Sheekh Maxamed Xarago

Sheekh Maxamed Xarago Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Sheekh Maxamed Xarago, Shopping Service, Erigavo.

24/09/2020
29/04/2020

Guurku diinta waa u gargaara, shaydaankana waa u goblan iyo hoog.
Waana gaashaan adag oo cadawga Eebe laga galo, waxaana ku badata ummadda Islaamka si ay ula tartanto ummdaha kale.

Eebe weyne wuxuu yidhi; " u guuriya xaaslaawayaasha idinka midka ah iyo adoomadiina kuwooda wanaagsan.

19/01/2020

I advocate for the oppressed, but they have the right to seek and I do not know. I extend their voice to the poor and the like.

13/12/2019

Writer

16/05/2019

Waxaan halkan fariin u marinayaa cid kasta oo ay khusayso, khaasatan Policka, Culumada, Iyo Shacabkaba reer Ceerigaabo.

Walaalayaal fariintaydu wax weeye in khamrigii u noqday wax caadi ah oo debeda u soo baxay, Oo maalinta cad ee la sooman yahay ay sarkhaamiintii iyaga oo sarkhaansan gacmaana ku sita khamradii kaa soo hor baxayaan,
Walaalayaal waayadan danbena wax kordhaya dadka caba oo tiradoodu aad u sii badanayso, waxaana jira dhalinyaro rag iyo dumarba leh oo caadaystay cabida iyo ka ganacasiga khamrada oo aad u sii badanaya.

Walaalayaal Shacab iyo maamulba arintaa xil baa inaga saaran, waajibna way inagu tahay, shacabku ha u soo sheegaan poliska, Goobaha lagag ganacsado khamriga, polickuna xil hay iska saaraan oo Istabaha laga soo gelayo magaalada ha adkeeyaan, culimaduna ha ka hadlaan oo dadka hawsheegaan dhibtiisa, Khatartiisa, iyo inta guri ee ay barakada ka qaadayo bogcada lagu iibiyaa khamriga.

Walaalayaal waxaynu ognahay in roobkii dalka intiisa badan ka da'ay, Ceergaabse aanu wali helin, Roob la'aanta ina haysaana waxaa sabab u ah khamriga, Ribada, iyo Macaasida kale. Walaalayaal sidaynu ognahay khamrigu wuxuu ka mid yahay danbiyada kabaairta ku wooda ugu waawayn.

Walaalayaal waxaan ku soo gebagabaynayaa waxaynu nahay dad Muslina oo waxaynu ku jiraa bishii barakaysnayd ee Rabadaan, ee arinkaa aynu ka hawlgalo sidaynu u afjari lahyn.
Ajar iyo xasanaad baynu ka helaynaa ee illahay dartii aynu uga shaqayno.

Wa bilaahi tawfiiq.

Waa Tuma Hooyada Nabada Somaliland?Dib u heshiisyadii Somaliland ka dhacay waxay ahaayeen Saddex heshiis. Waxaana ugu ho...
15/05/2019

Waa Tuma Hooyada Nabada Somaliland?

Dib u heshiisyadii Somaliland ka dhacay waxay ahaayeen Saddex heshiis.
Waxaana ugu horeeyey Heshiiskii ka dhacay Gobolka Sanaag caasimadiisa Ceerigaabo March1991 ee Afarta Qabiil, Waxaa ku xigay heshiiskii Ka dhacay Burco 5 May 1991 iyo Boorame 18 May 1991.
Waxaa jira dad badan oo marka dib u heshiisiinta laga sheekaynayo soo qaata Burco iyo Boorame qudha, Ceergaabona ka reeba.
Waxaad kaloo arkaysaa dad badan oo aan aqoon shirkaa Ceergaabo ka dhacay March 1991. Shirkaas oo ahaa kii laga bartay sida loo heshiiyo, nabadna loogu wada noolaado.

14/05/2019

Waxaan xasuustaa marka 18 May Ceergaabo laga dabaal deggeyo oo Callanka Soomaliland la'la dhaafin badhtanka magaalada. khaasata Streetkii ay maqaaxidii Qarni ku taalay ninkii garanayaa garanayee. Halkaas oo ay isku shiidi jireen (dhagax tuuri jireen) yaryarka Isaaq iyo kuwa Harti oo Callamaan Soomaliland iyo Soomaaliya ku kala labisan.
Caawana Callankii Soomaaliya ayaa lagu soo labistay Hargaysa dhexdeeda, oo waliba sidii loogu dabaal deggi lahaa qorshaheedii iyo diyaar garawgeedii ka socdaa.
Waxaad moodaa in shacabkii reer Somaliland baraarugeen.
H**e ayaa loo socdaa.

12/05/2019

Nin somaliyeed baa yidhi: Dembigii waan yareeyay, balse dembigii lacagtaa igu hadhay.
Aniguna ma hayo ayaan idhaahdaa, iyaduna ma hadasho!

Address

Erigavo
ERIGAVO

Telephone

+252634844212

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sheekh Maxamed Xarago posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share