19/03/2024
Ducaysane wiilkayoow �Anoo dan yar baan ku dhalay �Dabadeed waxan galay askari �Anoon waligay dalacin iyo �Dablaan kugu soo korshoo
Qeyrkey wuxuu duunyo yeeshay �Asaagay daaro jeexday �Adan kugu daalay aabe �Rabigay iguma darnaane�Run baan kuu sheegayaa �Markaad dugsi sare dhamaysay �Adoon dibadda u hiloobin �Inaad dalkii daafac noqoto �Hadaad dooratoo jeclaatay �Ducaan kuu hibeeye aabe
Adduunka intaad dul joogto �Darajo yay yarasi malahee �Hadduu Rabi kuugu deeqo �Ha noqon doqon kibir ku faana
Dammane yaan lagugu xaman �Dulqaad waligaa lahow �Dadkaad xukuntana tix geli �Sharcigana daacad u ahow
Hadiidine amarka raac �Dalkaaga nafta u hibee �Waxaan danta guud ahayn �Ducaysane kuguma ogi
Dudun ka boodi mayside �Adiga iyo inta kula da’da ah �Dardaaran idiinka dhigayaa
Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino
Umada u shaqeey iyo adeegaha lagaa dhigo
Ha is odhan cidi kuma arkaysee, afka buuxso
ha is odhan cidi kuma arkaysee, ina adeerso.
ha is odhan cidi kuma arkaysee, ina adeerso.
Nin xilaqaaday eed qaadyee , hoy hooy
Awood iyo sinaaan Eex la'aan ayaa lagaa rabaa
Ha is odhan cidi kuma arkaysee, Aqalo jeexo
ha is odhan cidi kuma arkaysee, afka buuxso.
ha is odhan cidi kuma arkaysee, Aqalo jeexo.
ha is odhan cidi kuma arkaysee, afka buuxso.
Nin xilaqaaday eed qaadyee , hooy hooy
Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino
Umada u shaqeey iyo adeegaha lagaa dhigo
olalaha runta ah u jeedadiisa ayaa lagaa rabaa
Ha is odhan cidi kuma arkaysee, Shaqo ha aadin
ha is odhan cidi kuma arkaysee, qaranka iibso.
ha is odhan cidi kuma arkaysee, shaqo ha aadin
Nin xilaqaaday eed qaadyee , hoy hooy
Hawlaha Arlada hadii lagugu aamino
Umada u shaqeey iyo adeegaha lagaa dhigo
Awood iyo sinaaan Eex la'aan ayaa lagaa rabaa...
Nin xilaqaaday eed qaadyee , hoy hooy