uu ka koobanyahay toddobo qeybood oo iskugu soo aruuraya labo tagoog oo kala ah: tagoogga koobaad: Niyad jabkii iyo qarracankii uu kala kulmay kulliyaddii Ciidamada ee Jaalle Siyaad oo ahayd meesha uu ka billowday fashilka iyo burburkii ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed. Tagoogga labaad: waa qeybta ugu badan ee buuggan waxa uuna ku falanqeynayaa sooyaalkii halgankii hubeysnaa ee jabhadda SSDF oo ah xaashiyaha ugu badan buugga.

Ka dalbo Kismaayo Books
WhatsApp: +252614209820

Magaca buugga : Qab iyo Quursi Magaca Qoraaga : Cabdi Faarax JuxaDaabacaaddii: 2aadHalgame Koombe miyi buu ku dhashay oo...
13/12/2022

Magaca buugga : Qab iyo Quursi
Magaca Qoraaga : Cabdi Faarax Juxa
Daabacaaddii: 2aad

Halgame Koombe miyi buu ku dhashay oo uu ab iyo isirba ku lahaa. Nolol awoowayaal laga soo gaaray oo dhibkeeda iyo dheefteedaba leh, dhibkuse dheefta mar kasta shiiqiyo, ayuu ku kacaamay. Waa adduun noloshiisu dhanujeed aan is beddelin tahay, qallafsantahay, xeer “ninkii rooni reerka ha u haro” la yiraahdaadaana uu gacanta sare leeyahay. Dabadeed, noloshii miyiga mid ka duwan oo “magaalow” la yiraahdo ayaa curatay. Dhaldhalaal iyo macmacaan soo jiidahso leh ayay la curatay. Degdeg ayay u karaar qaadday oo dad badan miyiga ug soo jiidatay. Halgame Koombe, isaga oo aad u da’ yar ayuu go’aansaday in uu noloshaa adduunyada kale ka war doono oo aanay waxba ku seegin.
Waxaa garab socday wax kale oo iyaduna cusbayd oo “Dawladnimo” la yiraahdo. Halkaa ayay miyi, magaalow, iyo maamul dawladeed foodda isku dareen, illeen is ma dhawran karaan e. Ninkii roon baa reerka u haraya ayay isugu dardaarwariyeen.
Waxay legdamaanba, tabihii miyi bay guushu u liicday. Dhaldhalaakii magaalo la isugu soo gal! Tii dawladnimo ahayd iyada nafba lagu ma soo gaarin. Judhii la is galayba naf yar oo aan sidaaba ugu sii jirin ayaa ka dhillatay, dabadeedna haraggeeddii baa la isku qabsaday. “Ninkii rooni haragga ha u haro!”, “Nin xoog lahaa xaajo u toostaa”, qayladhaamo iyo isu habarwacasho reer miyi-magaalo-galtimacruuf oo maqaarka dawladnimadii laqmatay lagu kala jiidanayo ayaa cirkaa isku shareeray.

Taa oo taagan ayuu Koombe ku dhashay. Waa dhallaan isaga oo aan dhalan la dhacay oo aayihiisii dambe waa h**e ceeriinka lagu kala goostay. Sidaa oo ay tahay, qab aanu qorshe ka dambayn ayuu dunida la yimi judhii u dhshayba. Waxaa la oran karaa, uurka hooyo ayuu uga soo qalabqaatay sidii uu loollanka haragga meel muuqata uga geli lahaa. Waxa uu indhaha ku kala qaaday haraggii oo la isku haysto iyo “xeerka kaynta” oo si aan ka soo laabsho lahayn loo ansixiyay. Illeen dhallaan kayntaa ku dhashay fadhi u ma yaal e, waa in uu daqiiqadaha horaba sida ugaadha cagahiisa ku istaagaa oo uu wax iska dhicin ama baxsasho mid uun muujiyaa, si aanu xeerka kayntu u qaban.

Halgame Koombe, waxaa uu marinta sheekada Qab iyo Quursi: Halgankii Koombe kaga warramayaa wixii ka soo maray kayntii kadeednayd, loollankii haragga halka uu ka galay iyo halka uu ku dambeeyay. Waa taariikhayn nololeed dhab ku dhisan se dheel u qoran. Sidee wax u dhaceen, maxayse ku dambeysay? Adiguba, akhristow, ka war keen.

Buuggan waxaa loo tarjumay afafka Ingiriisiga iyo Faransiiska oo dhawaan soo bixi doona.

