28/12/2024
In kasta oo loo arko shaqo-la'aanta, saboolnimada iyo dhibaatooyinka dhaqaale in ay yihiin sababaha horseeda
mawjadaha argagixisada iyo qaraxyada meel walba ka dhacaya, haddana shaybaadhkaas wax ayaa ka dhiman maadaama aynnu mooggan nahay waxa ku dhacaya Muslimiinta sacabooleyda ah ee berida ah guud ahaanba arladan dusheeda, Hindiya ilaa Kashmir, Sri Lanka ilaa Burma, Tajikistan ilaa Bosnia iyo Herzegovina, iyo
Azerbaijan ilaa Qasa iyo Daanta Galbeed, ee ah duqayn, garaacis, gawracis, kufsi, guryaha oo la garxiyo, maatada oo la barakiciyo, iyo gaajaysiinta, halka dalalka Yurub ee
ilbaxa ahina ay dushaas ka daawanayaan, ee inta ay kulmaan ay kala dareerayaan iyaga oo aan soo saarin go'aan qudha oo waxku'ool ah, dhibbanayaashaasna aan
siinayn xataa heerka ugu hooseeya ee ah xuquuada
is'hubaynta iyo isdifaaca, ee mar kastaba ay ku
afgobaadsanayaan hadallada ay ku bilaabayaan "waxa
aannu soo jeedinaynaa", "waxa aannu deraasaynay",
"waxa aannu ku fekeraynaa", iyo "waxa aannu u
aragnaa"!
Tell:0612141018