04/05/2026
Maraykanka iyo Ruushku waa quwadaha ugu waaweyn aduunka ee haysta tirada ugu badan ee hubka nukliyeerka kaas oo diyaar ah wakhtigii loo baahdana la adeegsan karo. Labadaas wadan, marka la isku daro waxay haystaan inta badan hubka nukliyeerka ee saaran dhulka guudkiisa. Marka laga eego dhanka kaydka ee hubkan, Ruushka ayaa ah wadanka haysta kaydka ugu badan ee hubka Nukliyeerka, waxaana ku xiga Maraykanka.
Ruushka waxa uu haystaa in ka badan 5,000 oo madaxyada nukliyeerka ah ▪️Sidoo kale Maraykanku waxa uu haystaa in ka badan 5,000 oo madaxyada nukliyeerka ah.
▪️Dawlada Shiinaha ayaa iyaduna waxa ay haysataa in ka badan 600 oo madsxyada nuclear ah
▪️Faransiiska ayaa sidoo kale haysta ilaa200 oo madax.
▪️Boqortooyada Ingiriiska waxay leedahay in ka badan 200 madaxyada nuclear ah.
Ma jiro waddan Afrikaan ah oo haysta hubka nukliyeerka.
Guud ahaan caalam, Waxaa jira sagaal waddan oohubkan haysta aduunyaduna ku ogtahay. Wadamadan ayaa kala ah. ▪️Mareykanka
▪️Ruushka
▪️Shiinaha
▪️France
▪️Ingiriiska
▪️India
▪️Pakistan
▪️Israa'iil (inkasta oo aaynay toos u xaqiijin sidoo kalena u beenin) ▪️Waqooyiga Kuuriya.
Mareykanka waa dalka kaliya ee hubka nukliyeerka u adeegsaday.
Waxa uu hubkan ku dhuftay magaalooyinka Dalka Japan ee Hiroshima iyo Nagasaki intii uu socday dagaalkii labaad ee Aduunka.
Tijaabadii ugu horaysay ee Hubka Nukliyeerka ah waxaa sameeyay Midowgii Sofiyeeti.
Bombadii nuclear ee uu riday Midowgii soofiyeetku Waxaa la odhan jiray Tsar Bomba. Waxay ahayd qiyaastii bombo ilaa 3,000 oo jeer ka itaal yar bombadii Maraykanku ku dhuftay Hiroshima.
Waxa la sheegaa in bombooyinka nuclear-ka ah ee maanta Maraykanku haystaa aad uga horumarsan yihiin, baaxad ahaana aad uga weyn yihiin kuwii uu ku dhuftay Magaalooyinka Japan dagaalkii labaad ee Aduunka
Marka la eego khasaarihii ka dhashay Bombadii lagu dhuftay Hiroshima, bomkaasi waxa uu dilay ku dhawaad 70,000 ilaa 80,000 oo qof isla maalintaas oo kaliya, sidoo kale waxa jiray ilaa 40,000 oo kale oo iyaguna u geeriyooday xanuuno iyo kaahfaladii ka dhashay sunta hubkaas.
Haddii Dagaalka Iran iyo reer galbeedku sii xoogaysto, waxay u badan tahay in hubkan la adeegsan doono, Bal haddaba qiyaas khasaaraha ka dhalan kara bombooyinka nuclearka ah ee Maraykan iyo Isra maanta haystaan, kuwaas oo 3,000 oo jeer ka xoog badan midkii Hiroshima.