Sahan Post

Sahan Post Sahan News Personality

Ururka iska caabinta Falastiiniyiinta Qasa ee Xamaas ayaa garabkiisa hubeyaan ee Qasaam, waxay maanta baahiyeen warsaxaa...
06/11/2025

Ururka iska caabinta Falastiiniyiinta Qasa ee Xamaas ayaa garabkiisa hubeyaan ee Qasaam, waxay maanta baahiyeen warsaxaafadeed lagu faahfaahiyay , sida ay Qasaam u marin habaabisay sirdoonka Israa|l, iyadoo warsaxaafadeedka lagu sheegay;

• Markii la gaaray heshiiskii nabadda Qasa oo la sii daayay maxaabiista nool , waxaa dhacday in loo baahday meydadka ku jira goobaha burburay in laga soo saaro, waxay oggaadeen Qasaam inay halkan fursad ka helayaan sirdoonka Israa|l oo soo saarista meydadka ka heli kara tixraaca gododka ay Qasaam adeegsadaan, waxaa dhacday fallanqeyn , waxaana la isku raacay;

• Waa in Israa|l aan la siin fursad ay ku fahmi karo goobaha laga soo saarayo meydadka laguna dhaqaaqaa howlgallo marin habaabin ah, waxay Qasaam bilowday inay baaritaanno been abuur ah ka sameeyaan goobo ka tirsan Qasa , si loogu qaldo Israa|l oo loogu muujiyo in gododkaa lagu hayay maxaabiista , inta lagu jirin fallanqeynta waxaa soo baxday inay Israa|l weerarro burburin ah ka fulin doonto goob kasta oo ay aragto meydad in laga soo saarayo.

• Israa|l waxay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dul geysan goobaha ay Qasaam howlaha baaritaanka meydadka ka wadeen, waxaana dhacday sida h**ey loo fallanqeeyay, oo Israa|l waxay bambooyin u muuqda nukliyeer la qafiidiyay ku weerartay goobaha loo muujiyay in meydadka laga soo saaray, balse taasi waxay ahayd marin habaabin waxayna Israa|l duqeyn meelo aan waxba ka jirin!

•Qasaam waxay intaas ku dartay in si loo ilaaliyo amniga iyo xogta sirta ah, iska caabbintu ay adeegsatay xeelado badan oo khiyaano ah xilliyada ay meydadka soo saaraysay, si cadowga looga dhigo mid marin habaabsqn oo aan heli karin macluumaad sax ah.

Itoobiya ayaa ku biirtay nidaamka lacag bixinta Shiinaha , si ay hoos ugu dhigto adeegsiga doollarka Mareykanka , waxayn...
21/10/2025

Itoobiya ayaa ku biirtay nidaamka lacag bixinta Shiinaha , si ay hoos ugu dhigto adeegsiga doollarka Mareykanka , waxayna ku bixin doontaa lacagta Yuan-ka deymaha uu Shiinaha ku leeyahay iyo wax soo iibsiga, sida ay werisey Bloomberg.

Caruurta hooyadood ina Cagjar Dhanaan ku diley dorraad, wa inaynu ugu yaraan guri ay dhaxanta kagalaan udhisno.Cidii hay...
29/08/2025

Caruurta hooyadood ina Cagjar Dhanaan ku diley dorraad, wa inaynu ugu yaraan guri ay dhaxanta kagalaan udhisno.

Cidii haysa meel aan kala xidhiidho ehelka caruurta haya iyo dadka guryaha dhanaan kadhisa ha ila soo xidhiidhan insha Allah.
Hooyadood uma soo celin karro balse waa inynu gacan qabanaa dhammaanteen caruurtas rajayda laga dhigay.

29/08/2025

Ina Cagjaroow Shacabka Degmada “HUDHET’ way dhiig baxayaan ee wax Taakulayn ah ma gaadhsiisay?

Reer Hudhet miyayna Deegaanka ka tirsanayn oo ayna Soomaali ahayn.?

