Ilyaas mostaphe

Ilyaas mostaphe Welcome

Permanently closed.
Rudiger posted on Instagram after scoring his first goal for Real Madrid 💜Manshallah 🤲
23/09/2022

Rudiger posted on Instagram after scoring his first goal for Real Madrid 💜

Manshallah 🤲

WAA QISA DhAB AH  SHAAB DHINTAY ASGOO MACAASI KU DHAX JIRA.Qisadan waa qisa muhiim ah oo qof walba oo ka gaabiyey cibaad...
16/06/2020

WAA QISA DhAB AH SHAAB DHINTAY ASGOO MACAASI KU DHAX JIRA.

Qisadan waa qisa muhiim ah oo qof walba oo ka gaabiyey cibaadada alaah u ah cibro Iyo Waano Qaadasho Ninkaan Dhalinyarada ah wuxuu ahaa Nin macasida dhinac walba dhex makhuutay oo aan tukanin Salaada, Wuxuuna ku geeriyoday asgoo Macasidii ku dhexj ira Wuxuu ku dhintay asoo wada Macasidii oo aan ka toobad keenin Qofka dhalin yarada ah wuxuu u malayni in uu ku dhimanayo Odeynimo laakiin Mootku Ma yaqaano Waa Dhalin yaro ama waa sabi ama.waa Odey Markaas uu waqtigaga uu dhamado ayaad geeriyooni adigoo ku sugan meel ale raali ka ah ama meel aan ale raali ka ahayn ayaadna nafta lagaa qaadi

Ninkaan dhalin yarada ah wuxuu lahaa hooyo wanaagsan waxayna ka waa nin jiryay wiilkeeda macaasidan uu ku jiray dhagna jalaq uma siin jirin sidii aydoo u waninaysa asagana uu dhax Maquursan Macaasidii ayuu ku tagay Hooyo Waa beer jilcsantahay wiilkeeda beerkeedii ayuu ahaa aad bay ugu Murugootay khaatima xumada uu ku geeriyooday waxay u bixiin jiratay Sadaqo waxayna dhigi jiray masajidada biyo qabow Waxayna dhihi jirtay wiilkayga ayaan ugu Qabojini qabri,

Habeen Habeenada Ka Mid ah ayey waxay ku riyootay wilkeedii oo arag xun oo muuqaal laga naxo leh oo qaylinayo oo leh hooyo ha sadaqay hana taburucaadin hooyo waxaan arkaa booskii aan ku lahaa naarta. Allow naga ilaali macsida iyo wax yaabaha aadan raali ka aheynin. WLL HADII AAD AKHRISAY SOO QOR AAMIN. AMIN.

Wll hadaad dhamaysatay soo qor❤❤ allaahu akbar❤

( WLL SHARE DHEH SI EEY UGU CIMRI QAATAN WALAALAHA KALE )
kana like saar dhiiri galin ha

  dhab ah Fadlan aqriso walal Gabadh dhalinyaro ah ayaa tiri   Waxaan maqlay cod Aadan ah  Heestii ayaan iska joojiyay A...
06/03/2020

dhab ah Fadlan aqriso walal

Gabadh dhalinyaro ah ayaa tiri Waxaan maqlay cod Aadan ah Heestii ayaan iska joojiyay
Anigoo sugayo inta uu ka dhamaanayo Àadanka.
Lkn intaan dhagaysanayay Aadanka Waxaan dareemay in sowdka Aadanku yahay Wax layaab igu noqday !!.

Markuu dhamaaday Aadankii Heestii ayaan markale iska sh*tay
Hase ahaatee Waxaa qalbigeyga ka sii guuxaya Nuucii dareen Aan ka qaaday Aadankii Aan maqlay.