Waxaad ka helaysaa Kismaayo Books.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:

+252615787659/ +252625787659 / +252619728159 / +252619728159

WhatsApp: +252614209820

Dayn Maayo Heesaha: Heesta iyo Muusiggu Ma Xaaraanbaa?" Marka ugu horraysa ee uu qofku indaha ku dhufto buuggan, haddii ...
27/11/2022

Dayn Maayo Heesaha: Heesta iyo Muusiggu Ma Xaaraanbaa?" Marka ugu horraysa ee uu qofku indaha ku dhufto buuggan, haddii uu yahay qof go'aan meel u sii yaallay oo xukun jeebka ugu jiro, buuggan xukunkii buu ku ridayaa oo go'aankii buu ka gaadhayaa. Haddii kale se, waa uu kala furayaa oo u fadhiisanayaa oo fujaan shaah ah u dalbanayaa oo fahmayaa farriinta uu sido oo faaqidayaa oo faalkaynayaa oo, gebagebada, go'aan ka gaadhayaa.

Buuggani waxa uu noqon doonaa, ogaalkay, buuggii ugu horreeyey ee af Soomaai ku qoran ee masa'ladaa heesta iyo muusigga ka warrama xukunkeeda sharci, nusuusta ku soo aroortay furfuriddeeda iyo fahan-u-bixinteeda, 'Fanka Boqran iyo Fanka Bahdilan' farqiga u dhex, sooyaalkeeda iyo sayins ahaan dhegaysigeedu iyo garaacista muusiggu dhibka ama dheefta ay leeyihiin, dhaqanka fannaaka iyo fahanka uu ka haysto fanka, Quraanka iyo Heestu qalbiga qofka Muslinka ah ma ku wada kulmi karaan, wad uun...

Sawirka buugga looga dhigay jeldigu waa farshaxan uu leeyahy farshaxamiiste Faransiis ah oo 1935 dhintay, kaas oo la odhan jiray Ludwig Deutsch. Halka cinwaanka buugga loogu magacdarayna yahay meeris laga soo qaatay maanso uu Hadraawi—Alle ha u naxariisto oo ha janneeyo e—oo isla magacaa sidata, taas oo aynnu ka soo qaadan karno tuduca ah:

"Aniguna hed mooyee
Inta hibada Eebbiyo
Hawraarta maansadu
I hareero yaalliin
Hal'abuurku ila jiro
Hiyigeygu nool yahay
Hammigaygu shidan yahay
Hanku igu lammaan yahay,

Waxa aan higsanayaa
Dhul fog iiga hirayaan
Haasaawe furan yahay
Qodob laga hadlaa jiro
DEYN MAAYO HEESAHA!"

—Hadraawi: Deyn Maayo Heesaha.

KA DALBO Kismaayo Books
WhatsApp: 0614209820.
Wicitaan: 0615787659

Maanta waa maalin soocnaan ku leh jiraalkeenna garasho. Maalinta macallinka Soomaaliyeed waa maalin raadeyn ku leh sodca...
21/11/2022

Maanta waa maalin soocnaan ku leh jiraalkeenna garasho. Maalinta macallinka Soomaaliyeed waa maalin raadeyn ku leh sodcaalkeenna waxbarasho. Waxaan leeyahay hambalyo, dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo dunida dacalladeeda ka joogaan. Xaqiiqaqatan la'aantiin waxaan ahaan lahayn dhoohanayaal indho la' oo hirarka garasho la'aanta ku haftay.

" Maamuus hadii ruux la siin magacna loo yeeli
Mansab iyo hadday darajo sare cidi mulkiyahayso
Qofka mudan milge loo taxoo lagu mafsuudsiiyo
Inuu yahay midkii macalinaan muran ka taagnayne " ~ Siciid Gaheyr

W/Q: Cabdimajiid AW Warfaa

Caweysin wanaagsan jaalleyaal.  Bahda Kismaayo Books. waxey Hambalyo u diraysaa guulaystaha barnaamijkii "Hadiyadda Jimc...
05/11/2022

Caweysin wanaagsan jaalleyaal.

Bahda Kismaayo Books. waxey Hambalyo u diraysaa guulaystaha barnaamijkii "Hadiyadda Jimcaha" ee maktabaddu ugu talagashay bahda akhriska jecel, waxaana ku guuleysatay Drs Shahnaaz oo heshay reaction-ka ugu badan, waxay ku guuleysatay oo ay heshay dhiganaha "Mowliidka meelmarinta sharciyadiisa iyo maareynta murankiisa ".

Maktabaddu marwalba waxay dhiirragalineysaa akhriska, aqoon kororsiga iyo kobcinta garaadka.

Fadlan kusoo biir saaxiibada Kismaayo Books

Kala soo xiriir 0616645262/ 0615787659

Assalaamu caleykum dhammaan saaxiibada ku xiran bogga Kismaayo Books, jimco wanaagsan.Maanta oo ah maalin jimco ah waxaa...
04/11/2022

Assalaamu caleykum dhammaan saaxiibada ku xiran bogga Kismaayo Books, jimco wanaagsan.
Maanta oo ah maalin jimco ah waxaan ogeysiinayaa bulshada Soomaliyeed in aan qabanayno barjaamijkii "Hadiyadda jimcaha" kaas oo ah mid loogu talo-galay in loogu guddoonsiiyo saaxiibadda ku xiran boggan, qaar ka mid ah buugaagta ay keento maktabaddu. Si loogu dhiiragaliyo bulshada loona soo saaro ummad wax akhris.