Away Soomaalinimadii Beenta iyo Awrku kacsiga ahayd eed shalay Gobalada, Degmooyinka & M.magaalooyinka ku bixinaysay! Dee Anagu Shaqsiga dhabta ah eed tahay waanu ku naqaanaaye! bal si ayna Dadka aan ku aqoonin kuu baranin ( Faahilmin), isku day inaad HUDHET Soomaalinimadii beenta ahayd kaa Arkaan.

Fulay u xiniinyo weyn kaliya Shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka ! Balse aan Fiirin’karin Xasuuqa Shacabka ee dhinaca Xuduudaha.!!

WARAYSI XASAASI AHMadaxweynihii h**e ee DDS, Khadar Macallin Cali ayaa waraysi dheer oo uu siiyey KaramaraTV, waxa uu ka...
25/08/2025

WARAYSI XASAASI AH

Madaxweynihii h**e ee DDS, Khadar Macallin Cali ayaa waraysi dheer oo uu siiyey KaramaraTV, waxa uu kaga hadlay arrimo badan.

Waraysiga oo soconaya saacad iyo dheeraad, waxa uu Madaxweynuhu kaga hadlay:
1. Dhallinyarada ku xidhan Jigjiga (Cabdi Baaruud, Aar Bannaan-degay, Ibraahin Cabdiqaadir & Axmed Awga) iyo dhibaatooyinka ay qoysaskoodu la kulmeen.
2. Toddoba dhallinyaro ah oo laga xidhay degmada Marsin ee gobolka Qorraxay
3. Isbeddelkii dhacay, Soomaalidu ma uga faa’iidaysatay fursadihii kasoo baxay? Maxaa qaldamay?
4. Heshiiskii ONLF iyo Itoobiya
5. Arrimaha shidaalka iyo saamiga Soomaalida
6. Sidii uu Deegaanka u maamulayey waqtigii uu Madaxweynaha ahaa, duruufihii jiray iyo dagaalkii Itoobiya & Eritrea ee 1998 ee kusoo beegmay xilligii uu Madaxweynaha ahaa.
7. Musuqmaasuqa ka jira DDS
8. Qaab-dhismeeda cusub & meelaha laga gaabiyey
9. Talooyinkii isaga iyo Madaxweyneyaashii h**e ay siiyeen MW Mustafe
10. Is-cafintii Madaxweyneyaashii h**e ee DDS
11. Bayaanka maamuuska Madaxweyneyaasha ee Itoobiya ansixisay & sida qaldan ee uu MW Mustafe u turjuntay
12. Qaabka loo bixiyo qandaraasyada, dabo-gal la’aanta iyo arrimo la xidhiidha
13. Odayaasha ku sugan Addis Ababa
14. Eedayntii uu Madaxweyne Mustafe u jeediyey Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Duullane.
15. Wixii ka dhacay Dacawaley
16. Dardaaran guud

WARAYSIGA Waxa aad KaramaraTV ka daawan doontaa: Berri 4:30PM

25/08/2025

Wakhtigu waa 2006 G.C oo Addis Ababa Araday ka ah haysana Fasax kooban kuna sii jeedna dhanka Gobalada Abaaro 10:00-11:00am (barqinimo) taagan meel u muuqata meheradii h**e ee Adeer Sh.muxumed ( Gadh-jubi) Micnaha badhtamaha Magaalada JIGJIGA-Waxaa naga qabtay-Nin Magaciisii ma hayee balse sida Maalinkaas naloo sheegay kasoo jeeday Beesha Gabooye, kaas oo ka mid ahaa M.mulka Qabalaha 03 ee wakhtigaas-Tilmaan Qabalahu wuxuu ku yaalay Kasoo horjeedka Masaajidka Dabaqa ah. Ninku wuxuu watay 2 Askari iyo bastoolad uu isagu watay oo muuqatay, kadib qabalihii ayuu na geeyay, meesha baadhista u ah waxaa fadhiya nin qalin iyo buug isku dul haya, haye hebal bal ka war bixi ayuu ku yidhi-Ninkii meesha na keenay! Kiina ismaba dhibine wuxuu ku yidhi Dee maxaan ka war bixiyaa sow adiga Arka ! bal indhahooda uun fiiri k*k!
Waxaanu nahay 2 Arday oo intay COLLEGE & CAMPUS live ka soo baxeen Caato iska ah balse wata Documents Ardaynimo oo Sharci ah, sida ID Ardaynimada , Sidookale Si fiican ugu hadlaysa luuqada-Axmaariga.

