24/08/2025
𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐮 𝐱𝐮𝐬𝐭𝐨, 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨?
Haddii aan dib u milicsanno taariikhda, waxaa jiray dalal wajahay xaalad u muuqatay kuwa aan mar dambe ka soo kaban karin burburkii ay ku jireen. Dalal carruurtooda ay qabow iyo gaajo u dhimanayeen, warshadahoodii la burburiyay, dadkooduna la ildarnaayeen barakac iyo cudurro, kuwaasoo maanta noqday kuwo hoggaamiya dhaqaalaha iyo tiknoolajiyada caalamka. Kuuriya Koonfureed waa tusaale ka marag kacaya in mucjiso siyaasadeed aysan jirin, balse ay jirto awood dad iyo hoggaan isku dhafan. Dal meesha u hooseysa nolasha ka gaaray intii u dhaxaysay 1950-meeyadii ayaa maanta ka sarreeya boqolaal jeer dalal ka nasiib roonaa waqtigaas. Maxay sameeyeen? Waxay go’aansadeen in dalka lagu dhiso maskaxda shacabka iyo cududda shaqada, halkii lagu tiirsanaan lahaa gacmo shisheeye. Waxay doorteen qorshe muddo dheer ah, isla xisaabtan adag iyo hoggaan aan ka cabsan isbeddelka.
Casharkaasi wuxuu khuseeyaa Soomaaliya maanta, oo taagan meel taariikhi ah oo ay suurtagal tahay in ay noqoto mid dunidda soo jiidata ama mid ku dhacda meerto aan dhammaad lahayn. Soomaaliya waxay haysataa fursado waaweyn oo dhulka ugu horreeyo, xeeb aad u dheer oo leh khayraad biyo iyo kalluun aan la soo koobi karin, dad da’yar oo tamar leh, iyo goob istaraatiiji ah oo dunidda oo dhan indhaha ku hayso. Waqti aan fogeyn waxaan ka maqlay ra’iisul wasaarihii h**e ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid inay Jabuuti isku arkeen muddo xileedkiisii koowaad madaxweynihii h**e ee Iiraan, Maxamuud Axmadinejad oo si layaab leh u waydiiyay ‘ Soomaaliya oo ku taalla bartaa muhiimka ah, maxaad isku haysataan, waxay ahayd inaad idinku wax u meerisaan dunidda ee ma ahayn in idinka heshiisyo la idin dhex dhigo!’
Balse, fursadaa uu tilmaamay Axmadinejad , waxaa daboolaya caqabado waaweyn oo muddo dheer siyaasadda dalka hareeyay. Siyaasaddu waxay u muuqataa mid ku dhisan taageero ku-meelgaar ah, balse aan ku dhisneyn natiijo waarta. Hoggaamiye kasta wuxuu dhaqangeliyaa qorshe gaaban oo inta badan ku xiran mashruuc shisheeye, halkii uu ka lahaan lahaa qorshe qaran oo muddo dheer ah. Shacabka wuxuu arkaya doorashooyin, hadallo iyo ballan-qaadyo, balse noloshooda wax isbeddel ah kuma yimaado.
Waxa ugu weyn ee siyaasadda Soomaaliya ka dhigay mid aan hal-abuur lahayn waa in la beddelay danta qaran oo laga sarreysiiyay danta qabiil. Siyaasaddu waxay noqotay goob lagu qanciyo kooxo, halkii ay ka ahaan lahayd goob qaran lagu mideeyo. Hal-abuurka la iskuma abaalmariyo , balse waxaa la abaal mariyaa cidda haysata taageero qabiil ama maal ku filan in ay dhaqaajiso olole. Tani waxay dhalisay in siyaasigu barto sida kursi loogu dhego, balse uusan baran sida taariikh loo qoro. Marka siyaasadda laga waayo qorshe qaran iyo aragti mustaqbal, waxay ku dambaysaa inay noqoto ciyaar kuraas ah oo cid walba ku daasho.
