Aqoon Kalkaal

Aqoon Kalkaal AQoontu waa furaha nolosha

20/11/2020

Dhamaan asxaabta ku soo biirtay pageka soo dhawaada gacalayaal , sida aad noo jeceshihiin ayaan idin jeclnahay

Intuu maanku gaajaysan yahay guuli waa wali
08/04/2020

Intuu maanku gaajaysan yahay guuli waa wali

28/09/2019

Akhrisku Waa furaha nolosha

09/02/2019
09/02/2019

Ha murugoonina Ed alle talo saarta

07/12/2017

Farxiya Abdi Xukun waxay soo qortay Axadii kalamad naftaada wax ka bedli doonta waxay tiri

"Waxaa nasiib badan qofka Qabrigiisa nuuriya kahor inta uusan u guurin
Qabriga waxaa lagu ifiyaa iimaan iyo camal wanaagsan,
Ku dadaal labadaas camal Qarsoon oo joogta ahna yeelo Ilaaheyna kaalmo waydiisoΨŒΨŒΨŒπŸ‘ˆ"

Farxiya wey dhimatay ee ilahay ha u naxariisto lakiinse waxay ka tagtay kalmad waano ah ilahay qabriga ha u waasicyo walaayaal aanu u ducayno
Xigasho Cadceed Buneyste

25/07/2017

Dhacdo xanuun badan oo ku dhacday mid ka mid ah Maxaabista laga soo sii daayay Ethiopia
😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭
Walaahi ma aqaan ani waxa aan sameeyo iyo meesha aan ka raadin doono dadkeeeygi..

Magaceeyga waa Abdirahmaan Dhoodaan Cabdi Maysar waxaan ku dhashay mogadishu waxaan ka baxay dugsiga sare ee Banaadir 80 maad kii, Anigoo baranayo kuliyada cilmiga dhaqaalaha ee Jaamacadii Gaheyr iigana harsantahay wax ka ka yar sanad ayeey dowladii burburtay markaas waxaan jiray 23 sano, Aabaheey waxuu ka shaqeen jiray guryo uu bankigii dhexe lahaa oo loo yaqiin bangaariyada oo kuyaalay Deg, Hodan, Cideena waxeey ku noolaayeen Deg, Xamarweyne. Bilaawgii 1991 maalin ka mid ah anoo joogo Jaamacada ayaan hal mar maqlay hugunka madaafiicda iyo daryaanka rasaasta ee qoryaha fudud waxaan dareemay in Xamar lasoo galay xabaduna kusoco Madaxtooyada suurto galne aheen inaan aado Xaafadeeyda maadama aan la mari karin Jidka Makka Al mukarama oo ah marinka Xaafadeeyda, waxaan goansaday inaan la qaxo dad cararyay ilaa aan gaarno Ethiopia.

6 bilood oon kusii hakaneenay hadba meel dhaxbartamahii 1991 kii ayaan waxaan gaarnay Iimeey oon uga sii gudubnay Raaso ilaa aan gaarno Dirir Dhawa, xiligaas wadanka Ethiopia aad buu ukacsanaa waxaana xukunka laga tuuray kaligii taliyii Mingiste waxaana ka socday raaf dadka loogu tuurayo Xabsiyada, 7 habeen markii aan seexday Dirir dhawa habeenkii ku xigay xili maqrib ah ayaa la idafay waxaana ikaxeestay ciidan wata gaari Jiib ah waxaa la igeeyay Degma 200km aan umaleenayo ineey ujirto Dirir Dhawa oo layiraah Hawaash (Awash) waa godkii iga lumiyay mustaqbalkeeyga waa kii inacsiiyay aduunyada waa midkii 27 sano aan ku jiray waakii aan galay anoo 23 jir ah kana soo baxay anoo 50 jir ah.
πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯
Xabsigaas waxaa ku xirnaa maxaabiis aan ku qiyaasay 4,600, dadka ugu badan ee xabsiga kujiray waxeey ahaayeen Amhaaro iyo Oromo oo dowlada ku kacsanaa, Somalida waxaan aheen 300 qiyaastii marka ayakane laga reebo 280 loosoo qabtay ineey taageeraan ONLF inteena kale waxaan aheen reer somalia.

Runtii ma qiyaasi karo nooca uu u yaalay xabsigaas waxuu ahaa god hoostiisa oo aay adagtahay sida aad ku aragto qoraxda ama iftiin, Naxariista kaliya ee xabsigaas ka heli karto waa inaad cuntaa hal waqti oo Cambuulo galeey ahπŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯

Waxaa iigu murug badneed markii xabsiga la iga soo sii daayay anoo xiran 27 sano maxaa yeelay ma aanan aqoon meel aan uraadiyo aabaheey iyo hooyadeey iyo 6 walaala ahaa oo ila dhashay Alla muruga badnaaaπŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯ walaahi waxaa la iiqaatay inaan iska dhinto.

Markaan xamar kasoo dagay hada oon kula hadlayo waan ooyay waana farxay, waxaan ku ooyay farxad aan uqabo dhulkeeyga iyo aragtida raisal wasaaraha isoo daayay oo ah nin dhalinyaro ah oo naxariis iyo damqasho leh, waxaana ku farxay jaceelka dadkeena isjecelyihiin iyo sida macaan ee noola soo dhaweeyay.

πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯ walaahi ma aqaan ani waxa aan sameeyo iyo meesha aan ka raadin doono dadkeeeygi.
πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯ Alla ciil badanaa maanta aqoonteeydi iyo dadkeeygi midna ma hayo oo waxaan ahay jaahil gablan ah kaliya wadada ii furan waxaa weeye inaan samro oon badiyo taqwada Alle.

Walaal macaane maanta kaama rabo lacag iyo hanti, ma doonayo magac iyo mansab iyo shaqaba kaliya waxaan rabaa cideeni inaan is helnoπŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯πŸ˜₯ fadlan intaas iga caawi.

Walaal masaakiinkaan dhiban fadlan ka caawi ineey ishelaan cidiisa oo markale dib umidobaaban waa hadaad taqaan ree Dhoodaan Cabdi Maysar ama dheh ayaka heli doinee.

12/01/2017

Abaarta wadanka ka taagani waa abaar aad u adag alle abaarta ha inaga jabiyo aamiin

30/12/2016

Jimce wanaagsan dhamaan muslimiinta meel kasta oo ay ku noolyihiin

Address

Hargeisa
58-00610

Telephone

634839637

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aqoon Kalkaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category