Somali literate

Somali literate Waxbadan Aqri Si aad wax badan u ogaato
------------------------------------------------------

القراءةتعتبر القراءة إحدى أبرز مغذّيات العقل والروح وإحدى أهمّ المقوّمات التي تفتح الآفاق أمام القارىء وتساعد على توسيع ...
22/08/2017

القراءة
تعتبر القراءة إحدى أبرز مغذّيات العقل والروح وإحدى أهمّ المقوّمات التي تفتح الآفاق أمام القارىء وتساعد على توسيع مداركه وتعزيز قدراته في كافة المجالات الحياتيّة، حيث تتيح له فرصة حقيقة للتعرف على كافّة الظواهر التي تُحيط به، وتمنحه الفرصة للوصول إلى كافة أنحاء العالم والتعرف على كافّة الثقافات والاطّلاع على الحقائق المختلفة عن طريق قراءة كتاب حول هذه المعلومات.

تُعرف القراءة بأنّها واحدة من أبرز الأنشطة المعرفية الثقافية التي تقوم بصورة رئيسيّة على الربط بين الكلمات التي تتكوّن منها الجُمل، للوصول إلى معانٍ مفيدة من شأنها أنّ توصل الشخص للفهم والإدراك وتساعد على توسيع مداركه حول موضوع ما، وهناك اختلاف كبير بين قراءة الكتب والدوريّات والمجلّات والمقالات، وذلك تبعاً لاختلاف مواضيعها، فهناك الكتب العلميّة أو الأكاديميّة، والكتب الترفيهيّة، والروايات، والأدبيات، والشعر، والقصص.

فوائد القراءة
تمثّل القراءة واحدة من أهمّ التمارين الدماغية، وذلك من خلال تحفيز العقل والدماغ على التفكير، والتحليل، والتركيز، والانتباه، والاكتساب، والحفظ، كما تقوي من الوظائف العقلية المتعلّقة بالقدرة على استحضار المعلومات أو قوّة الذاكرة، ومن هنا يجب غرس ثقافة قراءة الكتب اللامنهجية أي عدم الاقتصار على قراءة الكتب الأكاديميّة المقررة لمراحل التعليم المختلفة، بل تخصيص وقت محدد يومياً لقراءة كتب أخرى، والحيلولة دون جعل العلاقة مع المعرفة علاقة منفعيّة، أي تقوم على أساس الحصول على شهادة أو درجة علميّة فقط دون اكتساب العلم والمهارات والمعارف.
تزيد من وعي واستقلال الشخص برأيه وتوجّهاته، حيث تجعله أقلّ عرضة للانسياق وراء الآخرين، وتنمية المهارات العقلية النقدية التي تجنّبه أخذ الأمور كمسلّمات وتجعله ينظر إليه بنظرة ثاقبة مُدقّقة، وتعطيه القدرة على بناء وجهات نظر خاصّة به، وتحول دون جعله تابعاً للآخرين.
تساعد إلى حد كبير على إثراء قاموسه اللغويّ، حيث تسعفه الكلمات عليه عند خوض غمار أيّ مناقشة، ويستطيع أن يتحدّث بكافة المواضيع بكلّ ثقة، ويقدم الدلائل بالحجّة والبرهان، ويكون مؤثراً وقادراً على التغيير.
تزيد من تقبّل الشخص للآخرين وللثقافات الأخرى، وتقلّل لديه التعصب والتصلّب لوجهات النظر والآراء الخاصّة به، ممّا ينعكس بصورة إيجابيّة على العلاقات الاجتماعيّة، ويوسّع دائرة المعرفة من خلال توفير بيئة خصبة للحوار وتبادل الآراء.

لا تقتصر فوائد القراءة على العقل، بل تساعد على بناء المجتمعات الراقية والحضارية، وتوفّر قاعدة من البيانات، ومقداراً من الوعي والإدراك حول كافّة الأمور الحياتيّة، حيث يساعد ذلك على التطوّر والتقدّم، ويقلّل من التعصّب القبليّ والجهوية

31/07/2017

9 Faaido Oo Laga Helo Wax Akhriska Badan
Waxbarashadda nooc walba ay leedahay, hadday tahay barashadda Afafka , Xisaabta iyo Sayniska waxa ay kaaga xidhan yihiin wax akhriska. Cilmigu wuxu ku kaydsan yahay buugta sida kaliya ee aad kala soo dhex bixi karto Aqoontaa ku duugan buugaagta waa adiga oo akhris badan sameeyawax_akhriska_badan

Akhris la’aantii wax ma baranaysid , aqoontaad leedahay waxay ku xidhan tahay kolba inta aad akhriday, inta aad akhriday ayaad taqaan.