20daqiiqo ka dib waxaan maqlay Axad [Qof]. qeylinaya lkn codkiisu Aad buu u sareeyay
Waan soo baxay anigoo is leh jidka Wax uun ka eeg.
Waxaan la kulmay dadkii oo Wada argagaxsan dhmaantoodna dibada u soo Wada baxeen Aadne U yaaban yihiin " Samada Wada eegayaan
Waxaan Weeydiiyay maxaa dhacay.?
Cid ii jawaabto waan waayay ilaa Aan ugu danbeeyn Aabaheey u imid.
Isagoo dhahaya " Qoraxdii baa saakay galbeed ka soo baxday " Albaabkii towbada Waa la xiray gabadheydii"😪

Xubin kasto Oo jirkeeyga ka mid ah waxeey joojisay xarakaatkii markan maqlay hadalkaa
` Lkn cid cidkale wax u qaban karto ma jirto
Wiil iyo Aabihii , nin iyo xaaskiisa , gabadh iyo hooyadeed.

Waxaan Aaday hooyadeey Oo si xad dhaaf ah ii jecleed si Aan ula hadlo lkn Waa ka xumahay ilama aysan hadlin.☝ Dhulkii Qaraxyo waa weeyn ayaa ka dhacayo Samadii Weey dil dilaaceysa waxaan arkayaa malaa'ig ka hoobaneyso.

" Intaas Waa Un riyo kaliya.

Lkn maalin ayey Xaqiiq noqon doontaa
War hoogeenee maxaan u diyaarsanay maalintaa .?!!

Mid ka mid ah dadkii h**e Ee salixiinta ahaa ayaa soo maray nin hilib dubanaya
Wuu iska ooyay.
Kolkaasu ku yiri maxaa kaa oohinaya hilib maad u baahneed .?

Wuxuu yiri : Maya"
Lkn beni Aadenka ayaan U Ooynayaa
Xayawaanka Waxaa dabka ayaa jirkiisa la geliyaa isagoo dhintay lkn insaanka Isagoo xayi ah ayaa naarta lagu ridaa. Jirkiisa.😭

" Rabiyow jirkeena naar uma dulqaadan karee naga xureey kuleeylkeeda.Aamin

Allow jirkeeyga naarta ka xureey iyo inta soo qortaba ءامين
aad jeceshahay inaad marwalba lasocota qoraaladan camal please Fallow us 👈👏👏✍

Walal allaah dartiis Ugu faafi " inta qof Aad Asxaab tihiin.
Dambigaaga iyo kan Waalidkaa
Allaah dhaafo jzklh kheyra

By : Abdikheyr Bashir Abdi

04/03/2020

Qiso adiga kugu socoto kuna Taabanaysa😭

Nin ayaa xaaskiisi ku yiri, "Ka waran hadaan makhaayad cunto ka soo cuno?" Xaaski ayaa ugu jawaabtay, 'Maya, waxaan kuu soo jeedinayaa inaad haweeney kale weydiiso. Aniga Baar cunto ma kaala soo cunayo. Haweenay kale kaxee."
isagoo yaaban ayuu yiri: "Maxaa sidaa u leedahay, anigu ma ihi raga noocaa ah. Yaa weeye haweeneyda kale aad ka hadleyso?"
Waxay tiri: "Hooyadaa. Maanta waxaan u diiday casumaadaada inaad Hooyadaa bedelkeyga kaxeyso. Waxaa ka soo wareegay waqti aad u dheer inaad hooyadaa meel isu raacdaan ee casun hooyadaa."
Ninki ayaa jiriricooday wuxuuna ku yiri: "Allaha kaa abaalmariyo." Wuxuu durbadiiba wacay Hooyadii. Wuxuu u sheegay inuu soo marayo ay wada lugeynayaan, soona wada cunteenayaan. Hooyadii ayaa rumeysan weyday in wiilkeeda mudada badan ka maqnaa ay afkiisa ka maqasho. Hooyadii waxaa ka buuxsamay farxad, waxay iyada u ahayd riyo rumowday. Wuu soo maray, way wada lugeeyeen, cunto soo wada cuneen. Ma daneynayn goobta ay tagtay & cuntada, waxa ugu muhiimsan waa in wiilkeeda uu naxariis & ihtimaam u miijiyay dhinaceeda, uusan hilmaamin, inuusan dayacin hooyadii xitaa isagoo mashquul ku ah shaqo, xaaskiisa & caruurtiisa. Waxay la qaadatay hal maalin taasoo uga dhigneyd maalin ka mid ah kuwa ugu farxada badan nolosheeda.
Markey soo noqdeen ayuu weydiiyay hooyadii inay faraxsan tahay. Waxay tiri haa wiilkeygiyow Alle ayaan ku dhaartee aad baan kuugu faraxsanahay adiga & reerkaagaba.
Wuxuu ugu jawaabay, "In Sha Allaah waqti kale ayaan sidan oo kale sameynayaa."
Waxay tiri, "Maya, casumaada xigta aniga ayay iga imanaysaa." Wuu ku waafaqay.

