C/raxmaan soowadadaa

C/raxmaan soowadadaa baahinta dhaqanka iyo gabayada somalida fadlan like saar abwaan Cabdiraxmaan Maxamuud Iimaan (soowadadaa)

08/08/2023

Qarka wuxuu la Meer meerayaa waa nin soo qaxay 🤣

28/07/2023

Doqon baa ka taga xoolihii meel dayacan yaale
Fadwo diiran weeyo dhowaan diirka laga qaadye
Duunyada la soo dhacoo xajkaa lagu dawaafaaye
Dareersada wixii daganba waa xoolo daahira e. 😁

Ciid Mubarak dhamaan umada Muslimimiinta ah.
28/06/2023

Ciid Mubarak dhamaan umada Muslimimiinta ah.

28/08/2022

Alle ha u naxariisto Abwaan

Hambalyo hambalyo hambalyo dhamaan ardayda dugsiga sare ee cadaadley alle ha idinku anfaco cilmigaad barateen allena ha ...
05/09/2020

Hambalyo hambalyo hambalyo dhamaan ardayda dugsiga sare ee cadaadley alle ha idinku anfaco cilmigaad barateen allena ha idiin fududeeyo waxbarashada aa sii wadaysaan 😍✋

29/06/2020

Abwaan CABDI QAYS maxaad ka xasuusataa?
ANIGU Waaan wada jeclahay maansooyinkiisa mid gabay iyo mid geeraar iyo mid heeseedbee balse hada waxsan xasuustaa heestii qaaliga ahaydee ina maxamed siyaad bare bidhaanteedii ku sameeyay wsxanay odhanaysaa

Shimbir yahay lalaysaa
Adna laydha guudkaad
Leexaysanaysaa
Ragna laba diblaa geed
Xadhig loogu loodshoo
Luguhuu ka xidhan yahay
Sida aad u looshiyo
Liirtaanyadaan qabo
Laba kala fog weeyee
Lurka wali ma kulanteen
Mise laaca ubaxiyo
Maad dhaafin laamaha

Inan yahay la moodaa
Labigiyo madheedhkee
Reerkoodu ladanyahay
Nimaan laac adduunyiyo
Aan lahayn Lo’ iyo geel
Hadduu laabta kaa rabo
Illayn lahashadiisiyo
Halka aad ka lulataa
Laba kala fog weeyee
Maad garan si loo ladho
Mise laba jir baad tahay
La garaada raaxada

Wakhtiyahow legdamayaa
Habeenkaaga laaciyo
Mallintaada luulka ah
Nimay kala lunsheenoo
Kala leexiyeenoo
Leel leel qabaanee
Sida aan u liitiyo
Laftay iga wareemeen
Laba kala fog weeyee
Laxaadkaaga culus iyo
Luggooyada ma daysaa
Mise ruuxa Laag gala
Sii liici Mooyee
Soo loodi maad odhan

27/05/2020

Cajiib😍
Ashqaraarka iyo Yaabka Sheekadani, waxay ii diiday inaan fadhi ku Akhriyo, waxayna igu dirqiday Sarajoog inaan ku dhammaysto.
Waxa qortay Niciima Cilmi Yuusuf..

Waan yaraa isna dabcan wuu yaraa. Goob waxbarasho ayaanu isugu nimi iyo waliba hal galaas. In uu fasalka u gu sareeyo ayuu jeclaa ana sidoo kale. Halkaas ayuu ka bilowdey naceybkayaga jaceylka ku dhamaadey. Waan nacay sida runtii ah. Muu jecleyn in uu cid kale fursadda siiyo si ay u ga jawaabaan su'aalaha macalinka. Huruuf baan ku bilaabey, koley se isagu imuu huruufi jirin. Maalin ayaan isku maqiiqey jawaab su'aal uu macalinku si guud u dhex dhigey galaaska. Waxaan cuqdad ka qaadey sida uu maalin walba iiga hororsado jawaabaha biyaha iiga fudud ee uu ugu derajo qaato. Maalintaa se dirida ayaa aan qaniiney.

Ka gaadhsii intii aan is lahaa ayaan dar jiidhey. Qosol yar oo quudhsi ah iyo eegmo aan digasho u fahmey ayuu isu key raaciyey. Waa markaa marka uu dabku sii qabsadey colaadayadii danbasku huwaneyd. Kor iyo kal inta aan u eegey baan sinqad dhameystey, wax iga ga filan ma aheyn se waxa igu dhacey. Waan xanaaqey ilaa heerka aan gaadhi karayey, waxba se iima uu ogeyn. Waxa uu igu dileyba imuu soo eegi jirin in aan huruufayo. Had iyo jeer waxa uu raaci jirey macalimiinta, taasina waxa ay caqabad ku noqotey huruufka oo ahaa hubka kaliya ee aan kula dagaalamo ninkan i daba galey.