Dhamaan Nimankan Qabalaha jooga including kii anaga na watay waxay kuwada hadlayaan Afxabashi jajab ah ( Axmaar iska yeel-yeel)! Kadibna kii baadhaha iska dhigayay ayaa nagu yidhi waryaada maxaad ahaydeen? Anaguna waxaanu nahay Rag haba iska dhafoor liitaane intay 7-8 Sano markaas Addis Ababa ( SHAWA) ku noolaayeen , say bahashii Canjeero Xabashida ahayd u riixayeen laftoodu Axmaaro-Axmaaro iska dhigaya! Oo hadiiba uu markaas jirilahaa Garsoore noo qabta Tartan Axmaarnimo! Dee malaha Anagaaba koobka ka qaadi lahayn Minoshiibiyadan Qabalaha joogta ee Axmaaro iska yeel-yeelka ah!

Aniga ayaa ugu Jwbay Dee inaanu dad nahay waad u jeedaaye hadalkaaga qaab kale u dhig iyo bal fiiri siduu u halayo ayay hal mar wada dhaheen! Waryaa si sax ah isu sheega waxaad tihiin hadii kale hada ayaanu dabada idinka kaxayn! Illahay Amarkii waxaa naga daba yimid oo ilaa meeshii nagala soo kaxeeyay nasoo daba socday Clhi waajib iyo Nin polis h**e ahaan jiray balse markaas shacab ahaa ( oo “CAWAANDI” ku magac dheeraa), Anaga oo ragii hadalka isku cel-celinayna ayuu Cawandi ku yidhi waryaada wilasha maxaad ka rabtaan iyo Waxba.Kama rabnee kaliya ha noo sheegaan meeshay ka yimaadeen. Kadibna intaanu labadii ID oo Axmaari miidhan ku qoranyahay miiska u saaranay, Kadibna intuu aad u Fiir fiiriyay ayuu yidhi haye bahalaha Afsomali kuma qornee bal isu kaayo sheega ! Anaa mar kale ku idhi kuu sheegi maynee intaad Akhrisatid Kadibna naga go’aan qaado. Intuu isku naxay ayuu 2 ID noosoo celiyay Kadibna Anaga oo aad u Cadhaysan ayaanu iska soo baxnay balse waxaanu markaas u fahanay inuu Ciidan noo maleeyay.!!

Raga Qabalaha la keenay waa Aniga iyo yar kale oo Rr Wardheer ah-Mr Cabdi xaashi ( Geeridaada ma maqale-Greetings brother) , Si fiican way u garanayaan Ardaydii EDIGET’ku.

Waxay ahayd wakhti Dadka Gobalada Kasoo jeeda ay aad iyo Aad ugu dhibaataysnaayeen Caasimada Deegaanka ee JJ oo Abni ahaan wakhtigaas iska liidatay- Waxkale iska dhaafe Xataa waxaa dhici jirtay in Xaafada ehelkaag ah ee aad martı ahaan habeen la joogtid ay ku qasbanayd inay Qabalaha ugu dhaw geeyaan Cadayn buuxda sida Magacaaga oo saxdexan , Waxaad isu tihiin iyo Meesha aad ka timid ama aad u socotid (Details and full evidence)!

F.G- Wakhtigaas Jeelasha Magaalada JJ Kuwo la ogyahay meelaha ay ku yaalaan iyo kuwo Aan la ogeyn’ba iyo Xeryihii ciidankuba way buuxeen. Dadka laga soo qabto Putland , Hargeysa iyo Jabuuti iyagana Jigjiga laguma soo leexin jirine waxaa Jeelal uga furnaayeen Addis Ababa iyo Siiwaay oo toos loo geyn jiray!

