Abdirahman Ciro

Abdirahman Ciro Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdirahman Ciro, 12street, Borama.

Nairobi iyo wax la aan hadaad noqoto kuudhamaatay
11/02/2026

Nairobi iyo wax la aan hadaad noqoto kuudhamaatay

waxyaabaha aad layaabto dadka magaala jooga xun commentiga kureeb
11/02/2026

waxyaabaha aad layaabto dadka magaala jooga xun commentiga kureeb

20/01/2026

Soomaali unbaa laga helaa nin rag ah oo nin kale foolxumo ku sheegaya inkastoo uusan qurux ku dhaamin midka uu caayi😂😂

Allaha unaxariisto Nasser Bin Radan oo 142 sanno jir ahaa una dhashay dalka Sacaduudiga ayaa geeriyoday. Waxa uuna ahaa ...
19/01/2026

Allaha unaxariisto Nasser Bin Radan oo 142 sanno jir ahaa una dhashay dalka Sacaduudiga ayaa geeriyoday. Waxa uuna ahaa shaqsiga ugu da’da weynaa dalka Sacuudiga.

40 jeer ayuu Xajiyay. 134 oo caruur ah oo ay ku jiraan kuwii ay sii dhaleen caruurtiisa ayuu ifka ugu tagay.

fikirkaaga commentiga kureeb
19/01/2026

fikirkaaga commentiga kureeb

Nairobi nin ayaa ku soo wacay, wuxuuna ku sheegaya inuu qaxooti yahay dhawaan la qaadi rabo. Ninkan wuxuu kuu sheegay in...
19/01/2026

Nairobi nin ayaa ku soo wacay, wuxuuna ku sheegaya inuu qaxooti yahay dhawaan la qaadi rabo.
Ninkan wuxuu kuu sheegay in waqtigaas ay goob ku xareysan yihiin isaga iyo aabihiis oo aad u xanuunsan dhawaan dalka laga qaadayo, micnaha waa la dhoofinayaa. Waa flight.

Wuxuu kuu ogeysiinaya in isaga iyo aabihiis ay doonayaan inay sadaqeystaan lacag dhan kun dollar iyo laptop maadama ay dalka ka baxaayan.

Waqti walbo uu kusoo waco, waxaa u daaran mise uu dhageysanaya quraan.

Wuxuu kaa dhaadhicinayaa in lacagtan uu doonayo inuu adiga kuu keeno si aad ugu sadaqeyso, maadaama ay iyagu dhawaan waddankan ka baxayaan.

Wuxuu kula hadlasiinayaa aabaha. Aabahan codkiisu waa mid liita, ismana maqli doontiin, balse waxaa laguu sheegi doonaa inay meel ku xareysan yihiin.

Ninkii wuxuu ku oranayaa inuu rabo inuu goobta ay ku xareysan yihiin ka soo baxo si uu lacagta kuugu soo diro, wuxuuna ku darayaa, “Laptop-ka adiga qaado.”

Balse marka uu soo baxayo, wuxuu kaa codsanayaa inaad kala hadashid askari goobta ilaalinaya, maadaama uu isaga Sawaaxili ama Ingiriis aqoon.

Marka aad askariga la hadasho, wuxuu ku dhahayaa, haddii aad rabto inaan ninkan soo fasaxo, shan kun oo shilin oo laaluush ah ii soo dir. Ninkii wuxuu kuu sheegayaa in isaga uu dollar oo kaliya hayo.

Adiga, maadaama aad ogtahay in ninkan laptop iyo dollar kuu wado, shantii kun ayaad direysaa. (Waxaad xasuusayaneysaa quraanki ushidnaa waxaana umaleynaysaa nin akhayaar ah)

Kadib isla waqtigaas ayuu ninkii taleefoonka dansanayaa, dabadeedna mar dambe ma maqli doontid.