In uu i dabagaley oo aan khadyaan ka taaganahay ayaan ku qancey. In aan iska reebo ayaan go'aansadey. Gacan in aan u qaado ayaa ay iga mareysaa. In aan fursad kale siiyo ayaan isku ladqabeeyey. Mudo dheer oo huruuf aan la iga dhurin ku taxan ka dib fursadii ayuu baaldareeyey. Aniga oo fasalka muraad u ga baxaya ayaa aaga uu fadhiyo 'qixii' la ga yidhi. In uu isaga yahay su'aalba ma galin. Su'aashu waxa ay aheyd talaabadii aan qaadi lahaa.

Waxa aan ku istaagey kaabad u dhow dugsiga oo aheyd halka ay taatikadu ka bilaabmeysey. Magaciisa ayaan u gu yeedhey oo uu horteyda yimi. Sidii uu qorshuhu ahaa ayaa aan dhirbaaxo miisaankeeda leh indhaha ka qabadsiiyey. Jawaabta uu bixiyey ayaa wax walba bedeshey. Dhoolacadeyn dhawaqa magaceyga oo naxariis lihi ku ladhan yahay. WTF! Talaabada labaad waxa ay aheyd in saaxiibadey xaga danbe bud'dad kala dhacaan.

Hadii aan baajin karo ama baacin karo kuma eegeen. Degenaanta uu muujiyey, sida magaceyga uu u gu dhawaaqey, iyo sida uu gacantiisa uu ii ga dhawrey, wadnaheyga sida ay u gilgileen qaraxyadii mataanaha ayuun baa ku dhawaan kara. Far danbe ma taagin. Hadii aan taagi kari lahaa isaga ayaan ku difaaci lahaa. Waa ruux gob ah. Waxa aan isku xukumey in aan ku degdegey. Sababtaas ayaan habeenkii oo dhan u seexan waayey. Waxa aan qalbigeyga ka dareemayey kaarka nabaradii horteyda loogu geystey. Aniga ayaa sababey aniga ayaana u dhiban.

Kooxdeydi waxa ay isugu hambalyeynayeen in ay mooshinkaa guul ka gaadheen, ana marooro dilaac ayaan la duubnaa. Dadnimada meesha la yidhaahdo oo aanan aqoon halka ay jidhka ka ga taal ayaa i xanuuneysey. Runtii, waxa uu ahaa xanuun aanan ilaa hada dib u dareemin.

Subixii ayaa xafiiska maamulaha ka dabagaley hooyo oo dugsiga looga yeedhey. Isaga oo kaligiiyana meel ayaa looga yeedhey. Waxa la yaab kale igu noqotey in uu hooyo kursi h**e uga soo qaadey. Intii aanu maamuluhu iman ayaa ay hooyo, 'Eeddo, waalidkaa mee?' Ku tidhi. Hooyo iyo aabbo in aanu midna laheyn ayaa uu u sheegey. Daqiiqadaa magaceyga hadii la i weydiiyo 'BAHALAD' ayaan ku sheegi lahaa. Si run ah ayaan meel fog u ga naxey oo deymo naxariis leh kula jeestey. Dhoolacadeyn mar kale dhulka ila ruxdey ayaa uu ka ga jawaabey. Waxa yari awoode kale ayaa uu watey.
'Waxba ma leh, aniga ayaa jooga oo idiin wada waalid ah.' Ayaa hooyo dhankeeda ka soo yeedhey. Danbi kasta oo maamuluhu igu sheegey isaga ayaa iga difaacey. Waa wax la yaable. Caqliga caadiga ah wax aan ku aqbali kari waayey. Ciqaab kasta oo aan yeelan lahaa isaga ayaa baajiyey.

Waxa uu maamulaha ku qanciyey in aaney waxba u jirin sida wax loogu sheegey. Dabcan maamuluhu goobjoog ma aheyn. Hooyo oo aan danbiga in badan h**e u gu soo qirtey ayaa yaabtey. Yeelko. Anigu yaab waan dhaafey. Dareemo ilaa hada magac aan ku sheego aanan garaneyn ayaa miyirkii la tagey.Sidaas ayaa uu xal fududi ku yimi. In aanan dib u gu noqon ayaa la igu waaniyey. Waa kaa xalka la gaadhey. Xal kale oo la gaadho ayaanba jirin, maadaama oo aanu dhibane ba jirin. Wax kasta oo ay hooyo u soo bandhigtey in ay u qabato ayaa uu diidey.