Usbuucyo & Bilo ayaa ka soo gudbay, aad buu mashquul u ahaa. Hooyadii way xanuunsatay, wayna dhimatay. Allaha u naxariisto.
Wiilki aad buu u murugooday. Maalmo ka dib Hudheelki cuntada ayaa soo wacay oo u sheegay in casumaad u taal isaga & xaaskiisa, casumaadaa oo mar h**e la bixiyay. Isagoo yaaban ayuu is weydiiyay cida bixisay. Xaaskiisi ayay isu raaceen, waxaana loo dhiibay warqad looga tagay. waxay u qorneyd: "Wiilkeyga qaaliga ahaa, Allaha ku abaal mariyo, waxaan kugula ballamay inaan isla goobtan kugu casumo balse mashquul badan baad ahayd, ballanteydi ayaan fuliyay adiga & xaaskaaga ayaana idin wada casumay, hadaan annaga is arki weyno. Ducadeyda ayaa idin la jirta!"

Walaalayaal, qiimaha hooyada waa mid barakeysan. Ha ka careysiin weligaa. Ha dayicin. ha ka mashquulin. Ma aha inaan sugno marka hooyadu dhimato ama aan waalid noqono inaan garano qiimaha hooyada. Haddii Hooyadaa nooshahay la xiriir, waqti fiican la qaado, cafis weydiiso. Waad Guuleysanaysaa idanka Alle.
Waxaan rajeynayaa inaad wax badan ka faa'iido qisadan cajiibka ah

Nabigeena Muxammad NNKH wuxuu ku dhashay magaalada Maka Al-mukarama, sanad lagu magacaabo Caamul-fiil,   Bisha Rabiicul-...
07/02/2020

Nabigeena Muxammad NNKH wuxuu ku dhashay magaalada Maka Al-mukarama, sanad lagu magacaabo Caamul-fiil,

Bisha Rabiicul-awal, ama loo yaqaano (mowliid) 12-keeda, Habeen Isniin ah oo ay taariikhdu ahayd 571 miilaadi ,

Intii uu yaraa waxaa nuujiyay Hooyooyin badan waxaana kamid ahaa Xaliimatu Sacdiya, Oo iyada heysay Nebiga SCW ilaa uu ka gaaray 4 sano , ka dib waxay ugaysay Hooyadiisa Aamina ,

Hooyana waxay Heysay ilaa uu ka gaaro 6 sano, Dabadeed Hooyana wey dhimatay , kadibna waxaa kafaalo qaaday Awoowgiis C/mudalib ,

Awoowna Wuu dhintay isagoo Nebigu SCW jiro 8 sano , hadana waxaa ka faalo qaaday Adeerkiisa Abuu Daalib , Abuu Daalib wuu jeclaa Nebiga si fiican ayuuna u soo koriyay , Abuu Daalib ma uusan seexan jirin in dhinaciisa uu jiifo Nebiga SCW maahee, hadii uu meel aadayana wuu wadan jiray Nebiga SCW,

