Muxsin media

Muxsin media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Muxsin media, Shopping & retail, Hargeisa.

Mudane MadaxweyneMudane: dr C.raxman mxmed c.lahi ciro Madaxweynaha Jamhuuriyadda SomalilandKa: commissioner khadar omar...
14/03/2026

Mudane Madaxweyne
Mudane: dr C.raxman mxmed c.lahi ciro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Ka: commissioner khadar omar
Og: Xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeeddo: Codsi ku saabsan Saamiga Xilalka iyo Metelaad Wasiirnimo ee Beesha Muuse Care.

Mudane Madaxweyne,
Annaga oo ah waxgaradka, aqoonyahannada, dhalinyarada iyo guud ahaanba bulshada Beesha Muuse Care, waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuugu soo gudbinaynaa codsigan la xiriira saamiga xilalka qaran iyo metelaadda beesheenna ku leedahay xukuumadda aad hoggaamiso.

Mudane Madaxweyne, Beesha Muuse Care waxay ka mid tahay beelaha si mug leh uga qayb qaatay nabadaynta, dhismaha qaranka, difaaca dalka iyo horumarinta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa ay mar walba garab istaagtay dowladnimada iyo ilaalinta midnimada iyo xasilloonida dalka.

Sidaa awgeed, waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in beesheenna loo tixgeliyo saamigeeda xilalka qaran, gaar ahaan in naloo magacaabo wasiir si rasmi ah noogu metela golaha wasiirrada, si loo xaqiijiyo cadaalad, isu-dheellitirnaan iyo wada-lahaanshaha dowladnimada.

Waxaan aaminsanahay in metelaaddu ay xoojin doonto kalsoonida bulshada, isla markaana ay sare u qaadi doonto wada-shaqeynta iyo midnimada qaranka.

Mudane Madaxweyne, waxaan ku kalsoonahay hoggaankaaga iyo sida aad mar walba u tixgeliso sinaanta iyo wadajirka bulshada Somaliland.

Waxaan ku rajaynaynaa in codsigayaga aad si mug leh u qiimeyn doonto.

Mahadsanid.

Xaliimo.midkan mid dooro
04/11/2025

Xaliimo.midkan mid dooro

Hambalyo dhamaan ardayda saaka oo taariikhdu tahay 18/8/2025 ka qalin jabisay jamacada culuumta badda ee gobolka saaxil ...
18/08/2025

Hambalyo dhamaan ardayda saaka oo taariikhdu tahay 18/8/2025 ka qalin jabisay jamacada culuumta badda ee gobolka saaxil
BERBERA MARITIME OF FISHIERS UNIVERSITY

".aniga iyo muuse marna saaxiib ma anan ahayn". Eng faysal cali waraabe ayaa sidaas yihi
15/07/2025

".aniga iyo muuse marna saaxiib ma anan ahayn". Eng faysal cali waraabe ayaa sidaas yihi

Afar nin oo lagu xukumay dil , ka dib markii ay faafiyeen qoraal lagu aflagaadaynayo diinta islamka .Fadlan follow dheh ...
27/01/2025

Afar nin oo lagu xukumay dil , ka dib markii ay faafiyeen qoraal lagu aflagaadaynayo diinta islamka .

Fadlan follow dheh
Share
Si meel dheer u gaadho

15/01/2025
15/01/2025

Address

Hargeisa

Telephone

+252634548796

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Muxsin media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Muxsin media:

Share