03/06/2019
(Warqad)
Qiso Cajiib ah
Akhristayaal waxaa jiray qiso dhab ah oo ka dhacday Dalka Masar waxaa jiray Qoys faqiira oo aan wax Aduunya ah haysan Mood iyo Nool toona, balse Aabaha Reerka iska lihi waxa uu ahaa Nin ehelu cibaado ah.
Ninka reerka masuulka ka ah ayaa waxa uu Inan yar (wiil) uu dhalay ku barbaarin jiray in markasta oo la yidhaah’do yaad Aduunka u jeceshahay in uu yidhaah’do ALLAAH, kadibna inankii yaraa waxa uu noqday mid qalbigiisa ay dagtay kalmadda Jacaylka ALLAAH ,iyada oo lagaba yaabo caruurnimada darteed in aanu waxbadan ka fahamsanayn macnaha badan iyo faa’idada ku jirta Jeclaanshaha ALLAAH.
Muddo yar ka bacdi waxaa si xun u xanuun saday Odaygii Reerka ka masuulka ahaa, maadaama ay ahaayeen marka horaba reer faqiira oo aan lahayn wax dhaqaale ah, waxa dhacday in Odaygii uu tahli waayo in xattaa uu waayo wax uu Daawo siisto ha’yaraato amma habadatee, kadibna waxa uu noqday Nin Dhul yaala oo Xanuun dishooday.
Sida caadada innoo ah haddii aynu nahay Dadka Muslimiinta ah,waxa jira in aynu soo booqanno dadkeena bukaan jiifka ah,kadibna marka aynu ka anba’baxayno waxa aynu qofkii Xanuun’sanayay ku maca’salamaynaa kalmada ah ALLAH ha ku caafimaadiyo, taasi oo ah duco loogu ducaynayo in Illaahay Bukaanka cafimaad ugu badalo.
Inankii yaraa ee caruurta ahaa ayaa waxa uu markasta maqlaa iyada oo qofkasta oo Aabihii soo booqanaya marka uu kasii tagaayo uu ku leeyahay ALLAH HA KU CAAFIMAADIYO.
Kadibna Inankii yaraa waxa maskaxdiisa ku soo dhacday, ALLAHAN ay dadku leeyihiin ha ku caafimaadiyo miiyaanu ahayn midkii uu Aabahay aadka u jeclaa ee uu adigana ku odhan jiray marka lagu yidhaah’do yaad jeceshahay waxaad tidhaa ALLAAH.
Inankii yaraa waxa uu Go’aan saday In uu ALLAH uu Warqad u qoro kagana dalbanaayo in uu Aabihii u caafimaadiiyo, inankii yaraa waxa uu u tagay Hooyadii waxaanu u sheegay in uu doonayo in uu ILLAAHAY Warqad u qoro uu kaga codsanaayo in uu Aabihii u caafimaadiyo ,ilayn waa meel ILLAAHAY wax ka wadee Hooyadiina waa ay ka ogolaatay.
Inankii yaraa waxa uu soo qaatay Qalin iyo Warqad kadibna qoraal la fahmi karo in ay Caruuri soo qortay oo iska qalqalooca ayaa waxa uu ku qoray warqadii isaga oo leh . ALLAHII AAN JECLAAYOW WAXAAN KA CODSANAYA IN AAD AABAHAY II CAAFIMAADISO.
Kadibna waxa uu Hooyadii ka codsaday in ay gayso una raacdo meesha Boostada ee Warqadaha lagu diro, iyaduna waa Hooyo Khayrlee waa ay ka aqbashay , warqadiina waxa lagu riday Sandooqa boosta taasi oo ah WARQAD KA TIMO WIILYAR KUNA SOCOTA ILLAAHAY SWT.
Nasiib wanaag, Warqadii waxa uu Illaahay u Gacan galiyay nimankii Boosta gaar ahaan Dad xigmad iyo Caqli u saaxiiba,kadibna waxa ay arkeen in Warqadan ay ku socoto ILLAAHAY.