Nebiga Adeerkiisa Abuu-Daalib Wuxuu la joogay ilaa uu nin wayn ka noqdo , balse nasiib daro wuxuu ku dhintay Gaalnimo waana diiday inuu islaamo,

Nabiga SCW markii uu gaaray 25-sano ayuu guursaday Haweeney la yiraahdo Khadiija-Bintu-Khuweylid, oo aheyd Haweeney aad u sharaf badan , garoob ah , maal badanna laheyd, jirtayna 40 sano , waxayna u dhashay 6 caruur ah.

Nebigu markii uu gaaray 40 sano ayaa la diray oo laga dhigay Rasuul ,

Waxaana la amray inuu dadka ugu yeero towxiidka oo ah ilaahey inay caabudaan keligiis, markii 12 sano uu u yeeray dadkii deggenaa Maka iyo nawaaxigeeda aysanna rumayn dad badan ayaa la amray Rasuulka inuu u haajiro Madiina, isaga iyo asxaabtii rumaysaba.

Waxayna tageen Madiinatul-Munawara, si fiican ayaana loogu soo dhaweeyay , Nebiga markii uu soo galay Madiina dadku waxay usafteen jidka dhinacyadiisa, iyagoo soo dhaweeynaya qaadayana Heeso , Sacab iyo Durbaan , jacayl ay uqabaan awgiisa , Heesaha waxaa ka mid ahaa :-

*طلع البدر علينا * من ثنييات الوداع*

*وجب الشكر علينا * ما دعى لله داعي*

Nabiga markii uu soo galayey Madiina wuxuu saarnaa Hal Rukuub ah, wuxuuna kudagay Guriga AbuuAyuubul-Ansaari, Nabigu wuxuu walaalo kadhigtay Asxaabtii la soo hijrootay iyo asxaabtii Madiina degnayd, oo la kala oran jiray Muhaajiriin Iyo Ansaar, halkaas ayuuna kadhisay Dowladii Islaamka,

Nabiga Wuxuu kudhintay Madiina laguna Duugay isagoo jira 63 sano , wuxuuna nooga tagay Qur’aan weyn, oo uusan imaaneyn Baadil hortiisa , iyo gadaashiisa, waxaana soodejiyay Allaha xikmadda badan ee lamahadiyo.

06/02/2020

Nabiga SCW wuxuu ahaa mid cabba caanaha iyo Biyaha mana Qurqurin jirin ee wuu u neefsan jiray, wuxuuna yiri:-

(Beer Xanuunka Waxaa laga qaadaa Qurquinta), weelka dhexdiisa kuma neefsan jirin,
Inta badan isagoo fadhiya ayuu cabbi jiray , sharaabka wuxuu u jeclaa kii macaan ee qabow ,

Sharaabka iyo Cuntada kululna wuu necbaa wuxuunyiri:-
(Qaboojiya Cuntada tii Kulul barako Ma leh),

18/04/2019

Qiso__cajiib__ah😍😘

Inan ayaa waxay LA socotay ninkeeda waxa dhinac maraysay O'Day da'ah oo xanuun hayo oo giriiraya... 😶
Markii ay soo gaadheen odaygii ayaa inantii Ku dhacday odaygii .... odaygiina wuu u baneeyay dabadeedna inantii waxay Ku dhacday meel dhooqo lahayd oo way wasakhawday , kadib way qaylis oo ninkeedii ayay Ku tidhi miyanad arkayn xayawaankani siduu ii galay 🤨🤨

inankii ayaa odaygii gacanta u qaaday oo feedhay odaygiina dhulka ayuu Ku dhacay.. odaygii waa uu soo istaagay waxaanu damcay inuu wax ku dhufto lkn wxuu arkay ninkani inuu xoog wayn yahay Oo aanu iska celin Karin ,dabadeetana waa uu gunuusay odaygii halkiina kamuu dhaqaaqin odaygii ilaa ay Gabadhii iyo ninkii galeen guri u dhawaa meesha 😢😢