Akhrisku waa nafaqadda la siiyo maskaxda bini’aadamka, akhrisku wuxu balaadhiyaa garaadka, garashadda iyo qofka.

Haddii cuntadu jidhka quudiso, akhriskuna wuxu kobciyaa caqliga iyo fahanka qofka.

Fa’iidooyinka akhrisku leeyahay iyada oo aan la soo koobi karin bal aan dhawr ka sheegno.

Akhrisku wuxu ka jarayaa dabaradda jahliga iyo gaajadda, marba marka ka danbaysa ee aad wax-akhridid waxa ka sii baxaysaa jaahilnimaddii aad maxbuuska u ahayd.
Hanashadda akhriska waxa ay qofka ka xoraysaa cidhiidhiga dhuleed iyo wakhti, oo qofka dhul badan oo uuna gaadheen ayuu akhris ku gaadhayaa, wakhti uuna noolayna ummaddii joogtay ayuu waayahooddii akhrisanayaa.
Akhrisku waxa uu kobciyaa xusuusta qofka, wuxuna daawo u yahay cudurka dadka waawayn ku dhaca “Asaasaqnimada ”
Akhriku waxa qofka ku abuuraa in uu wax mala-awaali karo.
Akhrisku wuu ku horumarinayaa wuxuna kaa caawinayaa in aad gaadhid guulo badan oo aad ku hammiyaysay.
Akhriska waxa aad kaga dhuuman kartaa walwalka iyo dhibaatadda inaggu lamaan, buug aad akhrido ayaa ku ilowshiisanaya wixii ku haystay oo kuu sawiraya duni kale oo xasiloon oo aad ku raaxaystid.
Akhriska waxa aad ka helaysaa macluumad badan oo aad kaga jawaabtid daruufaha nololeed ee ku haysta. Waxa uu ku siinayaa fikraddo cusub oo aad kaga baxdid daruufaha kolba ku haysta.
Waxa aad ka helaysaa caqli cusub iyo murti cusub oo aad wax ku abuurtid, buugta waxa ku kaydsan afkaaro iyo aqoon wixii dunidan soo martay.
Akhrisku waxa aan suuro-galka ahayn ayuu suuro-gal ka dhigaa, waxa uu ku fududaynayaa qabashadda waxyaabo aad lahayd suuro-gal maaha ama aan caqligaaga soo galin.
Maah maah ingiriisiya ah baa tidhaa ‘Hal buug oo fiican oo aad akhridaa waxa ay la mid tahay sidii aad adigu dib u qortay buugaas ,haa waa run, haddii aad buugaas dhuuxday, oo aad si fiican u fahantay , xikmaddii

ku jirtayna kala soo dhex baxday, miyaanad lahayn aqoontii uu lahaa qoraagaasi adiga oo ilaalinaya xuquuqda qoraaga oo aanad sheegan aqoontii aad ka soo daalacatay. Mid kalena waxay tiraahdaa

‘Haddii aad akhridid buugaag fiican waxa ay la mid tahay adiga oo la doodaya mufakiriintii iyo aqoonyahanaddii dunidan soo maray,

haa waa dhab, akhristuhu waa sidii qof isku dayaya in uu la sheekaysto oo xaal waraysto mufakiriintii iyo aqoonyahanaddii dunidan soo martay kuwii dhintay iyo kuwa noolba oo ayna suuro gal noqoteen la kulankoodu.

Umadda wax akhridaa waa ummad horumarsan oo ka xadaarisan ummadaha kale, ummadaha horumaray waxa ay caan ku yihiin maalgalinta aqoonta iyo goobaha akhriska.

Ummadaha dibu dhacayna waxa lagu gartaa in aqoonta iyo goobaha akhriska ayna daryeelin oo maaliyad yarna u qorsheeyaan goobaha waxbarasho. Ummadda aan caruurtooda iyo dadkooda ku barbaarin akhriska waxa ay u nugul yihiin in ay ka dhacaan horumarka dunidan ka socda. Ummaduhu siday u kala horumarsan yihiin waxa lagu qiimeeyaa Literacyga (inta wax akhrida iyo inta aan waxba akhrin).

Cilmi baadhis laga sameeyey dadkii ugu caqliga iyo aqoonta badnaa aduunkan soo mara ayaa waxa lagu

ogaaday in hal shay ka sinayeen oo ay ahayeen dad wax-akhriska joogteeya Waxa laysku raacsan yahay in qofba qofka uu ka akhris badan yahay uu ka aqoon iyo garasho sareeyo qofka kale.

Qalinkii Ladna Rashiid Cabdillaahi

Address

Laanta Hawada
Boosaaso
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali literate posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category