24/11/2025
Xog muhiim ah, oo kusaabsan aqoonsiga qaran national Id-ga iyo Tirakoobka dadweynaha dalka itoobiya iyo mustaqbalka adeegyada dawladeed ee Itoobiya.
Aqoonsiga Qaran ee dalka Itoobiya (National ID) iyo tirakoobka dadweynaha kala duwan ee dalka ayaa noqday tiir-dhexaadka lagu saleyn doonno dhammaan adeegyada dawladeed ee dalka.
Waxaa cad in mustaqbalka dhow iyo kan fogba, la isku hallayn doono xogta maanta la diiwaangeliyo si loo gaadho cadaalad, sinnaan, iyo qorshe adeeg ee waxtar leh.
Aqoonsigani ma aha kaliya kaadh aad jeebka ku sidaneyso, waa tallaabo qaran oo lagu sugaayo xuquuqdaada muwaadinnimo, isla markaana lagu dhisayo qorshe dowladeed oo caddaalad iyo tiro ku dhisan.
Qaadashadda aqoonsiga (National Id) Maanta waa fursadda kaliya ee aad ku caddeyn karto jiritaankaaga, codkaaga, iyo xaqaaga hadii aad qaadan waydana waa adiga oo gacantaada ku saxeexay in laga tago.
Maxaa muhiim u ah kaadhka Aqoonsiga Qaran?
1. Qaybsiga xildhibaannada iyo awood qeybsiga Goleyaasha siyaasadda ee Dowlada Federaalka:
Tirada shacabka ama dadweynaha ee maanta lagu diiwaangaliyo degmo, gobol ama maamul magaalo ayaa bari noqon doonta halbeega lagu go’aamiyo tirada xildhibaa nada deegaankaasi ka helo golaha baarlamaanka iyo miisaaniyada ay dawladda dhexe ugu talo-galayso shacabka deegaankaasi.
2. Xogta Maanta = Saamaynta 30 sano ee Dambe:
Xogta aad maanta bixiso ayaa noqon karta tan lagugu dabaqo muddo tobanaan sano ah, taasoo kuu horseedi karta in haddii aad ka gaabiso, deegaankaaga iyo bulshaduba ay dib uga dhacaan horumarka qaran.
3. Helitaanka Adeegyada Asaasiga ah:
Aqoonsiga Qaran waxa uu noqonayaa albaabka laga soo galo waxbarashada, caafimaadka, biyaha, shaqada iyo dhammaan adeegyada kale. Qof aan haysan aqoonsigan, looma aqoonsanayo muwaadin rasmi ah, waxna lama siiyo.
4. Ka-qaybgalka Doorashooyinka:
Doorashooyinka soo socda, waxa cod-bixin kara oo kaliya muwaadiniinta haysta National ID. Qof aan haysan waxa loo tixgalin doonaa ajnabi dalka sharci-darro ku jooga.