Maanta waxaan bixineynaa dhigahane: "MOWLIIDKA MEEL MARINTA SHARCIYADDIISA IYO MAAREYNTIISA"kaasi oo ah mid gorfeyn fiican oo maan-gal ah ku sameyni mas'lo fiqi ah.

Haddaba qof kasta oo doonaya inuu ku guulaysto "Hadiyadda jimcaha" waxaa laga doonayaa inuu:

1. Fallow gareeyo page-ka
2. Like gareeyo bostiga
3. Share gareeyo bostiga

Hddaba qofka ugu fal-celin bata (reaction bata) muddo 24 saac ah ayaa ku guulaysanaya buuggan.

Hawaale warran waxa uu xasuus qor iyo waayo-aragnimo wadaag u yahay Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa Ee Maxamed Ib...
18/10/2022

Hawaale warran waxa uu xasuus qor iyo waayo-aragnimo wadaag u yahay Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa Ee Maxamed Ibraahin warsame (Hadraawi).

Ugu horrayn bal aan micnaynno magaca buugga (HAWAALE WARRAN) Waa magac ka turjumaya: waayo-aragnimo wadaag ama waayo-aragnimo warran (Experience sharing) Buuggani waxa uu ku billaabanayaa arar kooban oo ku saabsan sababaha abwaanka ku dhalisay in uu buuggan qoro, iyo gogol-dhig uu kaga warramayo noloashiisa, dhalliyaranimadiisii, bilawgii hal-abuurkiisa, iyo horraantii qarnigii tagay iyo noloshii xabsiga ee qansaxdheere.

Intaas ka dib waxa uu qoraagu si xeel dheer uga warramayaa noloshii uu soo gaadhay xilligii ay Soomaldu xoolo dhaqata ahayd.
Sidookle waxa uu ku talaxtagayaa xoolaha ay soomalidii h**e dha qan jirtay iyo sida ay u faaqideen.

Waxa kale oo uu qoraagu si qurux badan uga hadlayaa hab-dhaqameedka guurka ee soomaalidii h**e.
Waxa kale oo uu qoraagu is-dultaagayaa soo rogaalcelinta guumaysiga cusub iyo xaaladda bulsheed ee soomaalida maanta: habeenka, ubadka, tahriibka, qaadka, I.q.k.

Sidookle waxuu qoraagu ku xeel dheeraanayaa xaqiiqooyin diimeed: moogganaata aadanaha, halisaha ibliiska, doorka culimada, tawbada, aakhiro, qiyaamaha, iyo guud ahaanba addoonimada.

Ugu danbeyntii waxa uu ka hadlayaa sooyaalka dawladnimada Soomaalida guumaysigii, gobanimadii, dawladdii rayidka, inqilaabkii askarta, Soomalilaan iyo maanta, Soomalilaan iyo aqoonsiga, haddii dib loo midoobayo habraaca ay saxda tahay in lamaro haddii la kala tagayana habka ugu habboon in loo maro.

Ka dalbo Kismaayo Books.

Buuga Jeel Ogaadeen.Waayuhu dhib badanaa, waqtiguna tusaale iyo tagto iyo durufo badanaa! Waxaan maqli jiray if iyo aakh...
18/10/2022

Buuga Jeel Ogaadeen.

Waayuhu dhib badanaa, waqtiguna tusaale iyo tagto iyo durufo badanaa! Waxaan maqli jiray if iyo aakhiro laakiin tani waa aakhiro iyo adduun! Noloshu waa dhacdooyin iyo ummuuro is daba yaal oo tilmaamahooda wata.

Buugan intii aan akhrinayay marna ishu ma qaban sadar i farxad geliya ee dhacdaba mid ka sii murugo badan ayay ii sii gudbineysa. Ha yeeshee, waxaan ku qancay magaca buuga, Xabaasha Dadka Nool: Jeel Ogaadeen, oo waxaan ogaa inaan la joogay dad meyd, meyd-u-yaal iyo meyd nool ah! Dareenkaas laftiisu ciqaaban ayaan lahaa intii aan ku guda jiray akhriska buuggan.
Saxiibbo, ehel, iyo asxaab badan oo jeel-ciqaabeedkan lagu soo xabaal ololiyay ayaan la kulmay laakiin sheeko mooyee weli ma arag qof ku dhiirrada in uu dharaarihii qadhaadhaa ee adduun iyo aakhiro qoraal ahaan inoo ku soo tebiya mahadhooyinkii is xanbaarsana ee Jeel Ogaadeen. Sidaas daraaddeed, waxaan ku hanbalyeeynayaa qoraaga buuggan xasuus arag-maqal reeb ah oo uu sawir dareen huwan inoo ku soo gudbiyey.

Dr. Ibraahin Aadan Maxamed Doolaal.

Buuggan waxa uu diyaar kugu yahay Kismaayo Books

Address

Kismaayo
Kismayo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kismaayo Books posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category