23/11/2021
Kulanti wacan oo wanaagsan, asxaabteenna Facebook, waa Abdifitah Ibrahim Cagayare oo idinla socodsiinaya Barnaamijka Dunida iyo Maanta oo waxyaabaha aad ku maqli doontaan ay ka midka yihiin:
Maamulka gobolka Gedo oo sheegay in gaajo iyo oon ay dad ugu dhinteen gobolkaasi, arrintaas oo ka dhalatay xaalad darran oo abaar ah oo fara ba'an ku hayso deegaannada gobolka.
Isla wararka abaartana waxaannu wareysi idinkaga haynaa mid ka mid ah xoola dhaqatada deegaanka Dhoobley oo 250 neef oo lo' ah oo uu dhaqanayay ay uga soo hartay 21 neef oo kaliya.
Hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, sarkaalkii ka tirsaneyd hay'adda sirdoonka qaranka ee Soomaaliya ee bilo ka hor la waayay oo natiijada horu-dhaca ah ee laga soo saaray baaritaankii kiiska gabadheeda ku tilmaantay mid aan cadaalad ahayn isla markaana aaney aqbali doonin.
Gaari la jiirsiiyay dad Mareykanka ugu debaaldegayay Ciidda Masixiiga oo ay ka dhalatay dhimashada ugu yaraan shan qof iyo dhaawaca tobannaan kale.
Iyo qaar ka mid ah gabayadii lagu helay abaalmarinta tartan dhanka gabayada ah oo maanta lagu soo gebagabeeyay magaalada Muqdisho.