Mar kale ayaan gurigii su'aalo, welwel iyo wax kale kula noqdey. Wax aanan bini'aadan h**e u gu dareemin ayaan isku arkey. Daqiiqad kasta oo nolosheyda ka mid ah aniga oo ka fekerkiisa ku bixinaya ayaan is arkey. Si na waan isu qaban kari waayey. Hurdadeyda, cuntadeyda, iyo shaqadeydaba si dhakhso ah ayuu u saameeyey. Waan ka heley runtii. Waan jeclaadey sida runtii ah.

Fasalka markii aan ku soo laabtey dhaqanadiisa oo dhammi waxa ay iigu muuqdeen cakiska sidii ay markii h**e iigu muuqanayeen. Jawaabta uu su'aalaha macalinka ka bixiyaa wey i farxad galiyeen. Socodkiisu ma sidan oo dhan ayaa uu isugu miisaanaa? Codkiisu ma sidan ayuu u macaanaa? Ma sidan oo dhan buu codkar u ahaa? Ma balaaqigan ayaa uu ahaa deggen? Ma sidan ayuu u ixtiraam badnaa?
Mar kaliya ayaa aan is arkey aniga oo ifka u gu neceb qofka hadalka ka booba. Aniga oo jecel in aan dhageysto hadalkiisa. Aniga oo la socda dhaqdhaqaaqiisa. Tii oo aan jecelahay in uu kaco oo aan socodkiisa daawado. Iyada oo uu marka uu isoo eego wadnahu i xadreynayo. Marka uu iga soo hor baxo aan baqayo.

Waxa aan go'aansadey in aan raaligaliyo. In aan hor istaago oo cafis ka dalbado. Inan yar oo wakhtigeedii xinka iyo xasaradda ku jirto ma fududa in ay garowdo, raaligalin bixiso, isla markaana cafis dalbato. Tani na waaba kiis gooni ah. Hor istaagiisa oo kaliya ayaaba wadno istaag iigu filnaa. Waan u yeedhey. Yeedhmo tii maalintii h**e ka kalgacal badan. K**a kalgacal badneyne waa cakiskeedii. Haghago ama gaangi aanan isku ogeyn ayaa igu soo boodey.

Waan idhi. Hadal aanu xarafna xaraf ilaa hada iga daba marin ayaa uu iigu jawaabey. 'Kun jeer baan raali kaa ahay, walaal.' Dibnaha ayaa i kala caraabey. Wax uu soo celiyo ayuu carrabku afkii ka soo waayey. Maskaxda lafteedu amaradii waa ay joojisey. Af-kala-qaad hadaad h**e u maqashey maalintaas ayuu igu dhacey. Miskiin baan noqdey. Mar danbe ayaa 'mahadsanid' meel aan la aqoon la ga soo direy dirqi iga ga soo yeedhey. 'Iska waran?' Su'aal aanan fileyn una soo diyaargaroobin ayaa ay igu noqotey.

Hadii aan isaga waramo waa uu yaabi lahaa. In aan ku seexdo oo ku soo tooso, isaga daawado oo dhageysto oo ilbidhiqsi aanu nolosheyda ka maqnaanin hadii aan u ga waramo waa uu yaabi lahaa. 'Nabad' ayaan se ku koobey. Waa runtey oo maanta dagaal ma wadin ee waa nabad. Maalintaa ka dib hadal toosi nama dhex marin, laba sanno oo danbe ayaan se isaga dhiganayey halkii aan casharada dhigan lahaa. Waxa uu ahaa jaceyl carruurnimo oo xiise leh. Hadda waanu kala luney. Malaa ma garteenba.

la wadaag Asxaabtaada. (Share).

07/12/2019
03/12/2019

"Maxaa iga qabyo ah hawl
Wax ka qabashadeeduna
Qayrkay ku xidhan tahay!

Maxaa qalinku sheekiyo
Qubanaha dharaartiyo
Kolba qodob layaabliyo
Mahadhooyin qorayaa!

Maxaa feedho qaaxiyo
Qulub kala kexeeyeen
Qoomammadu damqaysaa!

Maxaa ciin la qooshiyo
Waabay qadhaadhoo
Dacar lagu qasaasilay
Iyo quudhsi daba yaal,
Afar aan is qabannoo
Ninna h**e u qaayibin
Cabsi loogu qumayaa!

Qamuunyada dibnaha iyo
Qacda labada fool iyo
Maxay qaawinta ilkuhu
Qanja barar isku hayaan!

Maxaa qiiro hoosiyo
Ilmo qubatay gocashadu
Ha i qarin ku leedahay,
Isaguna qabaal iyo
Qaba dheer ku shubayaa!