Waa shabakad culus.
Galgal Media

War Deg Deg : Madaxweynaha Dalka Mareynka Donald Trump oo amray in lasoo xiro ama la tarxiilo Xildhibaan Ilhaan Cumar."W...
19/01/2026

War Deg Deg : Madaxweynaha Dalka Mareynka Donald Trump oo amray in lasoo xiro ama la tarxiilo Xildhibaan Ilhaan Cumar.

"Waa inay ku jirtaa xabsiga, oo la marsiiyo ciqaab ka sii daran, oo dib loogu celiyo Soomaaliya, oo loo arko mid ka mid ah dalalka ugu xun Adduunka

uduceeya walaasheen ilaahay caafimaad buuxa hasiiyo
19/01/2026

uduceeya walaasheen ilaahay caafimaad buuxa hasiiyo

Waxaa Laga Yaaba inaad Sawirkaan Aragtey Masne is Weydiisey Sababta Xidiga Senegal Kaga Tirsan Uu Uxirtay Bahalka Caruur...
19/01/2026

Waxaa Laga Yaaba inaad Sawirkaan Aragtey Masne is Weydiisey Sababta Xidiga Senegal Kaga Tirsan Uu Uxirtay Bahalka Caruurta Afka Lowgu Xiro Markii Lagu Jirey Dabaaldega Koobkii Ay Xaley Qaadeen Senegal Hadaba Jawaabta Waatan

Sawirka 2aad Ee Aad Ujeedan Waa Falanqeeye Marookan Ah Wuxuu Kamid Ahaa Falanqeeyasha Game-kii Final-ka Morocco Vs Senegal intii Uu Ku Jirey Faaqidaadiisa Wuxuu Diirada Saarey inuu Karbaasho Malick Diouf Oo Ah Xidiga Sawirkiisa idin Muuqdo Wuxuu Dambeedka Bidix Kaga Dheela Xulka Senegal, Falanqeeyaha Ayaa Yiri Sidaan,

Xulka Marooko Game-ka Wuxuu Unoqon Doona Mid Sahlan Gaar Ahaan Ashraf Hakimi Wuxuu Heli Doona Wado Fudud Uu Kusoo Dhiso Weeraro Halis Ah Waayo Cunuga Yar Ee Liita Kaaso Senegal Kaga Dheela Dambeedka Bidix Taasi Ma istaajin Karo, Jirkiisa Waa Jilcanyahay Sidoo Kale Cunug Ayuu Uqaab Egyahay Hadal Noocas Ayuu Ka Yiri,"

Kadib Markii Senegal Koobka qaadey Malick Diouf Ayaa isna Soo qaatey Bahalka Caruurta Afka Lowgu Xiro isagoo Leh Cunugii Yaraa Ayaa Koobka Qaadey ☺️

Weligaa Ciyaar Ka Hor Xidig Haku Fogaanin 😀

Ninkaan aad aragtaan waa tababare koox ka tirsan dalka Turkiga, maalin dhaweyd asigoo shirka jaraa'id ee cayaarta ka hor...
18/01/2026

Ninkaan aad aragtaan waa tababare koox ka tirsan dalka Turkiga, maalin dhaweyd asigoo shirka jaraa'id ee cayaarta ka horeeyo lala yeelanaayo ayuu yiri "Bismillaah" balse qaar kamid ah saxaafada cilmaaniga Turkiga ayaa dhibsaday, markuu arkay iney dhibsadeen bisinka ayuu yiri;

"Dadka qaar marba haday maqlaan anagoo bisinka akhrineyno waxay bilaabaan iney noosoo eegaayn qaab ka duwan dadka kale, sababtaas darteed waxaan leeyahay Acuudu Billaabi Mina Sheydaani Rajiim, Bismillaahi Raxmaani Raxmiim, Aamantu billaahi, Wamalaa'ikatihi, wu kutubihi, wa rusulihi, wal yowmul-aakhir wabil qadari kheyrihi wa sharrihi, janada waa xaq, naartuna waa xaq, maalinta qiyaamana waa xaq, ash-hadu an laa illaaha illaa-llaah wa ash-hadu anna muxamadan rasuulullaah, isbuuc wanaagsan ayaan idiin rajeynayaa".