Dhammaan shaqaalahii ayaa waxa ay dareemeen in Warqadani ay tahay mid ka awood roon shaqada ay hayaan.waayo waxa ay arki jireen shaqadooduna ay tahay warqad qof soo qoray oo qofkale ku socota,balse Warqad si toosa ALLAAH ugu socota may arkin.
Warqadii waxa la gaadhsiiyay nimankii madaxda ahaa ee Dawlada u talinayay, iyada oo la ogaysiiyay in Boostada laga helay Warqad ku socota ILLAAHAY.
Maalmo ka bacdi madaxdii Dalka ayaa Warqadii shir ka gashay, hadaba si loo arko Warqada gudaheeda waxa ku qoran ayaa la furay Warqadii, kadibna waxa la ogaaday in Warqadan uu soo qoray ilmayar oo Farbarada kaasi oo ALLAAH ka dalbanaya in uu Aabihii u caafimaadiyo.
Intii aanay Dawladu qoraalkii warqada aanay go’aan ka gaadhin ,ayaa Warqadii waxaa lagu qoray Jaraa’idka dalka kasoo baxa,taasi oo la leeyahay waxaa Boostada laga helay Warqad uu soo qoray Ilmayar kuna socota ILLAAHAY.
Fajac iyo amakaag ayaa dadkii ka wada qaadeen warqadii, kadibna waxaa ka mid ahaa dadkii Joornaalka akhristay nin ka mida Dhakhaatiirta ugu waawayn Dalka Masar kaasi oo markii uu fariinta akhriyay si dagdega u raadiyay Reerkan iyo meesha uu dagan yahay.
Markii uu ninkii Dhakhtarka ahaa uu Gurigii Qoyska uu yimi , ayaa waxa uu yidhi meeyay Wiilkii yaraa ee Warqada ALLAH usoo qoray, kadibna waxa lagu yidhi waakan,waxanu ugu jawaabay maadaama aad ALLAAH warqada u qortay ALLAAHNA aniga ayuu isoo diray.
Isla wakhtigiiba waxa uu Gurigii ka qaaday Odaygii Xanuusanayay waxaanu geeyay Dhakhtarkisii,reerkii iyo Inankii yaraana waxa uu u balan qaaday in uu Aabahood halkan ku dawayn doono ALLAH na uu caafimaad uga baryi doono,wax Lacagana aanu ka rabin.
Moddo yar ka bacdi waxa Gurigii Odayga xanuusanayay waxaa kusoo qulqulay Dawladii oo dhan , waxaana loo sheegay in uu qaaday ninkii Dhakhtarka ahaa,Dawladuna waxkasta oo ay ku tari karayso waa ay ku kaalmaysay.
Akhristayaal Reerkii waxa uu ku danbeeyay Odaygii oo Ilaahay caafimaadkiisii usoo celiyay, Reerkii oo noqday mid hodana oo Ilaahay Risiiqiisa waasica ah uu u furay taasi oo ay ku heleen Kalsoonidii iyo Xuskii Ilaahay ee aan marnaba Carabkooda ka go’ayn .
Marka aad qisadan u fiirsato waxa aad dareemaysaa amma kusoo baxaysa, in Wiilka yari uu ahaa mid caruura isla markaana aan garanayn ALLAAH wax uu gudo iyo wax uu galo, balse xaqiiqada meeesha ku jirta waxa ay tahay Caqiidada iyo garashada uu ALLAH U LAHAA ODAYGU IN AY TAHAY MIDAA ILAHAY KU GALLADAY ,sababna uga dhigay Warqadaa uu Inanka yari uu ILLAAHAY u diray.
Akhristayal waxaa fiican in aynu Caruurteena ku barbaarinno Jacaylka iyo barashada Illaahay si aynu If iyo Aakhiraba ugu liibaanno.
Xigasho: Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi