20/05/2026
Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Israel ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Somaliland ee Israel laga furi doono magaalada Qudus ee ku yaallo Masjidka barakaysan ee Aqsa.
Amb. Maxamed Xaaji ayaa yidhi;
"Waxa aan halkan kaga dhawaaqayaa in Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland aan ka furi doona magaaladda Jerusalem si dhakhso ah.
Xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil waxa uu noqon doonaa mid istraatiiji ah oo qotodheer. Xidhiidh dhab ah oo Somaliland iyo Israa’iil faa’ido u ah. Dadkayga waxa aan ka rabaa isku duubni iyo midnimo. Ballankeenu waa horumar, wadajir iyo midnimo joogta ah. Xidhiidhka Israa’iil waxa uu noqon doonaa mid aad ku raysaan."