Maxaa ruux qaldhebayoo
Qormadii rugtiisiyo
Qudha laga toleeyoo
Misna quusan waayoo
Nafta quudhi waayoo
Qarandida sideedii
Qodanaaya booraan,
Godka meel qarkiisa ah
Qoobley ordaysiyo
Fardo qaxay ku jiidheen!

Maxaa seefo qawliyo
Gudmo lagu qadhaabtaa
Damal adag qarqooreen!

Dadku dhagar qaboobaa,
Qaantoodu fududaa,
Qarqarsigu ku adakaa.
Iyagoo qiyaamiyo
Bad qaloonbiyeysiyo
Ku dhex jira tog qawlay
Qoyanaanta diidaan!

Iyagoo qaldhebayoo
Qatan oo arradanoo
Gabaddano qadhqadhayoo
Nolol qaawan joogay
Burka qaraf ka dhawraan!

Qawdhan waa nin keliyee
Haddaan qaybta loo burin,
Wiyil qoodh ah laga dhigin,
Qaran kuma hoggaansheen,
Qaadhaan gumaystiyo
Qalle lagu hungoobiyo
Qalam jalam hadoodilan.

Ma lafaa qandoodiyo
Saadaal qallalanoo
lagu qiil banbaystiyo,
Riyo qabaxtankeediyo,
Qaadaa-dhiggeediyo,
Qashar iyo salool baan
Qalalaasahaan gabay.
Ii qumiya leeyahay.

Ma quruumo ciiddiyo
Qawlallada aboorkiyo
Inta dulin qadhaabtiyo
Qablantadu ku kulantee
Canka lagu qadhiidhiyo
Qabri laga ducaystay,
Qabyaday ku xidhan tahay!

Ma qorshaa badheedhkiyo
Quxub lagu hirgeliyee
Qori tuurka Saadooy
lagu kala sed qaatay
Qaddar dhacay u haystaan?

Jidku qarar xidhiidhiyo
Qodax iyo dhib badanaa,
Qarnigaynu joogniyo
Qarda-jeexa yays baray?
Dadka yaa qareenkiyo
Qolo qolo u kala raray?
Qoqobbada dhex yaalliyo
Tolow qalada yaa baray?

Qarannimada waa tii
Qoorgooyo laqan iyo
Qaryad weer cad xidhatiyo
lagu helay qisaastee,
Hadmaa qaabkan loo rogey?
Bulsho qudha la saanyaday
Qaydar iyo galool iyo,
Qansax miidhan laga dhigay?"

- Quduro | 1980.

hadraawi

"Waa lay addimeyAxaddii sidaankuu eegayee,araggeeda taanku ildoogsadaay,ma illawsan tahayaxdigaad martiyomeeshaad i tidh...
02/12/2019

"Waa lay addimey
Axaddii sidaan
kuu eegayee,
araggeeda taan
ku ildoogsadaay,
ma illawsan tahay
axdigaad martiyo
meeshaad i tidhi
waan imanayaa.

Immisaad farriin
ergo soo dirtood
oontiyo biyaha
hurdo aawaday
uga soommanayd?

Eed layga keeniyo
midna amar Ilaahay
kuma aad maqnaanine
adigayska baaqde.

Haddaad i tidhaahdo iman maayo
ma aadeen halkaad ogsooneyd.

Anigaysla hadloo
mar waxaan idhaahdaa
ku illaawi maysoo
way imanne sii joog,
Mar waxaan idhaahdaa
axdigaydin dhigateen
kolna oofin maysee
samir Eebbe qaadoo
ka fogow agteedaan
uurkayga geliyaa.

Aramida jacayl baa
i hoggaaminaysoo
misna kuma adkaystoo
k**a hoydo aydoo
Naftu olol ma deysee.

Indhahaa habeenkii
ku ilaalinaayoo
dhammideed adduunyada
afarteeda waaxood
hadba gees u eegee.

Aammusnow habeenkii
ugbaadka iyo dooggaa
tiiraanyo ooyoo,
idilkood xiddigahaa
afarqaaday socodkoo,

Ubax baan guroo
soo ururiyoo
amranow golii
ooddii madhnayd
ku ag daadiyoon
ku ilaa xidhoon
weheshada idhee.

Eedaanka diiggoo
oogsadey salaaddiyo
waagoo iftiimaan
keligey inaan ahay
asaraar ka saaroon
addimada cuskadayoon
dib u soo arooree.

Qof ammaano lumiyoo
iibsadey xilkeedii
samo ugama aayee,
aan kala war haynaan
ku afgooyey heestee
maxay adiga kula tahay?"

- Axaddii | 1972.

Address

Calaamadaha
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when C/raxmaan soowadadaa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to C/raxmaan soowadadaa:

Share

Category