XIGASHO:Ahmedabdi

Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa shaacisay in Caaisha Aadan Ugaas Xirsi ay gashay kaalinta 1-aad ee Imtixaanka Qaranka S...
24/08/2025

Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa shaacisay in Caaisha Aadan Ugaas Xirsi ay gashay kaalinta 1-aad ee Imtixaanka Qaranka Sannad Dugsiyeedka 2024/25.

Caaisha waxey dhiganeysay Dugsiga SOS ee Gobolka Banaadir waxa ayna heshay cel celis ahaan 91.99%.

𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐮 𝐱𝐮𝐬𝐭𝐨, 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨?Haddii aan dib u mili...
24/08/2025

𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐮 𝐱𝐮𝐬𝐭𝐨, 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨?

Haddii aan dib u milicsanno taariikhda, waxaa jiray dalal wajahay xaalad u muuqatay kuwa aan mar dambe ka soo kaban karin burburkii ay ku jireen. Dalal carruurtooda ay qabow iyo gaajo u dhimanayeen, warshadahoodii la burburiyay, dadkooduna la ildarnaayeen barakac iyo cudurro, kuwaasoo maanta noqday kuwo hoggaamiya dhaqaalaha iyo tiknoolajiyada caalamka. Kuuriya Koonfureed waa tusaale ka marag kacaya in mucjiso siyaasadeed aysan jirin, balse ay jirto awood dad iyo hoggaan isku dhafan. Dal meesha u hooseysa nolasha ka gaaray intii u dhaxaysay 1950-meeyadii ayaa maanta ka sarreeya boqolaal jeer dalal ka nasiib roonaa waqtigaas. Maxay sameeyeen? Waxay go’aansadeen in dalka lagu dhiso maskaxda shacabka iyo cududda shaqada, halkii lagu tiirsanaan lahaa gacmo shisheeye. Waxay doorteen qorshe muddo dheer ah, isla xisaabtan adag iyo hoggaan aan ka cabsan isbeddelka.

Casharkaasi wuxuu khuseeyaa Soomaaliya maanta, oo taagan meel taariikhi ah oo ay suurtagal tahay in ay noqoto mid dunidda soo jiidata ama mid ku dhacda meerto aan dhammaad lahayn. Soomaaliya waxay haysataa fursado waaweyn oo dhulka ugu horreeyo, xeeb aad u dheer oo leh khayraad biyo iyo kalluun aan la soo koobi karin, dad da’yar oo tamar leh, iyo goob istaraatiiji ah oo dunidda oo dhan indhaha ku hayso. Waqti aan fogeyn waxaan ka maqlay ra’iisul wasaarihii h**e ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid inay Jabuuti isku arkeen muddo xileedkiisii koowaad madaxweynihii h**e ee Iiraan, Maxamuud Axmadinejad oo si layaab leh u waydiiyay ‘ Soomaaliya oo ku taalla bartaa muhiimka ah, maxaad isku haysataan, waxay ahayd inaad idinku wax u meerisaan dunidda ee ma ahayn in idinka heshiisyo la idin dhex dhigo!’

Balse, fursadaa uu tilmaamay Axmadinejad , waxaa daboolaya caqabado waaweyn oo muddo dheer siyaasadda dalka hareeyay. Siyaasaddu waxay u muuqataa mid ku dhisan taageero ku-meelgaar ah, balse aan ku dhisneyn natiijo waarta. Hoggaamiye kasta wuxuu dhaqangeliyaa qorshe gaaban oo inta badan ku xiran mashruuc shisheeye, halkii uu ka lahaan lahaa qorshe qaran oo muddo dheer ah. Shacabka wuxuu arkaya doorashooyin, hadallo iyo ballan-qaadyo, balse noloshooda wax isbeddel ah kuma yimaado.

Waxa ugu weyn ee siyaasadda Soomaaliya ka dhigay mid aan hal-abuur lahayn waa in la beddelay danta qaran oo laga sarreysiiyay danta qabiil. Siyaasaddu waxay noqotay goob lagu qanciyo kooxo, halkii ay ka ahaan lahayd goob qaran lagu mideeyo. Hal-abuurka la iskuma abaalmariyo , balse waxaa la abaal mariyaa cidda haysata taageero qabiil ama maal ku filan in ay dhaqaajiso olole. Tani waxay dhalisay in siyaasigu barto sida kursi loogu dhego, balse uusan baran sida taariikh loo qoro. Marka siyaasadda laga waayo qorshe qaran iyo aragti mustaqbal, waxay ku dambaysaa inay noqoto ciyaar kuraas ah oo cid walba ku daasho.