Waxaa jira saddex caqabad oo waaweyn oo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ka hor istaaga isbeddel dhab ah; cabsi,ku tiirsanaan shisheeye iyo qabyaalad. Cabsi ay ka qabaan in nidaam adag oo isla xisaabtan leh uu jabiyo isku xirnaantooda siyaasadeed. Ku tiirsanaan ay ku tiirsan yihiin deeqo iyo faragelin shisheeye oo aan wax dhisayn balse ku kooban mashruucyo gaaban oo magac uun leh iyo qabyaalad wali lagu qiimeeyo hoggaamiyaha sida uu u qanciyo qabiil, balse aan lagu qiimeyn sida uu u abuuro shaqo, adeeg iyo nidaam. Saddexdan caqabad waxay dhigeen gidaar adag oo ka hor taagan horumarka, gidaar aan la jebin karin ilaa laga helo hoggaan aan ka cabsan inuu khatarta wajaho.
Faragelinta iyo deeqaha shisheeye waxay saameyn qoto dheer ku yeesheen siyaasadda dalka. Deequhu mararka qaar waa taageero degdeg ah oo nafis keena, balse mar kasta oo miisaaniyadda qaran ka timaaddo gacanta dibadda, shacabka wuxuu waayaa awood ay kula xisaabtamaan dawladda. Waxa uu shacabku ku khasbanaadaa inuu arko dawlad u adeegaysa ajandaha deeq bixiyaha, halkii ay u adeegi lahayd danta muwaadinka. Dawlad ku dhisan mashaariic oo aan ku dhisnayn miisaaniyad qaran waa dawlad aan qaan-gaarin, sidaas darteedna horumar dhab ah lama filan karo.
Haddaba, Soomaaliya sidee isbeddel dhab ah ku gaari kartaa?
Jawaabta ma aha mid sahlan, balse waa mid suurtagal ah haddii la qaado jid adag oo aan laga weecan karin. Amniga waa in lagu saleeyaa caddaalad, sirdoon shaqaynaya iyo sharci lagu kalsoonaan karo, ma aha oo keliya ciidammo badan. Dhaqaalaha waa in uu ku tiirsanaadaa wax-soo-saar gudaha ah sida, xoolaha, kalluun la warshadeeyo si uu caalamka uga dhex muuqdo, beeraha oo si dhab ah loo maalgeliyo, iyo warshado yaryar oo shaqo abuur dhaliya. Hay’adaha waa in lagu saleeyaa daahfurnaan, miisaaniyadda shacabka hortooda lagu akhriyo, qandaraasyada si cad loo shaaciyo, iyo adeegyo qof walba dareemo. Saddexdan tiir oo la isku helo, Soomaaliya waxay geli kartaa jid isbeddel waara.
Waxaan la iska indha tiri karin , sida ay Soomaaliya u tahay dal aan lahayn siyaasad madax bannaan, taasi waxay ka dhalanaysa inaysan Soomaalida waxba u qaban Soomaaliya ee ku tiirsanaanta dibadda ay ka dhigteen caado, balse siyaasad madax-bannaan waxay dhalataa marka dakhliga gudaha uu noqdo laf-dhabarka adeegyada, markaas shacabku wuxuu helayaa cod dhab ah oo go’aamiya jihada dalka. Taasi waa jidka keliya ee Soomaaliya uga bixi karto ku tiirsanaanta iyo kala dambeyn la’aanta.
Dal guuleysta wuxuu isku daraa qorshe, isla xisaabtan iyo dulqaad. Qorshe aan ka yarayn tobannaan sanno, isla xisaabtan aan cidna ka sarreyn, iyo dulqaad uu shacab iyo hoggaanba ku mideysan yihiin. Dalal badan oo Aasiya,laakin ameerika iyo xitaa qaar ka mid ah Afrika ah waxay ka soo baxeen xaalado ka adag waxa aan maanta wajahno.
Sidee Soomaaliya ku noqon karta dal ka soo baxa niyad jabka iyo burburka oo isbeddel horumar uu ka dhaco? Hal shardi keliya ayaa loo baahanyahay si natiijada lagu gaaro, waana in hoggaan ka soo baxa gudaha uu go’aansado inuu jebiyo caadooyinka aan sharraxaada u baahnayn ee Soomaaliya ka hortaagan isbeddel iyo horumarka.
Soomaaliya waxay u baahantahay qof aan kursi raadin , taa beddelkeeda u fakaro si uu taariikh u dhiso. Soomaaliya ma heli kartaa hoggaamiye diyaar u ah inuu qoro taariikh, mise weli waxay ku noolaan doontaa gacanta rajada shisheeye?