18/08/2025
đź’Š Paracetamol(Panadol,Acetaminophen)
➤ Waa maxay?
Paracetamol waa dawo xanuun baabi'isa (pain killer) isla markaana yareysa qandhada. Waxaa ka mid ah dawada ugu isticmaalka badan adduunka.
➤ Waxaa loo isticmaalaa:
Madax-xanuun iyo murqo-xanuun
Qandho ka dhalata hargab ama caabuq
Xanuunka yar ee lafaha iyo kala-goysyada
Xanuunka caadada (dumarka)
➤ Sida loo qaato (dadka waaweyn):
Caadi ahaan 500mg – 1g mar kasta (4–6 saac kasta)
Ha ka badin 4g maalintii (8 kaniini oo 500mg ah)
Carruurta: waxaa la siiyaa qiyaas ku xiran miisaanka (badanaa syrup).
➤ Digniino muhiim ah:
⚠️ Ha isticmaalin haddii:
Aad leedahay xanuun beerka ah ama
Aad h**e u qaadatay daawo kale oo paracetamol ah (si looga fogaado overdose)
➤ Waxyeellooyinka iman kara haddii la badsado:
✓Dhibaato beerka culus
✓Lalabbo iyo matag
✓Calool xanuun
➤ Xusuusin:
Daawadani waa mid badbaado leh(save) ah haddii si sax ah loo qaato, laakiin had iyo jeer kala tasho dhakhtar ama farmashiiste.WK Pharma ALLE AYA MAHAD LEH