22/04/2026
Qof walba wax uu maraa marxalad uu la noolaado su`aalo xasaasi ah-middaaso ka dhalata doonista nafsadeed; waa goorta uu qofku rabo inuu kasbado nolol wanaagsan oo u qalanta. Waa xilliga uu qofku iswaydiiyo: Maxaan u noolahay? Yaan noqon doonaa mustaqabalka? Sideen ku gaadhi karaa nolol wanaagsan oo ay ka muuqato xasillooni, jacayl, iyo guulo la mahadsho. Haddaba, "Kasbasho" waa buug si xeeldheer uga hadlaya caalamka gudaha ee qofka. Waa dariiq aad ku ogaan doonto marxaladaha nolosha iyo habka ay shakhsiyadda dadku u kobacdo laga soo bilaabo dhalaannimada illaa laga soo gaadho waayeelnnimadda. Sidoo kale, waxa aan ku falanqaynayaa caqabadaha nafsaaniga ah, cilladaha shakhsiyeed, iyo habkii inoo sahli lahaa in aynu gaadhno xasillooni nafeed. "Kasbasho" wuxuu ka kooban yahay afar cutub. Cutub kastana waa irrid (Albaab) cusub oo aad ugu gudbayso naftaada. Mararka qaarkood waxa uu ku ogaysinayaa halka ay kalsoonidu ka dhalato iyo halka ay kalsooni darradu ka abuuranto. Marar kalena waxaad ka dhax arki doontaa sida uu jacaylka, go`aan qadashada, iyo waayaragnimadu u qaabeeyaan qofka aad noqon doonto. Waxa kale ood la kulmi doontaa baraarujin ah in qof kasta leeyahay awood uu ku jiheyn karo bulshadiisa. Ujeeddadaydu waa in aan tilmaamo caado kuu sahasha in aad naftaada barato, fahamto, hagaajiso, uguna hagto nolol wanaagsan oo aad xasillooni ku dareento. Haddii aad tahay waalid, macallin, da'yar ama qof naftiisa la raba in uu gaadhsiiyo qiyam dhab ah-haddaba, buuggani wuxu noqon karaa khariidad (Jiheeye) kugu haga waddadii aad hab wanaagsan ugu qaabayn lahayd shakhsiyad ahaan, garaad ahaan, iyo xasilooni ahaanba naftaada.
63 4125122