Intaas kadibna kurisigii inta ka kacay ayuu shirkii jaraa'id isaga baxay.

Kuwani waa  Tiro kamid ah Maxaabiista laga soo qabtay Argagixisada, dhammaantood waa Ajaaniib kayimi wadamo kale duwanaa...
18/01/2026

Kuwani waa Tiro kamid ah Maxaabiista laga soo qabtay Argagixisada, dhammaantood waa Ajaaniib kayimi wadamo kale duwanaansho diimeed kajiro, Dawladahoodu Reer Galbeed la jaal yihiin, Haddana noo sheegaya in ay Calmiskaat u yimaadeen Diin fidin iyo Jhaad.

“Togga Jeceel bay Marocos moodeen, waase ku hungoobeen waana jabinay” Taliyaha xoogaga difaaca Puntland Jen, Aaden Cabdi Xaashi ayaa sidaas u sheegay March 2025-kii bartamaha Buuraleydan oo maalmahaas laga qabtay Argagixisadan

18/01/2026

"Nin baa Maalin ii sheekeeyay oo wuxuu igu yiri, laba Nin waligey ma ilaawi doono, hada kahor anigoo naftu I hayso oo Saacado badan waxba cunin ayaa Nin Maqaayad aan iska fadhiyey balse aan wax dalban karin inta meeshi yimid Dadki oo dhan caano geel u dalbay aniguna aan ka mid ahaa, gaajadi uu ninkaas iga fujiyey walahi anoo hada nin weyn ah ma ilaawin buu yiri, Ninkina waan u duceeyaa oo meeshaan ku arkaba salaamaa balse isagu ima xasuusto in uu Maalin gaajo daran iga fujiyey"

"Maalin kale isaga iyo anigoo wada soconna ayuu Nin banaanka jooga meel maqaayad horteeda ah ayuu qoladi maqaayadda ku yiri Ninkaas gudaha usoo galsha wuxuu rabana ha dalbado, marki cunnadi naloo keenay anaga ayaan arkay Ninki oo aan wax cunayn balse isha la raacaya Ninki kale ee uu Raashinka u dalbay oo raashinkiisi si fiican u cunaya, kolkaas baan ku iri maxaa dhacay oo aad cunnada u cuni la'dahay"

"Wuxuu igu yiri Ninyohow Ninkaas aad aragto anigoo darawal ah oo Nairobi soo galay meel aan seexdo iyo wax aan cunana haysan ayuu shan boqol oo lacagta Kenya ah isiiyey, isagu markaas Diyaarad ayuu Nairobi iyo Mombasa ugu kala duuli jiray oo wuxuu ahaa hantiile, aniguna faqiir baan ahaa, hada isagaa faqiir ah aniguna taajir baan ahay, aduun isku halayn in uusan lahayn saas ku ogow ayuu igu yiri, wuxuu kaloo mar ay waqti kasoo wareegatay ii sheegay Ninki in uu Gaari u gaday oo uu ku shaqaysto, Shanti boqol uu hada kahor siiyey awgeed"

"Nebi Moxamed CSW wuxuu yiri Alle gaajo ka magan gala, qof intuu seexo maago gaajo darteed la seexan waaya waa xaalad halis ah, hadaadse isla qofkaas gaajada ka fujiso waligiis ku ilaawi maayo waa un kii Ku xasuusnaada, lagana yaabe in aad janno ku gasho wanaagaas aad sameesay, Dadku kugu jeclaadaan ama aad hantiile noqoto adigoo intifaacsanaya wanaagi aad fashay"

Shekh shibli.

Address

12street
Borama
+254

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirahman Ciro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdirahman Ciro:

Share