15/04/2016
ma masayr hinaasaa kaligay I madax maray
madaa I hodayoo madadaalo igu haba
mar waxaan yidhaah daa midkalay ka guraysaa macaanawda haysaa
waxa marag madoontaa malintii dhawdee
macanoowda igu tiri mamo hooyadaba
migii katimibaa lamishaawiraaye
miyaan adiga mooye midkalaba ku haystaa
inay been maldahaniyo kaa ahayd maqarsaar
oo nin maal badano marakan joogo macal wayn ku so wacay
waxa ii marakhaadiya yarta muna gaabe
marin keena joogtee muusa jamac uu dhalay
malintii salaasada siciid muuse adigo lafadhiya maqaaxida
macamacaanka lagu kado maqlay oo warkaa helay
dharaartan maqnaaye ka yarbaxay magaalada
ninka madaxa waynee dagan xawaadle lahaaberi
inaad soo macsuuntoo marti qaday lay sheeg
ana maalin qudhaba male wax iimaad dubin
midkan yaree ku cankaa madalaada fililmada ee subeer la magac baxay
maxad malin iyo layl markastaba u wacataa
ma,ogtahayse kasi inuu laba marwaa qabo
muniyo injiiyo daba galas uu malin wada furay
maano kaleedad raga moodaysaa gabi
anigaa miskiino umacaan naftaadee ragu maaha wada ani
waa miino aasiyo masiyo good
ma sawirada facebooka kugu jira midaa furan
doob miciyo waynoo ku mucaasha aragaa muu qaaga daawada
waxan shalaydo milicsaday badri oo marsoo qaray
inan muunadle ayaad tahay marla arag ayaad tahy
timahaagu madaw waa wadag dhexdaaduna magacaa walaley
ma gashaanti baad tahy hadaad tahy marwiyo xaas malaguso furaya
mar ayaan is idhi kali yarka maw yarboodaa aad feed ku miistide
bal maxaa ka galay tolow marna waxan is idhi daa muxuu qalad ku leeyahy
maad tidhaahdid inandii adiga masul ka ah inay malin iyo
layl ragu kugu mashqoolane malkayga ii qaray
raga mu alifiintee malmaluuqa erayada abyan kaa is mahad shiyo
badri maansadiisiyo super erayada uu qoro maxad laag u saarta
maasha allaahiyo erayada macaanka ugu munadaysaa
waxa adiga kaagalay ma adaa laguu qoray
murtidayda dacardee laga maalo ciinkee waxan kaa madnoocee ugu maagtay ii sheeg
hadmad milicsan doondaa waxaan meeris kuu qoray miyaad aragtay heestan adigu kugu magacdaray’’