Taajir Show

Taajir Show 24/7 Breaking News & Live Updates

🚨: Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo kulan gaar ah yeeshay. ma socdaa abaabul ka dhan ah jihada MW Xasan Sheekh? Xogo hoose...
24/03/2026

🚨: Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo kulan gaar ah yeeshay. ma socdaa abaabul ka dhan ah jihada MW Xasan Sheekh?

Xogo hoose ayaa sheegaya in qorshe cusub uu miiska saaranyahay. train-ka yaa ka degaya, yaase sii raacaya? 👀

Gabar Soomaaliyeed oo mudo dhan 20 sano ku noolayd dalka Sweden 🇸🇪 isla markaasna u leh 3 carruur ah nin u dhashay dalka...
21/03/2026

Gabar Soomaaliyeed oo mudo dhan 20 sano ku noolayd dalka Sweden 🇸🇪 isla markaasna u leh 3 carruur ah nin u dhashay dalkaas.

Dowladda Sweden ayaa hada qorsheyneysa in iyada la tarxiilo, halka carruurteeda ula wareegayo aabahood.

Xalka qurbaha waa sidaan Allow na amaanso.

Taliyaha ciidanka hawada kacaanka Iran Moosavi, ayaa sheegay in Iran ay beddelayso qaabka ay u isticmaasho gantaalladeed...
09/03/2026

Taliyaha ciidanka hawada kacaanka Iran Moosavi, ayaa sheegay in Iran ay beddelayso qaabka ay u isticmaasho gantaalladeeda. Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la ridi doonin gantaallo aan culeyskiisa ka yareeyn 1000kg (1tan)

Moosavi ayaa sidoo kale xusay in weerarrada gantaallada Iran ay noqon doonaan kuwo xoog badan, iyadoo la kordhin doono tirada gantaallada hal mar la ridayo iyo masaafada ay gaari karaan, taasoo muujinaysa kororka awoodda milatari ee dalka.

Warbixin: Dowladda Federaalka oo Qorsheyneysa Mashruuc Dahab Qodis ah oo ka Bilaabanaya Deegaanka MilxoWarar soo baxaya ...
07/03/2026

Warbixin: Dowladda Federaalka oo Qorsheyneysa Mashruuc Dahab Qodis ah oo ka Bilaabanaya Deegaanka Milxo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso mashruuc cusub oo lagu horumarinayo qodista dahabka ee gobollada waqooyi-bari dalka, gaar ahaan deegaanka Milxo. Sida wararku tilmaamayaan, dowladda ayaa iskaashi la sameyneysa laba shirkadood oo caalami ah oo fadhigoodu yahay Singapore iyo Turkiga, kuwaas oo ka shaqeyn doona sahminta, qodista iyo farsamaynta dahabka laga helo aaggaas.

Deegaanka Milxo ayaa sannadihii u dambeeyay noqday goob si weyn loogu qodo dahabka, iyadoo kumannaan qof oo ka kala yimid gudaha Soomaaliya iyo dalal kale ay halkaas u tageen raadinta macdanta. Mashruucan la qorsheynayo ayaa la filayaa inuu nidaamiyo qodista macdanta, kordhiyo dakhliga dowladda, isla markaana abuuro shaqooyin cusub, inkastoo ay weli jiraan caqabado la xiriira maamulka, sharciyeynta iyo ammaanka gobolka.

Ciidanka Mareykanka ayaa shan maalmood gudahood ku qarash gareeyay in ka badan $2.4 bilyan gantaallada difaaca ee Patrio...
07/03/2026

Ciidanka Mareykanka ayaa shan maalmood gudahood ku qarash gareeyay in ka badan $2.4 bilyan gantaallada difaaca ee Patriot ka ah, kadib weerarrada joogtada ah ee ay Iran ka fulinayso Bariga Dhexe.

Gantaalladan qaaliga ah ayaa loo isticmaalaa in lagu joojiyo gantaallada ballistic iyo drones-ka jaban ee Iran, iyadoo hal missile Patriot ah uu ku kacayo ilaa $3–4 milyan.

Falanqeeyayaasha militari waxay sheegayaan in dhacdadan ay muujinayso sida drones-ka qiimahoodu hooseeyo ay u saameyn karaan nidaamyada difaaca qaali ah, taasoo keenta culays dhaqaale iyo istaraatiiji oo weyn oo ka yimaada hawlgalada difaaca Mareykanka.

Ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote, ayaa bilaabay mashruuc weyn oo dhuumaha gaaska badda mara (offsh**e) ah oo ga...
06/03/2026

Ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote, ayaa bilaabay mashruuc weyn oo dhuumaha gaaska badda mara (offsh**e) ah oo gaaska ka qaadi doona Niger Delta kuna geyn doona xarumaha warshadaha ee Nigeria.