Waxaa jira saddex caqabad oo waaweyn oo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ka hor istaaga isbeddel dhab ah; cabsi,ku tiirsanaan shisheeye iyo qabyaalad. Cabsi ay ka qabaan in nidaam adag oo isla xisaabtan leh uu jabiyo isku xirnaantooda siyaasadeed. Ku tiirsanaan ay ku tiirsan yihiin deeqo iyo faragelin shisheeye oo aan wax dhisayn balse ku kooban mashruucyo gaaban oo magac uun leh iyo qabyaalad wali lagu qiimeeyo hoggaamiyaha sida uu u qanciyo qabiil, balse aan lagu qiimeyn sida uu u abuuro shaqo, adeeg iyo nidaam. Saddexdan caqabad waxay dhigeen gidaar adag oo ka hor taagan horumarka, gidaar aan la jebin karin ilaa laga helo hoggaan aan ka cabsan inuu khatarta wajaho.

Faragelinta iyo deeqaha shisheeye waxay saameyn qoto dheer ku yeesheen siyaasadda dalka. Deequhu mararka qaar waa taageero degdeg ah oo nafis keena, balse mar kasta oo miisaaniyadda qaran ka timaaddo gacanta dibadda, shacabka wuxuu waayaa awood ay kula xisaabtamaan dawladda. Waxa uu shacabku ku khasbanaadaa inuu arko dawlad u adeegaysa ajandaha deeq bixiyaha, halkii ay u adeegi lahayd danta muwaadinka. Dawlad ku dhisan mashaariic oo aan ku dhisnayn miisaaniyad qaran waa dawlad aan qaan-gaarin, sidaas darteedna horumar dhab ah lama filan karo.

Haddaba, Soomaaliya sidee isbeddel dhab ah ku gaari kartaa?

Jawaabta ma aha mid sahlan, balse waa mid suurtagal ah haddii la qaado jid adag oo aan laga weecan karin. Amniga waa in lagu saleeyaa caddaalad, sirdoon shaqaynaya iyo sharci lagu kalsoonaan karo, ma aha oo keliya ciidammo badan. Dhaqaalaha waa in uu ku tiirsanaadaa wax-soo-saar gudaha ah sida, xoolaha, kalluun la warshadeeyo si uu caalamka uga dhex muuqdo, beeraha oo si dhab ah loo maalgeliyo, iyo warshado yaryar oo shaqo abuur dhaliya. Hay’adaha waa in lagu saleeyaa daahfurnaan, miisaaniyadda shacabka hortooda lagu akhriyo, qandaraasyada si cad loo shaaciyo, iyo adeegyo qof walba dareemo. Saddexdan tiir oo la isku helo, Soomaaliya waxay geli kartaa jid isbeddel waara.

Waxaan la iska indha tiri karin , sida ay Soomaaliya u tahay dal aan lahayn siyaasad madax bannaan, taasi waxay ka dhalanaysa inaysan Soomaalida waxba u qaban Soomaaliya ee ku tiirsanaanta dibadda ay ka dhigteen caado, balse siyaasad madax-bannaan waxay dhalataa marka dakhliga gudaha uu noqdo laf-dhabarka adeegyada, markaas shacabku wuxuu helayaa cod dhab ah oo go’aamiya jihada dalka. Taasi waa jidka keliya ee Soomaaliya uga bixi karto ku tiirsanaanta iyo kala dambeyn la’aanta.

Dal guuleysta wuxuu isku daraa qorshe, isla xisaabtan iyo dulqaad. Qorshe aan ka yarayn tobannaan sanno, isla xisaabtan aan cidna ka sarreyn, iyo dulqaad uu shacab iyo hoggaanba ku mideysan yihiin. Dalal badan oo Aasiya,laakin ameerika iyo xitaa qaar ka mid ah Afrika ah waxay ka soo baxeen xaalado ka adag waxa aan maanta wajahno.

