04/09/2022
Sagxadda alwaaxa ka samaysan ee guriga ayaa jiiq tidhi markii aan cagta saaray ee soo galayba. Waa guri da'a ah roog duuga ayaa dhex yaalla looguna talo galay inuu qariyo raadka cagaha dadka ee sanadaha badan ku dul socday.
Inkasta oo uu nadiif ahaa balse in la badalo ayuu u baahnaa.
Cidhiidhi ayaan dareemay markii aan dhex istaagay qolka jiifka ee ay taallo alaabo jiif oo duugoobay ahna kuwa la siiyo masaakiinta. Fadhiga waxaa fadhiya labo dumar ah, labaduba hooyaday ayey wax-yar ka waynaayeen. Waxaa ag fadhiya nin gashan dhar shaqo.
Waa nin u eg in uu aabahay toban gu' ka waynyahay. Waa ay noo dhoollacaddayeen aniga iyo Mike oo u sii gudbayna qaybta dambe ee guriga, si xishood ah ayaan ugu dhoollacaddeeyey.....
....... Sheekada kowaad....
Markii aan toban jirsaday, waxaa aan aabaheyga hodanka ahi ka maqli jirey in shaqaalaha dawladdu yahiin dad caajisloow yaal ah, hhialka aan aabbaheyga saboolkaa ah ka maqli jirey in hantiilayaashu yihiin dad damaaci ah oo ay fiicantahay in canshuur dheeraad ah laga qaado......
...... Sheekada labaad.....
Wax ma u soo haraan ayuu I way I waydiiyey, wax yar ayaan ugu jawaabay. Waa sobobta ugu wayn ee uu silic ugu jiro, ayuu yidhi .......
..... Sheekada sadexaad....
"Qayb ka mida sheekooyinka buuga ku jira"
In aad noloshaada cabsi ku noolaatid waligaana aadan sahmin riyooyinkaaga ayaa xaasidnimo ah. In aad shaqo ku dhabar jabtid adiga oo rumaysan in lacagtu dhibaatooyinkaaga xallin ayaa xasidnimo ah. In aad saqda dhexe toostid adiga oo ka argagaxsan kharashaadka lagaa sugayo waa nolol argagax ah. Ku noolaanshaha nolol uu mushaharkaagu jaangooyo ma ah noolaansho dhab ah.
Dugsiyadu waxa ay dadka baraan in ay lacagta u shaqeeyaan balse ma baraan sida loo helo awoodda adeegsiga lacagta.
Haddii aad hodannimo doonaysid, hanti samayso, hadii aad saboolnimo ama dabaqadda dhexe doonaysid kharash aruurso waligaa.
Hodanku hanti samayn ayaa ay xoogga saaraan halka saboolku uu xoogga saaro shaqaalo soo gala "sida Mushahar".
Marka aad maalgashi samaysatid ee aad yeelatid ganacsi aad leedahay markaas ayaad baratay sirta ugu wayn ee dadka hodanka ah.
Shaqaale haysta shaqo joogto ah balse aan helayn horumar dhaqaale, dabin ayuu ku jiraa.
Waayo-aragnimadayda waxa aan kuugu sheegayaa in guushaada dhaqaale ku xidhantahay aqoontaada iyo kartidaada labadaba.
Shaqo joogto sh ayaa u muhiimsanayd aabahayga saboolka ah, balse waxbarada ayaa u muhiimsanayd aabahayga hodanka ah.
Dadku inta ay khasaare ka cabsanayaan ayey khasaaraan.
Intan waa qaybo aad u yar oo ka mida xogta buugan ku qoran.
Buugan cilmiga ku qoran maaha mid la soo koobi karo waa buug aad ka heli doonto xog badan oo kaa caaawineysa sidaad Hodanimo ugu noolaan lahayd, qofkasta oo raba inuu noloshiisa isbadal ku sameeyo dhanka dhaqaalaha, kolay waynu wada rabnaaye waan kula talinayaa inuu buugan akhristo.
Magaca: Aabe Hodan Ah, Aabe Sabool Ah.
Turjume: Dr Jama Sahal
Soo koobid: Ayaan Tukaalle