Mashruucan oo loo yaqaan EWOGGS pipeline ayaa dhererkiisu gaari doonaa ku dhowaad 1,100 km, waxaana loogu talagalay in lagu hubiyo sahay gaas oo joogto ah oo ay helaan warshadaha iyo soo-saarayaasha tamarta.

Tuubooyinka mashruuca ayaa h**ey looga dalbaday Shiinaha, iyadoo qaar ka mid ah ay durba soo gaareen Nigeria si loo bilaabo dhismaha. Mashruucan ayaa sidoo kale taageeri doona deked badeed qoto dheer iyo xarun warshadeed oo laga dhisayo Olokola Free Trade Zone oo u dhaxaysa gobollada Ogun iyo Ondo.

🚨 𝐖𝐀𝐑 𝐃𝐄𝐆 𝐃𝐄𝐆 𝐀𝐇: Sawirrada dayax-gacmeedka ee la qaaday 5-ta Maarso ayaa muujinaya burbur ka dhacay xarumaha shidaalka ...
06/03/2026

🚨 𝐖𝐀𝐑 𝐃𝐄𝐆 𝐃𝐄𝐆 𝐀𝐇: Sawirrada dayax-gacmeedka ee la qaaday 5-ta Maarso ayaa muujinaya burbur ka dhacay xarumaha shidaalka ee Fujairah, Imaaraatka Carabta, ka dib weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

Warbixinno la soo bandhigay ayaa sheegaya in Iran ay mararka qaar isticmaasho xeelado marin-habaabineed, iyadoo calaamad...
06/03/2026

Warbixinno la soo bandhigay ayaa sheegaya in Iran ay mararka qaar isticmaasho xeelado marin-habaabineed, iyadoo calaamadeysa ama muujisa bartilmaameedyo aan sax ahayn si ay u kiciso falcelin degdeg ah oo ka yimaada Mareykanka iyo xulufadiisa. Tani waxay keeni kartaa in duqeymo lagu qaado goobo h**e loo calaamadeeyay ama si ula kac ah loo muujiyay.

Falanqeeyayaal militari ayaa sheegaya in xeeladahan marin-habaabinta ah ay qayb ka yihiin dagaalka casriga ah ee isku dara sirdoon, propaganda iyo khiyaano militari, iyadoo ujeeddadu tahay in la jahawareeriyo qorshaha weerarka ee cadowga iyo in la leexiyo duqeymaha meelaha dhabta ah ee muhiimka ah

🚨Warbaahinta CBS News ayaa sheegtay in Mareykanka illaa hadda uu limiyay 3 diyaaradood oo nooca MQ‑9 Reaper ah intii ay ...
06/03/2026

🚨Warbaahinta CBS News ayaa sheegtay in Mareykanka illaa hadda uu limiyay 3 diyaaradood oo nooca MQ‑9 Reaper ah intii ay socdeen howlgalada militari ee la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Iran.

Drones-kan oo ka mid ah kuwa ugu horumarsan ee Mareykanku adeegsado ayaa loo isticmaalaa kormeer, sirdoon iyo weerarro bartilmaameed ah.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in qiimaha halkii drone oo MQ-9 Reaper ah uu u dhaxeeyo $32 milyan ilaa $56 milyan, taasoo ka dhigan in khasaaraha Mareykanka ka soo gaaray luminta saddexdan diyaaradood uu gaari karo boqolaal milyan oo dollar.

Xaaladdan ayaa muujinaysa culayska iyo kharashaadka ka dhashay xiisadda militari ee sii kordheysa ee gobolka.

Markii siyaasadda iyo hubku shaqayn waayeen… Trump wuxuu yiri “bal marka h**e aan duceysano.” 😄
05/03/2026

Markii siyaasadda iyo hubku shaqayn waayeen… Trump wuxuu yiri “bal marka h**e aan duceysano.” 😄

Wargeyska The Washington Post ayaa sheegay in qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay muujineyso in aan l...
05/03/2026

Wargeyska The Washington Post ayaa sheegay in qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay muujineyso in aan la arkin wax calaamado ah oo muujinaya kacdoon ama kala jab gudaha ka dhex bilowday Iran.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in xukuumadda Iran ay weli si buuxda u maamusho dalka, islamarkaana ay gacanta ku hayso xaaladda gudaha.

Address

19-21 CRAWFORD STREE

Telephone

+252611431143

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taajir Show posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Shop?

Share