Markii uu ninku korayay sallaamadii guriga oo fooq ahaa ayaa uu kasoo siibtay madaxa ayuu dhulka Ku dhuftay waanu dhintay😕😮😮

Gabadhii ayaa qaylisay oo tidhi odaygaa ayaa dilay ninkaygii, dadkii oo dhan ayaa iskugu yimi waxanay isla tageen maxkamada , waxay Gabadhii u sheegtay xaakimkii inuu ninkani hadalo kadaba yidhi aan LA fahmayn ninkeeduna u dhintay sababtaa 😮😐😐

Xaakimkii ayaa waydiiyay odaygii maxaad dhacay odaygii ayaa yidhi gabadhan ayaan isku dhacnay ninkeeda ayaa markaa gacan ii qaaday ,waxaan is yidhi iska celi lkn waxaan arkay inuu IGA xoogwaynyahay ana waxaan idhi (allahayow waxa uu I tusay awoodiisa ee adna awoodada tusi) kamaanay so wareegin daqiiqado ilaa uu kaso dhacay salaanka oo uu dhintay ...😌

Xaakimkii ayaa Ku yidhi gabadhii ninkagu daalin ayuu ahaa Allana uga jaray miskiinkan ee iska tag 😮🤐

27/03/2019

Ku sali nabiga scw scw

Inta aadan aqrin shere garee wll Sida aan wada ogsoonahay, Nabigeenna Calayhi Salaatu wasalaam, waxa uu dhalay 3 wiil, m...
21/02/2019

Inta aadan aqrin shere garee wll

Sida aan wada ogsoonahay, Nabigeenna Calayhi Salaatu wasalaam, waxa uu dhalay 3 wiil, mid marka uu dhasho waa uu dhimanayay:
Al-Qaasim, Cabdullaahi iyo Ibraahiim.

Markii uu geeriyooday, wiilkii u yaraa ee Ibraahiim ayaa Xabiibka Calayhi Salaatu wasalaam oo wadda marayo waxa la hadlay nin gaal ah oo ku yiri : Kalmad xun oo ahayd:
يا أبتر!
Kii daba go'ayow, micnaha uu faraciisu baaba'ay, oo aanay jirin wax ku abtirsan doonno, mar dhowna la hilmaami doonno...

Nabiga Suuban Sallallaahu calayhi wasallam, aad ayuu oga carooday kalmaddaa foosha xun.
Balse Rabbi subxaanahu watacaalaa ayaa suuraddan kusoo dejiyay:
إنا أعطيناك الكوثر' فصل لربك وانحر، إن شأنك هو الابتر".
Waxa aannu ku siinay wabiga Kowthar waa webi Jannada ku yaal oo uu Nabigu calayhi Salaatu wasalaam keligii iska leeyahay!.
U tuko Rabbigaa, xoolana gowrac oo masaakiinta u qaybi.
Kan ku caayayo, isaga ayaa nasab go'ay oo aakhira imaan doonno isaga oo aan lahayn wax qaraaba ah, kadibna naarta geli doonno!!!

Taa waa tii aakhiro, adduunkana, magacaaga baaqi ayuu ahaanayaa oo mar walba malaayiin ayaa kugu sallinayso...

Walaal kayga muslimka ahow marka ay kusoo gaarto qisadan, Allaan kugu dhaariyaye ku Salli Xabiibka Calayhi Salaatu wasalaam.
Siina faafi.

Cawa waa Jimco ah ku sali nabiga scw SCW SCW SCW la wadaag kooxda muslimiinta
21/02/2019

Cawa waa Jimco ah ku sali nabiga scw SCW SCW SCW la wadaag kooxda muslimiinta

Address

Manila

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ilyaas mostaphe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share