14/02/2026
๐ ๐๐๐๐ด๐ด๐ฎ ๐ง๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐
๐๐ผ๐ผ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ
โจ Mid ka mid ah xaqiiqooyinka ugu cajaaโibsan ee nolosha waxaa kamid ah in qof walba uu ku nool yahay adduun kheyraadkiisu xaddidan yahay. Mararka qaar waxaan u maleyneynaa in aan haysanno waqti badan โณ, in aan awood u leenahay in aan wax walba qaban karno, ama in markasta tamarteennu ay joogto tahay oo aysan dhammaaneyn โก. Laakiin haddii aan runta ka hadalno, waxaa hubaal ah in maalmaheennu ay kooban yihiin
๐
, tamarteennu ay mar kasta joogto ahayn, iyo in feejignaanteennu aysan waligeed hal meel wada joogin karin ๐ฏ. Marka aan arrintaas garanno, waxaan fahmeynaa sababta Waxsoosaarku (productivity) uu muhiim u yahay ๐ก iyo sababta aynu ugu baahanahay in aan si xikmad leh u isticmaalno kheyraadka kooban ee aan haysano.
๐ Caadooyinku waxay ku siinayaan horumar maalin kasta (Daily Progress). ๐บ๏ธ Hab-usocodku wuxuu ku siinayaa jihayn toddobaad kasta (Weekly Direction). Marka la isku daro, waxay meesha ka saaraan qiyaa-huwanaanta, jahawareerka, iyo isbeddelka shucuureed ee burburiya joogteynta. Isku-dhafkan wuxuu noloshaada ka beddelayaa: โMa aqaan waxaan maanta sameyn lahaa,โ una beddelayaa โHorey ayaan u ogahay waxa maanta loogu talagalay.โ Wuxuu caadooyinka ka beddelayaa: โWaxaan rajeynayaa inaan joogteyn karo,โ una beddelayaa โWaxaan dhistay nidaam ka dhigaya joogteynta mid toos ah (automatic).โ โ๏ธ Tani waa awoodda Tiirka Koowaad. Waa aasaaska. Waa nishiinka.
โฐ Bal u fiirso waqtiga. Qof kasta wuxuu haystaa 24 saac maalin kasta, ma jiro qof laga abaalmariyey saacado dheeraad ah, mana jiro qof la dulmiyey oo laga yareeyey saacado. Taajirki iyo faqiirku, nin weyn iyo nin yar, dhammaantood isla hal qadar bay helaan. Laakiin farqigu waxa uu yahay sida uu qof walba u isticmaalo waqtiga la siiyey. Saacadihii tagay dib looma soo celin karo. ๐ Samanka inu cadliy yahay waxa aad ku ogaaneysa in uu Alle ku dhaartay uu ku Alle yiri, โSamanka ayaan ku dhaartayโฆโ (Aayada 1aad, suuratul al-Asr).
๐ฑ Waxsoosaarku micnihiisu ma aha in aad maalintii ka shaqeyso hawlo badan, balse waa in aad si wanaqsan u doorato hawlaha ugu qiimaha badan ee noloshaada. Islaamka waxa uu ina tusayaa wax aan dunida kale bixiin karin oo ah barakada ๐คฒ. Marka aad niyad fiican iyo ujeeddo sax ah aad la timaaddo, Allah SWT wuxuu kuu gelinayaa barako waqtigaaga iyo tamartaada. Hal saac oo niyad wanaag leh ku shaqeyso ayaa wax badan ka beddeli karta Waxsoosaarkaaga.
๐ Bayaan Books โ ๐ ๐ฎ๐ธ๐๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ถ๐ถ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐๐๐๐ฏ
๐ Wixii faahfaahin ah kala xiriir: ๐ 68 2115354
๐ Booqo Telegram-keenna: t.me/Bayaanbooks