06/10/2023
Waxaad mooddaa in 3 arrimood xidhiidh ka dhexeeyo:
1. Hoos u dhaca tiro, tayo iyo baraarug ee ducaaddeenna iyo culimadeenna kolka ay noqoto sida aanay ugu diyaarsanayn fahmdidda iyo furfuridda is-eryadka falsafadeed, fikradeed iyo aydhiyoolajiyeed ee dunida maanta ka jira iyo lasocod la’aanta samanka la nool yahay iyo waaqica lagu jiro.
2. Korodhka wacaalka iyo fikradaha qalaad ee sida doolka ah ugu imanaya dhallinteenna ee uu oodafuranku wado, misna aad mooddo in ay la indho-daraandarsan yihiin il-baxnimada iyo saqaafadda reer galbeedka.
3. Kor u kaca dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan marna dhul Soomaaliyeed meelna uga safrin ee haddana intaa ku hadaaqaya weedho foolxun oo ay cimidh ka yihiin fikrado calmaaninimo iyo kuwo Alle diidnimo.
Saddexdaa, waxaad mooddaa in xidhiidh wayni ka dhexeeyo. Tan labaad waxba lagama qaban karo oo wacaalka iyo fikradaha ooda-furunku wado (cawlamada), waa kuwo soconaya, caalamkuna nala qabo. Tan koowaad oo ay wax iska baddelaan baan isleeyahay way ku xidhan tahay sida looga hor tagi karo saamaynta xooggan ee dhallinteenna ku socda.
Maalin wal waxaad arkaysaa, darbi akhlaaqeed iyo mid diimeed oo la duminayo, oo ay dhowr sano ka hor uun adkayd in ay cidi ku dhacdo in ay u dhawaato. Maante se, horteennaa akhlaaqdii, qiyamkii, dhaqankii iyo diintiiba lagu fadhataysanayaa, weliba aad arkaysaa iyadoo iska sii caadiyoobayso (normalisation).
— Mubarak Hadi