Sidee Soomaaliya ku noqon karta dal ka soo baxa niyad jabka iyo burburka oo isbeddel horumar uu ka dhaco? Hal shardi keliya ayaa loo baahanyahay si natiijada lagu gaaro, waana in hoggaan ka soo baxa gudaha uu go’aansado inuu jebiyo caadooyinka aan sharraxaada u baahnayn ee Soomaaliya ka hortaagan isbeddel iyo horumarka.

Soomaaliya waxay u baahantahay qof aan kursi raadin , taa beddelkeeda u fakaro si uu taariikh u dhiso. Soomaaliya ma heli kartaa hoggaamiye diyaar u ah inuu qoro taariikh, mise weli waxay ku noolaan doontaa gacanta rajada shisheeye?

Hambalyo diirran guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari.Guushiinnu waa guul shacabka oo d...
23/08/2025

Hambalyo diirran guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari.

Guushiinnu waa guul shacabka oo dhan u soo hoyatay. Waxaan idiin rajeynayaa xil gudasho hufan, adkeynta dimuqraadiyadda iyo horumar waara oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Hambalyo mar kale! ✨

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH OO AY ARRIMAHA KU TAKRI-FALKA DHULKA DANTA GUUD KA SOO SAAREEN MADAXWEYNEYAASHII H**E EE DALK...
19/08/2025

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH OO AY ARRIMAHA KU TAKRI-FALKA DHULKA DANTA GUUD KA SOO SAAREEN MADAXWEYNEYAASHII H**E EE DALKA

Ogoosto 19, 2025: Ugu horrayn, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay howl-gallada ku takri-falka dhulka danta guud ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana leenahay Eebbe ha u naxariisto intii ku dhimatay kuwa ku dhaawacmayna alle ha caafiyo.

Sida ku cad qodobbada 25aad, 26aad iyo 43aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, qodobbada 50aad iyo 51aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud oo Qeexaya hantida danta guud iyo sida loo maamulayo iyo qodobbada 6aad iyo 22aad ee Xeer lr 41 ee Sharciga Dhul Qaybinta. Qodobbadaas dhammaan waxay qeexayaan marka dhul laga saarayo diiwaanka Dhulka Danta Guud in ay waajib tahay in la xaqiijiyo arrimahaan;

•⁠ ⁠In muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed,
•⁠ ⁠In la soo bandhigo in laga maarmay dhulka la iibinayo iyo sababta,
•⁠ ⁠In iibintiisa ay ka masuul tahay Hay’adda Iibka Qaranka,
•⁠ ⁠In la naadiyo, laguna qoro Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaaddaan,
•⁠ ⁠In la xaqiijiyo u sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa,
•⁠ ⁠Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da dheefsashada dhulka, iyada oo aan dhibaato loo geysan deegaanka,
•⁠ ⁠Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida,
•⁠ ⁠Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar,
•⁠ ⁠In la dhigo Khasnadda Dhexe ee Dowladda dakhliga ka soo xarooda dhulkii la iibiyay.

Waxaa ayaan darro weyn ah in aan la marin qodobbada sare ku xusan oo shuruucda
dalku ay waajibinayaan in la raaco, isla markaana si bareer ah loogu tuntay Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka.

Haddaba anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:
1.⁠ ⁠Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.
2.⁠ ⁠In dib u dajin loo sameeyo dadka la bara kiciyay, xaq dastuuri ahna u leeyihiin in ay helaan deegaan.⁠
3.⁠ ⁠⁠ In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay.

Ugu dambayn, ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal quudatada ah waxaan uga digaynaa in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, meelna uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida qaranka, iyaga oo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka 1aad ee Dastuurka Dalka.

Waxaa soo wada saaray Madaxweynayaashii h**e ee dalka:
1.⁠ ⁠Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
2.⁠ ⁠Mudane Shariif Sheekh Axmed
3.⁠ ⁠Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

-Dhammaad-

Address

Dubai

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahan Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share